Rafael Benitez: Juventus Way U Qalantaa Inay Hogaamiso Horyaalka Talyaaniga

0

Tababaraha kooxda Napoli Rafael Benitez  ayaa kahadlay bar barihii ay lagaleen kooxdiisa habeen hore kooxda Udinese ee 3-3, isaga oo sidoo kale sheegay in kooxda Juventus ay u qalanto inay hogaamiso horyaalka talyaanuga.

 Rafa-Benitez-400x300

Benitez ayaa yidhi kulan ka kadib” waxay aheyd wax fudud inaan ilaashano natiijada kadib markii aan ku hormarnay 2-0 waxaan u baahanahay in aan siwanaagsan u maamulno kulamadan oo kale, waxaa badan qaladaadka ay galayaan ciyaartoyda.

 

Waxaa lawaydiiyay qayladii ay kala kulmeen tageerayaasha wuxuuna ku jawaabay” waa waajib taageera yaashu inay xanaaqaan waayo kooxdu sooma ban dhigin wixii ay ka sugaayeen, markaa Arsenal la ciyaareno waa inaan sidaas ka du wa naanaan.

 

 

 

” ilaa imika  waxaan sooban dhigaynaa xili ciyaareed wanaagsan, Roma iyo inaga waxaan ku bilownay xili ciyaareedka si wanaagsan lakiin Juve waxay cadeeysay inay tahay kooxda ugu fiican markasta uguna tayada fiican kooxaha horyaalka, waana wax iska caadiya inay markasta hogaamiyaan horyaalka.