Qorshaha Cusub ee Shaqaalaha Dawladda Somaliland Guryaha Loogu Dhisayo

0

Qore. Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye

Guud ahaan shaqaalaha Dalku  waxuu horumar sameeyaamarka Dawladda ama maamulka uu ka tirsanyahay ka kafaalo qaado Hoygii uu ku noolaan lahaa ee uu ubadka ku korsanlahaa, baahidaasi marka ay ka qarsoonto waxuu habsami u gudan karaa shaqadii qarankiisu u qormeeyay, taasina waxay kor u qaadaa oo wanaajisaa adeega loo qabto bulsho weynta.

Shirkii Golaha Xukuumada Somaliland ee maalintii shalay 2020/09/18 oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi shirguddoominayay ayaa la hor keenay qorshaha Dhisida Guryaha Shaqaalaha Dawladda qorshahan oo Wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyayntu soo diyaarisay ayaa Wasiirka Wasaaradaasi sharaxay qaabka iyo naqshada guryahaasi yeelandoonaan islamarkaasna ay diyaariyeen dhulkii guryahaas laga dhisi lahaa dood iyo falanqayn dheer ka dib qorshahan waxaa lagu ansaxiyay siyaasad cusub.

Qorshahan cusub ee Somaliland wado hadii uu noqdo mid lagu guulaysto waxuu kor u qaadi doonaa nolosha shaqaalaha Dawladda waxaanu kobcin doonaa dhaqaalaha ama dakhliga soo gala waxaana u soo hadhi doona kharshyaadkii ay ku bixin jireen guryaha ay kiraystaan, shaqaalaha dawladu inta badan waxay ku doodaan in mushahaaraadkoodu aanu si fiican u daboolin baahiyahooda

qorshahan cusub ee dawladda Somaliland ansaxisay marka sifiican loo maamulo waxuu noqon doonaa mid waara oo dhaqaalaha Dalka iyo Dadka kor u qaadi doona

Somaliland xiliyadii mustacmarada waxaa dusha ka ilaalin jirey ama maamulayay Boqortooyadii Ingiriiska, meelahii ay magaalooyinka ka deganaayeen waxaa ay ka dhiseen guryo ay ugu talagaleen shaqaalahii kala duwanaa ee u shaqayn jirey.magaalada Hargaysa waxaan ka timaami karaa Gurahii loo yaqaanay INDIA LINE Guryaha Baananka, Guryaha Beeraha, Kuwa Caafimaadka, Laynka Bilayska, Laynka Mualatariga, Xaafadda Ilaalada waxaa iyaguna jirey guryo xiliyadaas loo dhisay shaqaalahii caafimaadka ee ka hawlgeli jirey Cusbataaladii ay Ingiriisku ka dhiseen gobolada dalka

Waxaa iyaguna raadadkoodii sii muuqdaan Guryahii xukuumadii dhexe ee dalweynahii Soomaliya la odhan jirey ay u dhiseen shaqaalahii Dawladda, markaan eegno Caasimada Somaliland ee Hargaysa waxaa ka mid ahaa Guryaha Baananka, Guryaha Bilayska, Waxbarashada iyo guryo kale oo ay ku kordhiyeen kuwii Ingiriisku dhiseen

Qorshahan hadii uu guulaysto waxuu noqon doonaa mid soo celiya is dhex galkii bulshooyinkii wada noolaa ee ka madaxa banaanaa kala qaybsanaanta iyo qabyaalada waxaana halkaas ka soo bixi doona jiil wada jira oo isku duuban oo isku dan ah.

Dhinaca kale waxay noqondoontaa dhaxal lagu xusuusan doona xukuumadda talada haysa Wasaaradda Hawlaha Guud iyo cid walba oo qorshahan sii horumarisa ama ka qayb qaada.ta

Wabilaahi tawfiiq

Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye