QARANNIMADII LAGU HUNGOOBAY: 26 JUUN/1 JUULAY 1960 – QEYBTII KOOWAAD:

0

Wuxu yidhi AHUN Maxamed Xashi Dhamac “Gaariye

Cabdalloow qasiidadu jir in aanay curinayn caku ma ila garateen

Maanta oo Bisha Juun tahay 26, ayaa ku beegan sannad guuradii lixdanaad ee ka soo wareegtay dhalashadii dowlad Soomaaliyeed oo madaxbanaan tii u horeysey. Waa maalin inaga mudan xussid gaar ah, tii oo laga shidaal qaadanayo himiladii iyo rajadii laga qabay in ay rumoowdow in meel la isugu keeno qowmiyadda Soomaaliyeed ee Geeska Afrika ku dhaqan. Shan maalmood ka dibna Bishii Juulay 1, 1960 waxa xoroobay gobolkii labaad ee Soomaliyeed oo waxa so korodhay dowlad labaad. Waxa kale oo dhacday in laga hawl galo midayntii labada mataanood.

Hadaba aniga oo raadraacayn seddexdii maqanaana meesha ay ku dambeeyeen, ayaa halkan waxan akhiristeyaasha mareegaha ummadda afka Soomaaliga ku hadasha ugu soo gudbinayaa qormo laba qeybood ah oo si kooban hoosta uga xariiqaya dhacdooyin la xidhiidha qaabkii loo maamulay midayntii labada dal iyo halka ay sartu ka qudhuntay ee wax iska waafiqiwaayeen.

Kowda bisha Juulay, 1960 waxay ku astaysantahay bilowgii dhammaadka rajadii wixii lagu magacaabi jirey Soomaaliweyn sabatuna waxay tahay meeshaba waxa ka baxay wax ay intii maqnayd ku soo hirato. Dowladii Somaliland ee Muqdisho u baqooshay waxay la kulantay waaqicii dhabta ahaa ee koonfur ka jirey, runtiina waxay isugu biyo shubatay in laba qabiil ku hirdayameen awood qeybsiga siyaasadeed oo qarka u saarnaa in dagaal dhexmaro. Haddaan Somaliland madasha tegin tan manta koonfur ka aloosan mid ka xun ayaa ka dhici lahayd.

Waxaynu xusuusannahay suugaantii hal abuuradu ka tiriyeen raadcadii shanta gobol ee Soomaalidu degto, waxa ka mid ahaa “Shantoo is wehesaday wanaagsanadaa; calan in ay wadaagaanee wacnaydaa;” “Hawdoow haybso calankaaga;” “Jabuutaai ka soo hoyo horrorkiyo waraabaha.” Iyo in kaloo badan oon halkan lagu soo koobi Karin.

Weedhaasi waxay ka mid ahaayen qiiradii raadgoobkii midaynta qowmiyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan Geeska Afrika. Sagaal iyo afartan sannadood ka dib waxa xusid muddan in aynu is weydiino halka ay wax ka qaloocdeen iyo arrimaha miyaa la la ilduufay? Ma badheedh iyo ula kac ayey ahaayeen? Ma aqoondaro iyo waayo aragnimo la’aan ayaa jirtey? Ma xamaasaddii iyo qiiradii ayaa barkuma taal noqday?

DAGAALKII LABAAD IYO DEEGAANADII SOOMAALIDA:

Sannadkii 1936 ciidamadii faashiishtada talyaaniga ayaa duulimaad ku qabsaday boqortooyadii Itoobiya. Bishii August 1940 ciidamadii talyaaniga ayaa weerar seddex geesood ah [Seylac, Hargeysa, iyo Oodweyne] ku qabsaday Somaliland. Bishii April, 1941 ayaa ciidamadii Boqortooyada Ingriisku rogaalcelis dib ugu qabsadeen dhammaan deegaamadii Soomaalidu ku dhaqnayd. 1944 dowladdii Talyaaniga ayaa Xulufadii kaga adkaatay dagaalkii labaad ee Dunida.

Isla sannadkii 1944 waxa Shirweyne isugu yimid goobta la yidhaa Hara Digeed dhammaan madax dhaqmeedyadii deegaanada Soomaalida si ay uga arrinsadaan dhibaatooyinkii Soomaalida saameynayey oo laga war helay.Madax dhaqmeedyadii shirweynaha ka qeybgalay waxa ka mid ahaa: Suldaan Cabdiraxman Suldaan Diiriye, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye, Suldaan Biixi “Fooley” iyo qaar kaloo aan halkan magacyadooda lagu soo koobi Karin.

Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye ayaa madashii Shirkii ka jeediyey khudbad dheer waxana ka mid ahaa hadaladii Suldaan Cabdillaahi:

“…Ninka diirka cad ee la isku xujeynayo adduunyadaa inoo garqaadi oo ina kala furdaamin; Waxase aan berri ka maalin xal loo heli doonin ninkaa aynu isku midabka nahay ee inagu soo siqaya..” Waxa dhacday in Xayle Silaase adduun xooggan[ E$50,000.00] ku bixiyey si aan shirka go’aamo la taaban karaa haba yaraate uga soo bixin. Gebogebadii shirka waxa lagu gunnaanaday ciyaar Soomaali hal qabsigeedu ahaa: “Asafoow askari ma I qoreysaa!! Halkay ku dambeysey cid is weydiineysaa maanta ma jirto.

Sannadkii 1946 Wasiirkii mustacmaraadka Ingriiska oo la odhan jirey Mr. Bevin ayaa barlamaanka Ingriiska u soo jeediyey in Qowmiyadda Soomaaliyeed oo reer guuraa u badnayd in dal mideeya la isugu geeyo. Qaramada Midoobay waxa xiligaa ka socotay dood ku saabsan sida loo maamulayo dalalkii Talyaanigu gumeysan jirey. Hindisayaashii lagu midayn lahaa Soomaalida waxba kama suurtoobin sababo la xidhiidha Afartii quwadood ee adduunka ugu xooga badnaa oo aragtidoodu midaynta Soomaalida ku kala duwanayd, iyo Soomaali konfuureed oon xiligaa u dhego nugleyn midaynta Soomaalida.

Maantana waxa midnimo Soomaaliyeed ku xuurtoomay kuwii shalay kala irdheysiiyey. Walaweyn waxa ay manta ku hadaaqayaan shalay hidin lahaayeen.

HALGANKII GOBANIMADOONKA:

Dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida waxa dalalkii la gumaysan jiray ka bilaabmay dhaqdhaqaaqyo gobanimo doon ah. Halgankaasi wuxuu si laxaad leh u saameeyey gaar ahaan qaaradda Afrika gebi ahaanteed. Qowmiyadda Soomaaliyeed oo shan meelood u kala qoqobnayd iyana gobanimo doonku deegaanadeeda wuu ka curtay. 1936kii Magaalada Jigjiga waxa laga aasaasay urur siyaasadeedkii S.Y.L. oo markii dambe ku xoogaystay koonfurta Somaaliya. Waxa kaloo magalada Baydhaba laga furay xisbigii la odhan jiray HDMF. Somaliland waxa ka hana qaaday xisbiyadii SNL, NUF, iyo USP.

Sannadkii 1955 Boqortooyada Ingriiska ayaa go’aansatay in Somaliland madax bannaani buuxda helidoonto. Shantii sannadood ee gobanimada ka horeysey waxa Somaliland laga hirgeliyey doorashooyin dowladda hoose[ lug atoori= Local Authority] iyo mid lagu magacaabi jirey “Majlis At-Tahriici” [Legislative Assembly] ama Gole Sharci dejineed.

Bishii 29dii February 1960 waxa Somaliland ka qabsoomay doorashadii Golaha Sharci dejinta Somaliland, seddex iyo sodonkii mudane ee golahana waxay seddexdii xisbi Qaran u kala heleen sedan soo socoto:

1- SNL wuxu ku guuleysatay 20 Mudane
2- USP wuxu ku guuleysatay 12 Mudane
3- NUF waxay ku guuleysatay 1 Mudane

Bishii February 1960 waxa magaalada Hargeysa yimid wefti seddex xubnood ka kooban oo Muqdusho ka soo kicitimay oo uu hoggaaminayey nin garyaqaan ah oo la odhan jirey Mohamed Sheikh Gabyow. Weftigu wuxu u yimid si loo qoro heshiiska Midowga labada dal- Soomaaliya iyo Somaliland. Duruufo la xidhiidha dareenkii siyaasadeed ee xiligaa aloosnaa awgeed, hawshii weftigu u socday waxba kama suurto gelin; hase ahaatee waxay jirey in la diyaariyey qaabkii awoodaha dowladnimo loo qeybsan lahaa oo ay muquunisay caadifaddii “ Midnimo shuruud la’aan ah!” Maxayse ku dambaysay?

16-24kii April 1960 waxay labadii Gole Sharci dejineed ee Somaliland iyo Somalia mabda’ ahaan isugu waafaqeen in labada dal midoobaan bisha Juulay 1960.

Bishii May 2dii-12dii 1960 waxa magaalada London ku qabsoomay Shirweynihii Distoorka Somaliland.

Bishii Juun 23dii 1960kii waxay Boqortooyada Ingriisku ku dhawaaqday in Somaliland madaxbannaani buuxda qaadandoonto 26ka bisha Juun 1960.

QARANIMADII MAJARAHABOWDAY:

26kii Juun 1960 Somaliland waxay noqotay gobolkii ugu horreeyey ee gobanimo heley. Isla maalinta 26ka Juun waxay dowladdii Somaliland iyo Midowga Boqortooyadii Ingriiska iyo Waqooyiga Ireland heshiiso laba geesood ah oo ay ka mid ahaayeen:1.

    •  Tixraac Heshiiska dhexmaray Dowladda Soomaliland iyo Midowga Boqortooyada Ingriiska

    • iyo Waqooyiga Ireland ee la xidhiidha Ciidanka Somaliland[Somaliland Scouts]”

2.

    •  Tixraac Heshiiska dhexmaray Dowladda Somaliland iyo Midowga Boqortooyada Ingriiska

    • iyo Waqooyiga Ireland eek u saabsana deeqda dhaqaale.

3.

    •  Tixraac Heshiiska dhexmary Dowladda Somaliland iyo Midowga Boqortooyada Ingriiska

    • iyo Waqooyiga Ireland eek u saabsana Shaqaalaha xukuumadda.

Dhammaan heshiisyadan laba geesoodka ah oo magaalada Hargeysa lagu kala saxeexday 26kii Juun 1960 waxay waafaqsanyihiin xeerarka caalamiga ah ee u dejisan heshiisyada noocaas ah.

Dowladda Boqortooada Ingriiska waxa heshiiska u saxeexay:
T. E. BROMLEY;

Dowladdii Somaliland waxa heshiiska u saxeexay:
MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL
AXMED XAAJI DUCAALE
CALI GARAAD JAAMAC
XAAJI IBRAAHIM NUUR.

Sida heshiisyada ku cad magac Jamhuuriyad Soomaaliyeed wax laguma kala saxeexan; xuduudihii Soomaliland iyo Soomaaliyana may suulin; welina sidoodii ay u jiraan; ninkii diidanoow maqal ama dab hindhis. Soomaali koonfureed waxa qiri la’dahay in laba dal oon waxba wadaagin la ahaa, waxana ka dhaadhacsan yar iyo weynba in Soomaalinimada koonfur marti looga yahay.

Dadka weli ku miyir doorsoonsan midnimo Soomaaaliyeed oo taariikhda si badheedh ah uga been abuura ayaa ku andacooda in Somaliland ay la kowsatay waxa lagu magacaabo “Jamhuuriyadii Soomaaliya”. Muran kama jiro in 26kii Juun 1960 qaran la yidhaa Somaliland adduunweynaha ku soo biiray, in ka badan 35 dal oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingriiska, Ruushka, Fransiiska, Shiinaha, Ghana, Masar, iyo Kuuba.

27kii Bishii Juun 1960 Golihii Sharci dejinta dowladda Somaliland wuxu cod aqlabiyad ah ku meel mariyey “Xeerka Midowga dalka Somaliland iyo dalka Somalia- Xeerka Lambar 1, Juun 27, 1960.”

27kii Bishii Juun 1960 xukuumadii Somaliland oo Calankii, qaranimadii, Xeerkii Midowga iyo Distoorkii Somaliland sida ayaa Muqdusho diyaarad ugu ambabaxa. Bari ka maalin waxa la maqalidoona reer koonfureed sheegaya in Allah ha u naxariiste Aaden Cabdille Cismaan diyaarad Somali Airlines lahayd uu weftiga u soo diray!!

Dhammaad Qeybtii Koowaad
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse