Qarax dad ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

0

 Muqdisho-(Berberanews) –Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay Qarax gaadhi oo caawa ka dhacay waddada  Maka-Al-Mukaram ee magaallada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga ayaa sheegay in Qaraxaasi uu ka dhashay gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarax, sida uu hadalka u dhigay balse muu sheegin khasaaraha ay ogyihiin ee ka dhashay Qaraxa.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa gaadhay goobta Qaraxa uu ka dhacay, waxaana la xidhay wadada, iyadoo ciidamada ay wadaan baadhitaanka qaraxa dhacay.

“Qaraxa waxaa uu ka dhacay meel u dhow Isbitaalka Daarul Shifa iyo Hotel Ambassado, waxaana jira bukaanno badan oo naxdin ay lasoo deristay kadib markii Qaraxa uu dhacay”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay Maxamed Adan oo ku sugnaa nawaax.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa balse Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa inta badan geysta Al Shabaab. 

Ciidamada xasilinta caasimadda ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo xooggan oo amniga lagu xaqiijinayay, balse iyadoo howlgalladaasi ay jiraan ayaa mararka qaar waxaa dhacay Qaraxyo ay inta badan sheegtaan Al Shabaab.