Hargeysa (Berberanews.com) –20, June, 2010- Badhasaabka gobolka Hargeysa Maxamed Cabdi Daa’uud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu eedaymo u jeediyay Gudida ilaalinta anshaxa doorashada Madaxtooyada Somaliland.
Maxamed Cabdi Daa’uud waxa uu sheegay in gudida ilaalinta anshaxa doorashadu aanay kala garanayn shaqada badhasaabada Somaliland ee u ololaynaya xisbiga talada dalka haya ee UDUB, kaasoo ay gudidu badhasaabada alka ku eedeeyeen inay u ololaynayaan xisbiga UDUB.
Gudddoomiyaha Gobolka Hargeysa Mr Maxamed Cabdi daa’uud waxa uu u soo jeediyay gudidaasi inay bartaan shaqada badhasaabada iyo ta dad kale, waxaanu tilmaamay inay qayrul dastuuri tahay in ay yidhaahdaan badhasaabadu kama qayb gali karaan siyaasada.
Mr Daa’uud waxa uu tilmaamay inay khalad tahay inay ku dhawaaqaan kalmadaha ay ka midka tahay badhasaabku waxa uu ka mid yahay shaqaalaha dawlada ee agaasimuhu ugu hooseeyo “Waxaan doonayaa inaan khalad ay galeen gudida ilaalinta anshaxa doorashadu inaan ka saxo oo toosiyo.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Marka ay leeyihiin badhasaabadu waa shaqaalaha shacabka oo siyaasad ma gali karaan, taasi waa qayrul dastuuri xaqna umalaha inay kalmadaa ku dhawaaqaan.”
Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Maxamed Cabdi Daa’uud waxa uu amaan u soo jeediyay shacabka reer Somaliland oo uu sheegay inay kaalin muuqata ka qaateen in hawsha ololaha doorashada Madaxtooyadu ku dhamaato hab nabadgalyo ah.
Maxamed Cabdi Daa’uud oo ku caan ahaa eedaymo uu u jeediyo komiishanka qaranka ayaa waxa uu maanta sheegay inuu amaanayo mar haddii komishanka ay amaaneen guud ahaan shacabka Somaliland.
Berberanews.com/office