Hargeysa-(Berberanews)-20, June, 2010-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafti u hogaaminayo oo ay ka yihiin guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha ololaha doorashada gobolada Bariga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo masuliyiin sarsare oo ka rirsan xisbiga kulmiye, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay diyaarad khaas ah ka soo qaaday magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
Waftigan uu horkacayay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo muddo laba todobaad ah socdaalo ku soo marayay gobolada Bariga, ayaa markii uu maanta ka soo degay madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay madaarka xubno sarsare oo ka mid ah xisbiga kulmiye, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha ololaha doorashada ee gobolada galbeedka, guddoomiyaha ololaha doorahsada ee gobolka hargeysa, xoghayaha maaliyada, xoghayaha warfaafinta iyo xubno ka jid ah golaha dhexe ee xisbigaas.
Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa koowaad oo warfidiyeenada ugu waramayay qolka nasashada ayaa sheegay in socdaalkoodu ahaa mid ay ugu kuurgalayeen xaalada dhaqan dhaqaale ee shacabka ku dhaqan goboladaas iyo waliba ololeha doorashada.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararka sheegaya in uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo ku-xigeenkiisa Muuse Biixi, waxaanay si wada jir ah u sheegeen in warkaasi uu ku kooban yahay xisbiga UDUB iyo xukuumada ay hada taladeedu sii dhamaayso waa sida ay hadalka u dhigeene.
“Waxa aanu soo marnay gobolka Togdheer qaybo ka mid ah, Sanaag, qaybo ka mid ah gobolka Sool iyo waliba Oodweyne, meel kasta oo aanu soo marnayna aad iyo aad ayaa naloogu soo dhaweeyay, aniga oo ka faa’iidaysanaya fursadan ayaa waxa aan jecelahay in aan hambalyo u diro dadkii tirade badnaa ee na soo dhaweeyay, mahadnaq aad u balaadhan ayaanu u soo jeedinaynaa dhamaanba, dhamaana dadka waxa aan leeyahay aynu u diyaar garoowno doorashada madaxtooyadda, si nabad ahna u ilaaliya amaanka, kana hortaga wax kasta oo dhibaato inagu keeni kara,” sidaa waxa isaga oo ka warbixinaya socdaalkii ay dhawaan ugu baxeen gobolada bariga yidhi guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Axmed Maxamed Maxuud (Siilaanyo).
ka dib waxa ay wariyeyaashii shiraaas shirkaas jaraa’id goob jooga ahaa ay weydiiyeen su’aalo, waxaanay u dhaceen sedan.
Su’aal: Guddoomiye socdaalkii aad ku tagtay gobolada Bariga maxaa kaa baxay sidee ayayse dadku idiin soo dhaweeyeen?
Jawaab:Gobolada aanu soo marnay oo dhan waxa aanu dadka kala kulanay soo dhaweyn laxaad leh, waxaanan uga mahadnaqayaa dadkii deegaankaas nagu soo dhaweeyay sidii fiicanayd ee ay noola dhaqmeen, runtiina waa mid aanan ilaabib Karin oo taariikhda geli doonta, taasina waxa ay na gelisay kalsooni aad ah.
Su’aal: Guddoomiye waxa jiray warar sheegayay in adiga (Axmed Siilaanyo) iyo muuse biixi oo ah guddoomiye ku xigeenkaagu uu khilaaf xoogani soo kala dhex galay, arrintaas bal idinka oo sida wada jir ah uga hadlaya maxaad kaga jawaabi lahaydeen?
Jawaab: (Axmed Siilanyo) guusha uu gaadhay xisbiga Kulmiye ayaa waxa jira rag ka soo hojeeda oo doonaya in ay colaad aan jirin xisbiga ka dhex abuuraan, wax aan ahayn wada shaqayn iyo wada socod iyo wanaag aan ahayn mooyeene wax kale oo na dhex maray ma jirto, muuse biixina waxa jirtay marar badan oo uu arrintan ka jawaabay, maantana waaba ka halkan jooga, way na soo gaadheen wararkaasi, lakiin dadka faafinaya aad weydiisaan oo aad tidhaahdaan saw kuwan wada socda arrintaas xageebaad ka keenteen ayay ahayd, markaa xageebaanu iska qabanay, maanta maalin aanu iskaga dhawnahayna waligayabo maanu arag.
Muuse biixi Cabdi ayaa isla su’aashaas jawaab ka bixiyay waxaanu yidhi “Horta qoliyihiinan saxaafada, wax walba waad qaadaan, dadkana waad waydiisaan, waar qoladan UDUB ee jabtay habaarkoodu waa dibada, iyaga ha ku eekaado, idinka ayaaba wax ka soo qaadaayee, wax aleyaale wax ay tarayaan ma jirto, waxaanay aniga ila tahay in arrintaasi ay tahay mid ku eeg hadhaagii UDUB, kuwaas oo waayay miciin aan ahayn habaar.
Su’aal: Guddoomiye waxa jira warar sheegaya in markii aad tagtay magaalada Oodweyne aad sii kaxaysatay ciidan tiro badan oo ahaa ciidan beeleed arrintaas maxaad ka leedahay?
j: arrintaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxa ila socday odayaashii deeganka iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaankaas, markaa mabayn oolin xaalad aan ku kaxaysto ciidan beeleed, waana deegaan sida runta ah si wayn nalooga soo dhaweeyay, markaa ciidamada aad sheegaysaa waa dacaayaad aadka aanay waxba ka jirin.
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna intaas ku sii ladhay oo yidhi “Ina rayaale waa murashax oo uu waxa uu wataa intaas oo tikniko ah, Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah murashaxa madaxweyne ku xigeenka UDUB ayaa isna waxa uu wataa intaas oo tikniko ah, murashaxa xisbiga UCID iyo ka Kulmiye midna ciidan qaran oo la soo raaciyay ma jirto, marka la doonayao in ay doorashada loo diyaar garoobayo, la iskana ilaalinayo cadaw, waa maxay caqliga odhanaya murashaxiinta ku tartamaysa doorashada madaxtooyada midna tiknikadii qaranka lagu ilaaliyo midna ha la dayaco,
S: Guddoomiye waxaad soo martay gobolada bariga, waxa la sheegi jiray in dadka halkaas ku dhaqan ay noloshoodu ay aad u hoosayso, maxaa kaaga baxay?
J; Nolosha dadkaasi walaahi aad iyo aad bay u hoosaysaa, haddii ay noqoto dadka iyo waliba jidadka aanu maraynay oo dhan, dadkaasna wax aleyaale wax loo qabtay ma jirto, waxa ugu daranina waa jidadka iyo baahiyaha kale ee badan, waa dad aad arkayso in la dayacay