Madaxwayne Rayaale oo Weedho Xanaf iyo Cambaarayn Leh ku Soo Gunaanaday Tartankii Ololaha Xisbiga UDUB
Posted by admin on
articles: Rayaalw.jpgHargeysa (Berberanews.com) –21, June, 2010- Madaxwaynaha Somaliland ahna musharaxa jagada Madaxwaynenimo ee u tartamaya xisbiga talada dalka haya ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin, oo maanta khudbadii gabogabadii ololaha xisbiga UDUB ka jeediyay fagaaraha beerta Xoriyadda Hargeysa..
Extended News

articles: Rayaalw.jpg(Berberanews.com) –21, June, 2010- Madaxwaynaha Somaliland ahna musharaxa jagada Madaxwaynenimo ee u tartamaya xisbiga talada dalka haya ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin, oo maanta khudbadii gabogabadii ololaha xisbiga UDUB ka jeediyay fagaaraha beerta Xoriyadda Hargeysa ayaa xisbiga KULMIYE ku tilmaamay mid ay ku jiraan rag ku sifoobay xagjirnimo.

 

 

 

Md Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu wax ka tilmaamay hogaaminta isaga oo sheegay in xisbiyadda Mucaaradka ahi ay cadhaysan yihiin, isla-markaana iyagga oo aan gaadhin ama qaban xilkii wadanka ay leeyihiin dadkayaga ayaanu ka aargoopsanaynaa, dadkaasina aanay ahayn kuwo hogaamin kara dal iskuna hayn kara umadda walaalaha ah reer Somaliland.

 articles: UDUB_1.jpg

 

 

Khudbadan Madaxwayne Rayaale jeediyay oo ahayd tii ugu dambaysay ee uu ka jeediyo iyadda lagu jiro ololaha doorashada, ayaa waxa kale oo uu wax ka tilmaamay waxqabadka xxukuumada xisbiga UDUB oo xusay inay wax ka qabatay arimaha ay ka midka yihiin waxbarshada, caafimaadka iyo fidinka maamulka oo uu sheegay inay tahay wax sida cadceeda u cad oo aan la qarin karin.

 

 

 

Md Daahir Rayaale oo ugu horeyn ka hadlaya gabogabada ololaha waxa uu yidhi “Maanta waxaanu u taaganahay maalintii ugu dambaysay ee ololaha xisbiga UDUB uu u lahaa, iyadda oo doorashadii ay inaga xigto, xisbiyada tartamaya, xisbiga UDUB waa hooyadii dimuqraadiyadda Somaliland, dimuqraadiyadda xisbiga UDUB ayaa bilaabay waa hooyadii nabada Somaliland, intii xisbiga UDUB talada dalka hayay ma balaayo ayaa dalka ka dhacday?, nabadbaa ka dhacday.”.

 

 

 

Md Rayaale waxa kale oo uu balan qaaday isaga oo ku hadlaya afka xisbiga UDUB ee uu Guddoomiyaha ka yahay “Xisbiga UDUB waxa uu umadda balan ugu qaadayaa midnimo, walaaltinimo, shacabka Somaliland oo u ul iyo diirkeed ah oo aan la kala qayb-qaybin, waxa ka reeban xisbiga UDUB xagjirnimo, xisbiga KULMIYE rag badan oo xagjirnimo ah ayaa ku sifoobay, xagjirnimadu waa noocyo badan, xisbiga UDUB mid caadifad ku shaqeeya maaha, waa xisbi dagaanshiiyo oo arin kasta ka fiirsada.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dal waxa hagi kara hogaan talada ka fiirsada oo meel gaadhsiin kara, ma hagi karo niman cadhaysan oo iyagga oo aan xilka qaban waanu aargoosanaynaa leh dad ma hagi karaan.”

 

 articles: UDUB_3.jpg

 

Madaxwaynaha Somaliland waxa uu si cad u weeraray xisbiyada Mucaaradka ah “Nimanka maanta sii dhaaranaya ee leh dadkayaga ayaanu ka aarsanaynaa baritana maxay samaynayaan, wax aan loo joogin ayay samaynayaan.” ayuu yidhi Md Rayaale waxaanu intaas sii raaciyay “Waxaan halkan idiinka sheegayaa xisbiga UDUB mudadii uu joogay waxqabad ayuu muujiyay wixii uu qabtay wax la qarin karo maaha oo sida qoraxda ayay u muuqataa, haddii ay tacliin tahay, haddii ay caafimaad tahay iyo haddii ay tahay fidinka maamulka oo dalka oo dhan la gaadhsiiyay, xisbiga UDUB ayaa sameeyay wax alaale wax xisbiyada kale ku darsadeen ma jirto.”

 

 

 

Madaxwayne Rayaale waxa kale oo uu soo qaaday “Xisbiga UDUB waa xisbi u taagan midnimada iyo wada noolaanshaha umaddan, waa xisbi ay ka reeban tahay wax kasta oo xajiin ah oo bulshada dhexdeeda laga samaynayo, waa xisbi u taagan in qaranka la isku hayo ilaa waligiiba oouu noqonayo qaran jira oo uu umadaha ka mid noqonayo.” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyay isaga oo ka hadlaya Maxjarka Berbera ee xoolaha “Rag baa yidhaahdaa Maxjarka waanu baa’biinaynaa adeer xoolihii Sucuudiga dib ugu noqday ayaan baa’biinayaa ayuu leeyahay taas ma danbaa umadda ugu jirta.

 articles: UDUB_4.jpg

waxa aan idiin sheegayaa inay qolada Boloree ay dhisayaan dekedeena Barbera oo ay ku darayaan qayb koontiinarada ah, laba qaybood oo Koonteenaro ah ayaa laga samaynayaa midna Wajaale midna Berbera si xoolaheenu uga dhoofaan Itoobiya.”

 

 

 

Ugu dambayn Madaxwayne Rayaale waxa uu hadalkisii ku soo xidhay isaga oo dhamaadkii hadalkiisa beerta xoriyadda uu ka bilaabmay shiid u dhaxeeyay dhalinyaro ku jirtay gudaha beerta xoriyadda iyo kuwo kale oo dibada taagnaa “Walaalayaal waxa inoo balan ah in 26-ka Juun aad UDUB codka ugu ridaan.”

 

 

 

 

Berberanews.com/office

Hargeysa/Somaliland

Info@berberanews.com