“Qofka Aan U Dooranayo Raysal-wasaare, Wuxuu Noqonayaa Shakhsi Taariikhdiisu Ka Fogtahay Qabyaalad” Farjaamo

0

(Berbera news) Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa ka hadlay cida uu dhawaan u macagaabi doono in uu noqdo Raysal-wasaaraha dalka Somaliya

Madaxweyne Farmaajo oo la weydiiyey su,aal larintaasi ku saabsan ayaa kaga jawaabay ereyo kooban

“Waa ayo Qofka lagaa filaayo in aad u doorto Ra’iisal wasaare?

Madaxweynaha ayaa ku jawaabay, ” Qofka aan u dooranayo in uu noqdo Ra’iisal wasaaraha dowladda, waxaa uu noqonayaa, shaqsi taariiqdiisa ay ka fogtahay qabyaalad, waligiisana aan lagu sheegin musuqmaasuq, calaaladana ka shaqeeya si loo samatabixiyo dadka Soomaaliyeed.” ayuu yidhi Farmaajo

Dhinca kale Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku sii daray “Cadaaladda ayaa muhiim u ah wax walba.”

Berbera news.