Prof Galaydh oo raadinaya ciddii fulin lahayd heshiis ay la gashay Xukuumadii Silaanyo

0

Hargeysa(Berberanews):- Cali Khaliif Galaydh oo ah hoggaamiyaha Khaatumo, ayaa sheegay inay illaa hadda la ‘yihiin cid ay kala hadlaan heshiisyadii ay wada galeen Xukuumaddii hore ee Somaliland ee Axmed-Siilaanyo madaxweynaha ka ahaa iyo Maamulka Khaatumo, isla markaana Madaxweyne Biixi dhanna u dhaqaajin waayey heshiisyadaas.

Prof: Galaydh oo xalay ka hadlay madal dood-wadaag ah oo lagaga hadlayey dimuquraadiyadda xisbiyada Somaliland, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la furo Dastuurka Somaliland, si loo dhammaystiro galdaloolooyinka iyo dhalliilaha uu leeyahay.

Cali Khaliif Galaydh oo qodobbadaas iyo qodobbo kale oo horumarka iyo higsiga dimuquraadiyadda la xidhiidha iyo waxa dhaawici karaba ka hadlaya, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-,