Qisadii iga oohisay baan anna maanso ku curiyay: Ergada malag baan dirsaday! waxa curiyay Cawaale Deeqsi

0

Qisadii la yaabka lahayd ee sxbkay Cabdiraxmaan Haldhis maansada ‘ Digrigii xubbiga’ ka sameeyay, Weedhsame Daahir Ismaaciilna maansadii aan  idinla wadaagay ka curiyay, kuna saabsanayd wiilkii iyo gabadhii iyagoo guurka ku ballamay inantu geeriyootay. Waxa jirtay in labada abwaanba ay cabbireen dareenka ku xeeran iyo xaaladda wiilku ku sugan yahay.

Waxaan sameeyay maanso jawaab ah oo gabadhii farriin ka soo diraysa aakhiro! Waxaanan mala-awaalay hadday soo jawaabi kari lahayd wixii ay odhan lahayd. Waxaanay tidhi inantii:

” warkaaga ma heleene nin markaad qisada akhriyaysay noolaa oo markii uu soo dhintay ehlu janno noqday, jaarkaygana soo degay baa ii sheegay dhibaatada ku haysata. Markaan kuu xiiso ee aan is idhaa u tag, meel aan soo maraa ma jirto, haddaad adigu iman lahaydna sakaraadka iyo dhibtaan kuu diidayaa! Is ilaali oo dambi ha galin si aad jannada iigu timaadid. Anigu ragga wanaagsan ee jannada ila jooga guurna ii soo bandhiga waan diidaa, waayo, adigaan kuu doonanahay” hadalladaa iyo kuwo kale ayay inantii soo diraysaa waana tane ila akhriya.

(Ergada malag baan dirsaday!)

Dubaaxshay farriimahaad
Ku daabacday dhiilladoo
Dareemay inaad cidlada
Awgay la deddaysantoo
Dhawaaqaagii dubkiyo
Intuu dhilay diirka sare
Ayuu xididdada duroo
Laftayda dalooshadoo
Dhuuxii iga soo da’aan
Jawaab iga daacadiyo
Ku soo dirayaa dhambaal
Haddaan ergo doonan laa
Anigu MALAG baan dirsaday
Haddaan iska dayn lahaa
Cid kale lama dooran karo.

Dhibtaada ma daalacdeen
Dabool adag bay iga xigay
Manaan heli layn dabuub
Dhankaaga ka soo degtee
Sheekh iyo wali daahiroo
Intaan laga soo darbayn
Digreetada mawdku helin
Dunuunuca kaa maqlaa
Anaga daris nala noqdoo
I siiyay duruus mugwayn
Warkaagana ii daldalay.

Markaan adi kuu darsado
Ku tebo awgaa damqado
Indhuhu ilmo daadiyaan
Agtayda hareerta dayo
Ayaan dib u sii naxaa!

Illayn daw baan furnayn!
Docdaad iga soo jirtiyo
Mar kale dunidii shidnayd
Haddaan ku dalxiisi laa
Dartaa ugu laaban laa
Dib baan loo iman karayn.

Haddii cid la dayn lahaa
Inay dib u soo martido
Adduunyada daaliska ah
Daahow Nebigeenibaa
Iftiinka dawaafi laa
Daliilku se waa cadyahay!

Haddaan u dacwoon lahaa
Daaftayda inaad timaad
Ax diyo sakaraadka daran
Duruuf wedku leeyihiyo
Xusuusta ku duugan baan
Adiga kula diidayaa!

Adoon damaq iyo dhib arag
Inaad nala soo degtaa
Dubaaqu jeclaan lahaa!

Dartay ha u qoomamoon
Ha ruugin dibnaha ka daa
Digtiyo murugada ilow
Haddaad digrigii xubbiga
Xuskayga ku daalan tahay
Kumaan dayrine jannada
Ayaan duco iyo ammaan
Intaa anna kuu dalbaa
Inuu daayin kuu aqbalo.

Dar Alle labadaysku jecel
Haddii hadh dalaalima ah
Qiyaamaha lagu dul furo
Inuu janno lagu dagoo
U gaara dadkii is raba
Raxmaan nagu deeqa oo
Inagu wada daah furnaa
Qalbigu kula doonayaa.

Haddaynu durbaan aroos
Carrada isku dooni layn
Ifkii dagal seesi layn
Kollay dadku waa belee
Ma wayneen qaar damciya
Inay ina kala diraan
Hayeeshee daacadnimo
Halkani waa meel dugsoon
Dhib iyo diredire lahayn
Ku waarto ciddii degtaa.

Adigu dayac maad lahayn
Kollaba igamaad dib dhicin
Dambina igumaad samayn
Inaan wada dadab gallana
Diiwaanka Allaan qornayn
Anigu kugumaan digteen
Dartaa uma haajireen
Ifkana kaagama durkeen
Dareenkiyo caashaqaan
Quluubta ku daabacniyo
Dadnimadaadii wacnayd
Inaan dugsadaan jeclaa
Ha yeeshe e door mugwayn
Xad aan cidi doorin karin
Ayaan rejadii dabroo
Daleed kuu saaray adi
Dabool anna ii irkaday
Dalluun iyo iil i baday
Midkeenba doc baa la dhigay
Midkeenna mid daawan karin!

Si aanan u diilalyoon
U daynin hurdada u nicin
Codkaan ku dardaarmay iyo
Ha diidin waxaan codsaday!

Intaan ku dareen luliyo
Intaan duunkaaga shiday
Ilaah dambidhaaf muglood
Agtayda ku soo dagtiyo
Dariiq aayeha furfura
Ha kaaga dhigee ha dudin
Ayuu shaydaan ku dagin
Aniga cafis iigu deeq!

Adigu dabinnada ha dhigin
Ayaan qofna kaa dacwoon
Gefkiyo ka fogoow dulmiga
Cibaadada dayr ka dhigo
Dedaal oo hays dayicin
Ayaynaan kala durkine
Qof daacada ii ahow
Daartii kale yaad martiyin.

Waxay ugu sii darnayd
Markuu danab geesiyoo
Wanaag iyo derejeloo
Abaal marshay daayinoo
Fardowsana nala dhex degay
Intuu dumar kale ka go’ay
Dookhiisu i saanyadee
Dartaa an u diidayeen
Ku idhi waan doonanahahay.

Dirtii xuural caynta iyo
Duntiyo ehelkii jannada
Ayaynu durduuran oo
Dib baan adi kuu codsaday
Qof kale kuma doogsan karo
Adaa ii dana haddeer
Ifkana dawo ii ahaa.