Qoraal dhinacyo badan taabana oo Faysal Cali-waraabe ka soo saaray waddanka Finland

0

Hargeysa (Berberanews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ka dayriyey xaaladda nololeed ee bulshada reer Somaliland, isaga oo xusay in aanay jirin maalin ay dadku maanta ka nolol liitaan.

Eng. Faysal oo hadda ku sugan waddanka Finland ee qaaradda Yurub, waxa uu ku caddeeyey inay wax ka beddel ku samaynayaan dastuurka xisbiga UCID, sidoo kalena kala saarayaan guddoomiyaha xisbiga iyo murrashaxa jagada madaxweynaha, waxaannu tilmaamay inay go’aankaa u qaateen si dalka looga badbaadiyo burbur, isagoo sheegay inay dadka damaca leh ku casuumayaan tartarnka xisbiga dhexdiisa.

Qoraal dheer oo Guddoomiyaha UCID soo saaray xalay, isla markaana kaga hadlay arrimo kala duwan, waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:

“Iyada oo loo dabbaaldegayo 20-guuradii ka soo wareegtay maalintii iyo sannadkii lagu dhawaaqay la soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland iyo ku dhawaaqidii Jumhuuriyadda Somaliland , taasoo soo afjartay halgankiii dib-u-xoraynta iyo midnimadii bilaa sharciga ahayd ee Somaliland iyo Soomaaliya ee 60kii. Waxaan jecelahay inaan dib u eego halkaynu marayno, maxaa inoo qabsoomay, xagee baynu u soconnaa, qaran ma dhisi karnaa, ummad ma noqon karnaa?

Haddaba, marka hore waxaan hambalyeynaya shacbiga reer Somaliland iyo dhammaan hay’adaha qaranka oo ay ugu horreeyaan Ciidanka Qaranka iyo ciidammada nabadgalyada. Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu ina siiyo naxariistiisa iyo raxmaddiisa wax kasta oo aynu jecelnahayna (hadduu khayr innoogu jiro) ina siiyo isagaa awoodda lehe.

Waxa ka soo waareegay 30 sanno bilawgii halkankii hubaysna ee jabahaddii SNM ee 1981, 20 sannona waxa laga jooga ku dhawaaqeedii Jamhuuriyadda Soomaliland. Markkaad is ku dartid 30-ka sanno ujeeddada shacbiga Somaliland iyo dadaalkoodu wuxuu salka ku hayey fikrad kaliya – Qaranimo. Waxa laga markhaati yahay in ay shacbiga Somaliland ay wax kasta u hureen in ay gaadhaan himiladooda, iyaga oo xataa lala beegsaday xasuuq si aanay riyadoodu u rumoobin. Waxa kale oo ay soo mareen 20 sanno oo bilaa ictiraaf ah oo ah bilaa mucaawino, taasoo keentay dhaaqale-xumo, shaqa la’aan iyo gaajo baahaday, tiiyo in ka badan 80% ay ku nooshahay maanta Somaliland faaqiirnimo.

Inkasta oo uu dhammaaday dagaalkii keenay dhimashada badan iyo qaxootigii, haddana waxa maanta taagan dilaayadii kale sida, gaajadii, cudurradii, abaartii iyo shaqa la’aantii, tiiyoo dadkii ay u dhimanayaan daryeel la’aan. Intaan jiray iyo intaan aan maqlay maanta maalin dadka reer Somaliland ka nolol liitaan ma jirto. Intii dagaalladii halganka innagaga dhimatay waxa ku laban-laabmaya inta daarxumo innagaga dhimatay 20kaas sanno.

Markaan eegay dulucda dibaatada shacbiga Somaliland, waxa kow ka ah lahaansho la’aanta siyaasiyiin aragtii leh. Tan iyo sannadkii 1950kii markii ay soo baxeen siyaasiyiintu oo ah hoggaanka cusub ee bulshada cusub ee reer Somaliland ee la bilaabay in laga digo rogto hoggaan-dhaqameedyadii bulshada oo ku salaysnaa hoggaamiyeyaal qabaa’il, waxa soo baxaysay in hoggaamiyaashii siyaasaddii dalka ay ku guuldarraysteen in ay ummadda u hoggaamiyaan siddii laga rabay.

Tan iyo sannadkii 1960kii ila maanta hoggaamiyasha siyaasadda ee Somaliland waxay ku guuldarraysteen inay marna la yimaaddaan siyaasad cad iyo qorshe qaran, wax ka hooseeya jacayl kursi oo ay la yimaaddan ma jirto. Taasi waxay shacbiga Somaliland u keentaa mar kastaba qoomamo iyo dhibaato hor leh. Waxa laga ducaysan jiray ubad xumo, laakiin waxa la mid ah siyaasiyiin xumo.

Markaa dhibaatadii ka dhalatay la midowiigii Soomaaliya ee 1 July 1960 waxaa ka masuul ahaa siyaasiyiintii iyo golihii wakiillada ee 60kii ee garan waayey in ay ilaaliyaan xuquuqdoodii iyo xuquuqdii shacbiga ay matalayeen. Way garan waayeen in ay heshiis midnimo iyo heshiis awood-qaybsi (Union act and power Sharing agreement) la galaan Soomaaliya oo waxaabay ku qanceen saddex wasiir oo qudha.

Markaad eegto halgankii 1981 -1991 waxay mar kale siyaasiyiintii ku guuldarraysteen inay la yimadaan qorshihii iyo siyaasaddii Maxamad Siyaad Barre kadib lagu hoggaamin lahaa dalka iyo shacbiga. Taasi waxay horseeday dagaalladii sokeeye ee 1992- 1992 iyo 1994 -1996 ee ay ka masuul ahaayeen siyaasiyiintii ka soo bixi waayey xilkoodii. Markasta waxaa dhulka ku dhufta shacbiga Somaliland waa siyaasiyiinta, waana nasiib-darro. Qorshe iyo siyaasad qaran la’aanta iyo dagaalladii sokeeye waxay keeneen kala qaybsanaanta shacbiga Somaliland iyo ictiraaf la’aanta maanta taagan.

Haddaba, xagee baynu maraynaa maanta? Ilaa iyo sannadkii 1996 intii ka dambaysay shir beeleedkii labaad ee dib loogu soo doortay marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, shacbiga Somaliland-na waxay ku wada nool yihiin nabad qabow (cold peace), dalkan waxa u adduun-weynuhu ku tilmaamaan dhul iska yar nabdoon, amaba nabad ah marka la barbar dhigo Soomaaliya.

Laga bilaabo sannadkii 2001, dalku wuxuu ku tallaabsaday geeddi-socod dimuqradiyad, iyada oo dalka laga hirgaliyey aftidii distoorka markii labaad taariikhda Somaliland, aftidii 1961kii ee distoorkii Soomaaliya eeTalyaanigu soo sameeyey oo shacbiga Somaliland boqolkiiba in ka badan lixdan e ka codeeyeen, hase ahaatee aan loo joojin.

Distoorka cusub ee Somaliland oo 97% u codeeyeen wuxuu ansixinayey go’aankii 18 May 1991 shacbigu kula soo noqday madaxbannaanida Somaliland iyo u guuridda hannaanka asxaabta badan ee siyaasadda. Ilaa 2002 waxa dalka ka hirgalay doorashooyin min heer degmo ila heer wakiillo qaran iyo madaxtooyo, oo kuwii u dambeeyey qabsoomeen sannadkii hore ee 2010, halkaas oo libintii ku raacday xisbi mucaarad ah tiiyo lagu jabiyey xisbul-xaakimkii, taas oo in yar ka dhacda dalalka Afrika.

Dhammaan doorashooyinkaasi waxay ku dhaceen jawi nabad ah, waxana lagu qiimeeyey doorashooyin xor ah, waxanay u soo jiideen shacbiga Somaliland magac iyo maamuus caalami ah, siiba tii ugu dambaysay oo soo gurguurtay muddo laba sanno ah adduunkuna aad u eegayey, isbeddel si nabad ah u dhacayna yimi.

Haddaba, innaga oo heer la ma jirto ka gaadhnay geeddi-socodka dimuqradiyadda iyo nabadgalyada, ay haddana dhincayadda kale sida xagga horumarka dhaqale, aasaaska adeegga bulshadda, dhinacyada caafimaadka, biyaha, tacliinta, kabaayaasha dhaqalaha, sida: waddooyinkii, madaarrada iyo dekedaha, shaqada iyo dhismaha hay’adaha qaran ka hooseeyaan halkii 1988kii. Waxa intaa ka daran inay meesha ka baxayso dareenkii qaranimo iyo qoomiyadeed, waxana sii xoogaysanaya qabyaaladdii, taartaankii iyo qaybsanaantii beelaha. Waxa iyana sii xoogaysanaya Somaliland diidkii, isagoo ka fa’iidaysanaya maqnaashaha dareenka qaran iyo kala qaybsanaanta shacbiga.

Doorshadii kadib filashada iyo rajada shacbigu waxay isku shareertay cirka, tiiyo la soo maray 8 sannadood oo dalku ku jiray qarqarsi iyo kuudud waxa la yidha (Stagnation) oo ay hay’adihii qaranka wax tayo ah soo kordhin, dhaqaalihiina sii xumaaday, taasoo dadkii ku dhalisay raja la’aan oo dhalinyardii naf moodeen qurbaha, taas oo keentay in dhallinyar badan ku dhintaan lamadegaannada Woqooyiga Afrika iyo badaha, iyagoo tahriibay oo raadsanaya nolol taas dhaanta.

Haddaba, markii isbeddelku yimi ee xisbigii KULMIYE helay doorashadii dadka waxa galay rajo hore leh. Iyada oo labada xisbi mucaardba, UCID iyo Kulmiye ay ballanqaadeen isbeddel wata horumar ballaadhan oo gees walba ah.

Nasib-darro waxa hadda muuqda in ay rajadii shacbigu sii yaraanayso; jahawareer iyo is-dhex-yaac ka muuqdo dalka, hay’adihii qarankuna aanay cidna u habranayn, sharci iyo distoorna aanay ixtiraamayn. Tusaale waxaa innoogu filan kordhiskii i xilka ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada ee afarta sanno iyo saddexda sano kala ahaa, kuwaas oo sharci-darro ah. Waxaa laga sii durkay habkii dawladnimada iyo nidaamkii tiiyo ay sii xoogaysanayso qabyaaladdii iyo danihii gaarka ahaa oo laga hormarinayo danta guud.

Hadda waxa soo yeedhaya sawaxan xun, tiiyo ay cadawgii Somaliland is-urusanayo siina badanayo, shacbigiina ku dhalanayso kalsooni-darro iyo cabsi hor leh, maceeshaddiina sii qaaliyooday noloshiina sii adkaatay.

Waxa bilaabantay in dalal badan oo inoo hayey niyad fiican, kuna talo jiray inay wax weyn inaay taraan, markay arkeen sida wax u socdaan iyo wararka ka soo baxaya dalka ay hadda galeen xaalad ah sug oo fiiri (wait and see).

Isku soo duuboo muddadii labaatanka sannadood ahayd waxaynu ku guuldarraysanay in aynu dhisno qaran shaqeeynaya oo tayo leh oo sharciga hoggaaminyo, mutaysta ictiraaf calaami ah, innaga oo is leh waxaad buuxiseen shuuruudihii qaranimo. Waxa intaaba ka daran ma hayno xataa haabkii aynu ku gaadhi lahayn qaran buuxa.

Waxa loo xusul-duubtay qabiil iyo tartan dhaqaale oo aan loo sinnayn, taasina waa waddada keenta fashilaadda dawladnimo iyo dagaal sokeeye.

Anigu oo ilaa iyo 1992kii arrimaha Somaliland culays badan baan saaray sii aynu u dhisi lahayn Somaliland casri ah, sababta aan siyaasadda u galayna waxay ahayd in aan gacan ka gaysto sidii looga hirgalin lahaa Somaliland dawladnimo ku salaysan diinta Islamka ee suubban iyo sidii loo heli lahaa caddaalad iyo midnimo ummadeed, waxaanan ka xumahay in laabatan sanno kadib Somaliland iska daa ictiraaf ay heeshee aanay ka jirin nidaam dawladnimo oo adag, walina aanay dhulkii Soomaliland oo dhan sharciga iyo nidaam dawladnimo gaadsiin.

2001-dii markii marxuum Cigaal oo anigu aan u aqaannay aabbihii Somaliland-ta cusub uu soo bandhigayey distoorka maanta aynu haysano, siyaasiyiintii Somaliland ee markaas intooda badan way ka soo horjeedeen, markii u haddaan 2001dii fasaxay nidaamka xisbiyada badan ee uu ku dhawaaqay xisbiga UDUB, haddana siyaasiyiintii way ka soo horjeesteen, waxana loo qabtay muddo uu ka ga noqdo, kuna baabi’iyo ururkii UDUB. Ujeeddadoodu waxay ahayd in madaxweynaha Somaliland lagu doorato nidaamkii beelaha.

Annagu markii aannu bishii August 2001 ku dhawaaqnay ururkii UCID waxaannu la kulannay cadaawad iyo aflagaado badan oo lanaga dhigayo dad madaxweyne Cigaal dhaqdhaaqajiyey. Dhismaha ururka UCID wuxuu ka mid yahay wanaag badan oo aan ka qayb ahaa oo Somaliland badbaadiyey laga bilaabo dagaalladii sokeeye ee 1994- 96kii. Waxa huubal ah haddii aan la furin ururada siyaasada oo mar sadaxad lagu nooqon laha shir beeleed in aany soomalialnd ka kabatiin dhiibaatada ka dhalan lahayd.

Haddaba, maantana wax taagan khatartii aynu ka badbaadnay 2001 ee dad lahaa hunguri kursi is lahaayeen waad ku gaadhi kartaan, iyaga oo indhaha ka lalinayey dhiibatada ka dhaalan karta.

Maanta isla siyaasiyiin leh damac kursi madaxweyne, laakiin sidii caadada u ahayd siyaasiyiinta Somaliland wax uga hooseeyaa jirin kursiga ay u ololaynayaan wixii ay ka soo horjeedeen 2001dii, furitaanka ururro siyaasaddii oo waliba aan distoorku oggolayn. Waxaan u arkaa in arrintaas keeni doonto dhibaato badan oo aannu dalku ka soo kaban doonin. Shacbiga Somaliland ee aan haddaba waxba ku midaysnayn, laakiin is nabadgeliyey uu iska horimadoono, jilib-jilbna u kala bixi doono, iyadoo ay meesha ka maqan tahay dawlad adag iyo diiwaangalin fiican.

Maanta Somaliland waxa ka jira koox si qawaan madaxbannaanida Somaliland ka soo horjeeda iyo koox hubaysan oo ku dhaartay in aanay Somaliland hirgalin oo jabhad hubaysan samaystay. Haddaba, haddii aanay dawladdu la iman istaraatijiyad iyo siyaasad shacbiga lagu midaynayo oo dalkana lagu hoggaaminayo aan la iska dhaafin mulaaqa iyo aragtidan qabiilaysan, Somaliland waxay geli doontaa xalaad cadawgeedu ka faa’iidaysan doono, hamigeedina ma gaadhi doonto waligeed.

Sidaa darteed, waxaan Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqayaa inuu sameeyo geesinimadii marxuum Cigaal sameeyey sannadkii 2001 ee uu ku adkaystay furitaankii ururrada siyaasadda, isagoo laalinaya, difaacayaana distoorka. Waxa ay madaxdu taariikhda ku gashaa go’aannada adag ee gaadaal shacbigu ka fahmaan.

Dhinacayga anigoo 18 sannaadood ilaa 1992kii naftaydii iyo maalkaygii siiyey Somaliland, marar badan oo ay khatar gashayna Illaahay mahaddii ka saaray, dadka qaarkiina igu magacaabaan badbaadiye Somaliland waxaan maanta ku talin lahaa laba arrimood:

1. Anigoo aan wali gaadhin himaladaydii ahayd in aan Somaliland ka dhigo insha Allaah dal aqoonsi leh oo caddaalad iyo midnimo ku shaqaynaya, diinta islaamkuna sal u tahay, waxaan diyaar u ahay in aanu isbeddel ku sameyno distoorka xisbiga UCID oo aannu kala saarno jagada guddoomiyanimada xisbiga iyo jaagada mushararxnimada madaxweynanimada. Markaa waxaannu ku casuumaynaa dadka damac leh inay iska soo sharraxaan xisbiga UCID, annagoo uu dayn doona si dalka looga joojiyo burbur ku yimaad.

2. Waxaan Madaxweyne Axmed kula talinayaa inuu sida ugu dhakhsa ah u qabto shirweyne qaran oo la gaga wada tashado sidii lagaga gudbi lahaa arrimaha adag ee dalka horyaal, iyadoo ay jiraan arrimo badan oo u baahan wada taashi qaran,” ayuu Faysal Cali-waraabe ku xoo xidhay qoraalkiisa.