Qaybtii labaad ee shirkii Hal-abuurka Ganacsiga ee Shaqadoon iyo hay’addo kale iska kaashanayeen oo lagu soo gaba gabeeyey Hotelka Maan-soor (Sawirro)

0

Hargeysa (Berberanews)-Qaybtii labaad ee shirkii todobaadka hal-abuurka Ganacsiga aduunka ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa,kulankan oo ahaa kii labaad oo shalay ka furmay Jaamacadda Hargeysa maantana lagu soo afjarayo Hotelka Maan-soor waxaa ka soo qaybgalay dadweyne farabadan oo ka kala socday qaybaha bulshada sida bahda waxbarashada oo aad uga dhexmuuqday isla markaana la arkayey  masuuliyiintii Jaamacadaha,mudanayaal ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka,dhalinyaro farabadan oo ka kala socoday Jaamacadaha kuwaasoo madashii shirkaasi ku soo bandhigay aqoon fiican iyo wax soo saar ay ka sameeyeen ganasciyo u gaar ah.

DSC04458Masuuliyiintii shirkaa ka hadlay agaasimaha Tacliinta sare Dr Yuusuf waxaanu ka warramay aqoontu inay qofka heer gaadhsiiso sidaa darteedna waxa uu tusaale u soo qaatay laba hablood oo shalay warbixin cajiib ahayd ka soo jeediyey kulankii shalay ku qabsoomay Jaamacadda Hargeysa waxaa isna halkaa ka  hadlay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Cumar Maxamed Faarax waxaanu sheegay inay dhibaato weyni ka taagan tahay sidii dhaqaale loogu helilahaa dhalinayarada ka Tahriiaya dalka ee Badaha ku dhimanaya,wasiirku waxa uu xusay inuu Addis Ababa kula kulmay saraakiil reer Galbeed ah kuwaasoo ay ka wada hadleen Tahriibta balse sida uu sheegay waxa uu xasuusiyey dhibaatada Tahriibta Somaliland mushkiladihii keenay inay reer Galbeedku ahaayeen kuwii abuuray isaga oo arrimahaa ka hadllayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “Addis Ababa waxaan dhawaan kula kulmay saraakiil reer Galbeed ah oo doonayey inay Tahriibta kala hadlaan Somaliland”

DSC04441Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “waxba afka ka dhawrimaayee reer Galbeedku iyagaa abuuray dhibaatada iyo burburka dalkeenna maanta waxay doonayaan inaysan dhalinaradeennu tagin waddamadooda anna waxaanu ku idhi inaad dalalkii iska daganaa burburisaan haddana aad tidhaadaan caruurtoodii iyo dhalinayradoodii yaanay noo imanin taasi suurtogal noqonmayso ee waan inaad ogolaataan dalalkii aad idinku burburiseen inay dadkoodii idinku soo qaxaan waayo idinkaa nabadoodii iyo guryahoodii ka shaqeeyey inay burburaan” ayuu yidhi wasiir Cumaryare.

DSC04413Dhanka kanalana wasiirku waxa uu sheegay inay dhalinyaradu yihiin kuwii dalka iyo dadkabab badbaadin lahaa sidaa darteen looga baahan yahay jaamacadaha iyo dadka aqoonta lihi intay isu tagaaninay meel isla dhigaan sidii looga shaqayn lahaa dhalinayarada in loo sameeyo mashruuc ka duwan siyaasadda hadda taalla ee aan oo ay xukuumaddu siyaasad cad ka yeelato sidii loo joojiin lahaa dadka dibadaha laga keenayo ee aan lahayn anqoon ka badan tan ay leeyhiin dhalinyarada Somaliland ee Jaamacadaha ka soo qalinjabiyey isla markaan waxaanu yidhi “hadda dahay waxyari kaa kharaabaan gurigaaga waxaa kuu imanaya dad ajaanib ah oo aan ka aqoon roonayn kuwa dalkeena jooga aniguna maalin walba waxaannu hay’adaha isku haysanaa waar naga daaya dadkan aan ka aqoon badnayn kuwayaga ee aad Nairobi iyo Itoobiya nagaga soo kaxaynaysaan”

Waxaa isna halkaa ka hadlay Muuse Xaaji Ducaale oo ka tirsan Golaha Guurtida  waxaanu sheegay inay dhalinyaradu mudanyihiin inay ilaaliyaan dhaqanka suuban iyo diinta sababtoo ah hadduu qofku labadaa ka maqan yahay waxba kuuqaban maayo isna qabsanmaayo waxaanu sheegay inay labadaasi arrimood saldhig u yihiin horumarka baniaadamka “anigoo ku hadlay afkii Golaha guurtida waan ku faraxsanaay inaan halkan ku matalo codkayga balse waxaan dhalinayrada u sheegayaa inay ilaaliyaan dhaqanka suuban iyo diinta waayo labadaasi waa kuwa horka lagu gaadhayo” ayuu yidhi Mudane Muuse.

DSC04470Waxaa isna halkaa ka hadlay Mr Axmed oo ku hadlayey magaca hay’adda Spark oo kamid ahayd hay’adihii soo qaban qaabiyey shirkani waxaanu ka warramay siday dhalinyaradu diyaarka ugu yihiin inay shaqooyin helaan taasoo u dhiganta aqoontii ay mudada dheer ku soo bixiyeen inay bulshada ku soo kordhiyaaan,dhanka ka kalana Mr Axmed waxa uu is waydiiyey meesha ay wax ka khaldanyihiini ma xagga xukuumadda mase waxay khadadaadku ka yimaadaan xagga dhalinarada? Waxaanu sheegay inay arrimahaasi u baahan yihiin inay bulshadu u midawdo sidii looga tallaabsan lahaa caqabadahan ragaadiyey dhalinyaradii jaamacadaha ka soo bartay culuumta kaladuwan.

DSC04505Axmed Cabdiilaahi oo ka tirsan saraakiisha hay’adda African Educational Trust waxaanu madashaa ku soo bandhigay warbixin qiimo badan oo la xiidha manhajka Somaliland iyo siday Mr Axmed waxa uu xusay inay wali jiraan caqabado ka dhexjira qaybo kamid ah waxbarashadu siday isula jaan qaadi lahaayeen dhinacyadaasi “Qodobadaasi waxaa ku jira Falsafad ah in la cadeeyo heerarkii maadooyinka kaladuwan ee waxbarashadu gaar ahaan Bahda Science-ka waxaanu sheegay inay Dastuurka Somaliland ku jirto hal abuurka gancsiga” ayuu yidhi.

Dr Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo halkaa ka hadlay waxa sheegay inay Somalidu horey u lahaayeen ahl abuurka Ganacsiga kuwaas oo hormar fiican ka gaadhay ganacsigooda waxaanu tusaale u soo qaatay Ibraahin Dheer,Inndhadeero iyo ganacsato kale oo Somaliyeed “Somaliland ama Somaliyaba way ku jiraan hal abuurka ganacsigu balse dhibaatada kale ee u baahan  in waxlaga qabto waxa uu ku sheegay iyadoo aanu jirin sharcigii  kala xadaynta Ganacsiga ee dhiiri galinayey inay dadka hal abuurka lihi sii wadaan ganacsigood ka dib mark ay dadkale isla markiiba ka daba keenaan isla noocii ganacsigiisa taasoo niyadd jab ku ridda dadkii hal-abuurka lahaa ee u fikirayey sidii wanaagsanay.

DSC04518Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa Siciid Muxumed Jibriil ayaa warbixin qiimo badan ku soo bandhigay madashii shirkaasi taasoo ciiwaankeedu ahaa “hal abuurka ku salaysan ciliga dhabta ah” kaasoo waxbadan ka iftiimiyey sida loogu baahan yahay in la kala saaro aqoonta heerarkeeda kaladuwan.wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada iyo masuuliyiinta Jaamacadaha matalayey ayaa la soo fadhiisyey Boodhka sare si ay uga jawaabaan su’aalo la xidhiidhay warbixinadii madasha lagu soo bandhigay taasoo ka qaybgalayaashii shirka fadh iyey Gudoomiyaha Jaamacadda Adna University Maxamed Xuseen “Mu’addin,Maxamed Cabdi oo ka socday Jaamacadda Admas University,Siciid Muxmumed Jibriil oo ah Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa,Jumcaale oo ka socday Hay’adda Save The Children qaybteeda waxbarashada dadban ee Gacanta “Vocational Education” waxaanu soo jeediyey inay ardaydu markay Secondary Schoolka ku jiraan ay soo bilaabaan hal aburkooda si ay xiliga Jaamacadda u soo bandhigaan aqoon masxkaxeed oo uu ardaygaasi uga faa’iidaysan karo hormarka noloshiisa iyo bulshada kaleba.