...Ka sekow dhiiri gelinta taageerayaasha xisbigiisa UDUB iyo codsigiisa ah in marlabaad codka lasiiyo xisbiga UDUB, waxa la filayaa in madaweyne Rayaale uu guud ahaan shacabka Somaliland usoo jeedin doono dardaarankii u danbeeyey ee la xidhiidha doorashada la filayo maalinta sabtida inay ka qabsoonto dalka Somaliland.

21/06/2010 Hargaysa(berberanews):- Maanta oo ah maalintii ugu danbeysay olalaha doorashada ee sibiga UDUB, isla markaana ay guud ahaan ololaha ka hadhsantahay laba cisho, ayaa ilaa iyo xalay waxa si wayn magaalada Hargaysa looga dareemayay diyaar garawga UDUB ee gebogebaynta ololaha doorashada.
Tan iyo xalay waxa sawaxanka gaadiidka sameecaduhu ku rakibanyihiin isla markaana ay ka baxayaan heesaha astaanta xisbiga UDUB laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargaysa.
Saaka salaadii hore ayaa waxa xafiisyada xisbiga UDUB ee magaalada lagu arkayay gawaadhi aad u tiro badan, oo ka sekow gaadiidka yaryar ay weheliyeen basas loogu talo galay in taageerayaasha xisbiga lagu geeyo goobaha isusoo baxyada oo aad u badan.
Saraakiisha ugu sarraysa xisbiga UDUB ee gobolka ayaa iyana berberanews u xaqiijiyey in maanta ay si wayn isugu soo bixi doonaan isla markaana tusi doonaan awooda taageeradooda.
Dhanka kale madaxweyne Daahir Rayaale oo isla markaana ah musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UDUB ayaa la filayaa inuu maanta taagerayaasha xisbiga UDUB kula hadlo fagaaraha beerta xorriyadda.
Ka sekow dhiiri gelinta taageerayaasha xisbigiisa UDUB iyo codsigiisa ah in marlabaad codka lasiiyo xisbiga UDUB, waxa la filayaa in madaweyne Rayaale uu guud ahaan shacabka Somaliland usoo jeedin doono dardaarankii u danbeeyey ee la xidhiidha doorashada la filayo maalinta sabtida inay ka qabsoonto dalka Somaliland.
Sidoo kale raxan wasiiro ah iyo saraakiil muhiima oo ka tirsan xisbiga UDUB ayaa iyana la filayaa inay dadweynaha taageera UDUB kala qayb galaan soo gunaanadka ololaha. Dhanka kale laba xisbi ee kale ayaa iyana la filayaa in midkastaaba maalinta u hadhay inuu siwayn taageerayaashiisu isugu soo saaro.
C/risaaq C/laahi
Berberanews.com