Berbera News | Daily News Update

Qaar kamid ah Ganacastada Xoolaha Dhoofiya oo Sheegay In Aanu Jirin Muran u Dhexeeya Wakiilada Maraakiibta iyo Gnacsatada Xoolaha

Tog-Wajaale(Berberanews)-Qaar kamid ah Ganacsatada xoolaha ka dhoofiya, Dekeda
Berbera, islamarkana Lo,da admaanta ah ka rara Saylada weyn ee xoolaha
lagu iibsado ee Tog-Wajaale ayaa sheegay in aanu wakhtigan xaadirka ah
jirin cabashooyinkii u dhexeeyay Wakiilada Maraakiibta iyo Gnacsatada
Xoolaha iyagoo, si gaar ahna raali galin ugu celiyay mid kamid ah
Ganacsatada xoolaha , oo ka wakiil ah maraakiibta xoolaha qaada.

 

Ganacsatadan, oo sheegay in raali galintoodu daba socotay, eedaymo
hore loogu jeediyay, kaariyiinta maraakiibta Xoolaha qaada, taas oo si
khaldan ay ugu dareen ragii arintaasi kahadlayay, Ganacsade Maxamuud
Badde oo kamid ah  ganacsatda xoolaha dhoofiya islamarkaana, ka wakiil
ah laba markab oo xoolaha ka qaada Dekeda Berbera, kuwaas oo sida ay
sheegeen heshiis lagu yahay arimaha noolka dhibaatana aanay ka jirin.

 

Ganacsade Maxamuud Yuusuf ayaa, isagu raali galin ka bixiyay in
wakiilada xoolaha uga wakiilka ah ee Dekeda Berbera iyo Tog-Wajaale ay
shirar ay ganacsatadu qabatey ku weerareen Maxamuud Badde Iimaan, oo
ah raga sida weyn uga howl gala rarka xoolaha dhinaca Dekeda Berbera
kana mid ah Ganacsatada Xoolaha dhoofiya, kaas oo aan dhoofka xoolaha
u ogolayn mushkilado kuyimaada.

 

“Cabashooyinku wey jiraan, oo qaar badan oo Ganacasatada ka mid ah
ayaa arimo maraakiibta ah ka cabanayay laakiin ma geyo Maxamuud Badde
Iimaan in isaga arintaa lagu canbaareeyo waananu ka raali galinaynaa
hadaanu nahay odoyaasha Ganacasatda xoolaha dhoofiya ee Lo,da damaanta
ah, marka laga raro Dekeda Berbera iyagaa ka masuul ah xanaano iyo
nabbed-gelyo ayay ku tagtaa ilaa dalka Yemen, kama caban karno,
laakiin wakiiladu in ay arinta nala sugaan ayay aheyd”Sidaa waxa yidhi
Ganacasade Maxamuud Yuusuf, oo ka mid ah Ganacasatada dhoofiya lo,da
dam,aanta ah.

 

Dhinaca kale Ganacsade Maxamuud Badde Iimaan oo u waramay Warbaahinta
ayaa, isaguna sheegay in aanu garanaynin halka uu Xasan C/laahi oo ku
magic dheer(Xasan ehaadhig) ku noqday Gudoomiyaha Ganacsatada Saylada
Tog-Wajaale waxaanu xusay in uu ku ogyahay Xasan in uu Itoobiyaan
yahay , waxa kale oo uu xusay in aanu wakhtigan xaadirka ah jirin wax
cabasho ah ku wajahan rarka xoolaha balse, ay aheyd arin mar hor
arinkeedu dhamaaday, isagoo sheegay in ay faedeexada ugu badani ka
timid Gabalaax oo kamid ah Wakiilada Xoolaha Lo,da damaanta ah .

 

Xilgan ayaa, waxa guud ahaanba bilaabma rarka Xoolaha , taas oo laga
gaadhayo ilaa arafada si isdaba jog ah looga daabulo Sayladaha
Tog-Wajaale Lo,da damaanta ah oo la geeyo dalalka Yemen, Cumaan,
Imraadka iyo Sucuudi Arbaiya.

Leave a Reply