“Rashiid Gaarif kol hadaad guul-wadayntii fasax u qaadatay waxaan is lahaa bahasha wuu qurxin doonaaye ” Muj Yuusuf Cabdi Gaboobe

0

Hadaan inyar oo tilmaan ah kugu caawiyo, danniba kumay badin inaad ka hadasho arrimaha gudaha Somaliland yaala ee waagii baryeyba telefishanada iyo website-yada laga sheego laakiin adiga waxa laguu diray inaad Somaliland uga faa’idayso Maraykan-waynaha aad dhex joogto ee waliba woxogaaga cashuurta dadka danyarta ah laga ururiyo mushaharkaaga iyo tigidhadaada iyo waliba kirada gurigaaga Somaliweyntu ku shirto lagaaga soo diro.Nasiib daro-se waajibkaasi waad gudan kari wayday,shakina kuma jiro in hawshan uu kaaga haboonaan lahaa waxa badanna kugu dhaami lahaa Mujaahid Aniis Cabdilaahi Ciise Cawaale oo isagoon mushahar qaadan hayn jiray xafiiskii SNM ee markii danbe uu ka dhigay xafiiska Somaliland uga furan magaaladda Washington DC.Wayse dhacdaa oo waxa la yidhi “cadka geesi kariyuu fuluhu cuni yaqaanaa”.

Wadan walba wuu iskaga rayn lahaa inuu dekado iyo madaaro dal kale laga leeyahay la iska siiyo. Dedaal maahee nin walbana wuu karayey inuu nacasnimada caynkaas ah sameeyo oo uu saldhig ciidan ka bixiyo Berbera. Waxase bahaayinnimo ah “ciidan ina qabsanaya oo aan lacag yar ka helo ayaan inoo keenayaa” in horumar lagu sheego. Ninka horumar doonayaa wuxuu dhistaa ciidankiisa kaas oo khayraadka dalkiisa iyo nabadgalyada qarankiisaba u ilaaliya.
Rashiidoow inaad intaas dhaanto ayaan ku moodayey oo waxa fiicnaan lahayd inaanay adiga kaa madhnaanin khataraha ay leeyihiin ciidamada shisheeye ee xiliyadan danbe ka soo baxay sida kuwa jooga dalka aynu jaarka nahay ee Somalia ee inta dekadihii iyo madaaradii la dajiyey lagu fasaxay inay laayaan dadkii dhulkaasi lahaa. Bal waxyeelo ka wayni miyey jirtaa diyaaradda F16-ka ah ee Imaaraadku leeyahay oo markay madaarka Berbera ka duulayso ama kasoo degayso fasax ka qaadanaysa Xamar? .Wali waan xil-qarinayaa oo dalkaan lexejeclo u qabaa.
Meeshan dad iyo dal baynu ku haynay iyo bulsho wax isku mid ah wada doonaysa oo waliba cidkastoo wax u qabanaya waligood is-diidayn, wax dan u ahna isku qabsanaynin. Bal horumarka dadkii wax wada doonayey ee isku danta ahaa kala kaxeeyey ma lagu sheegi karaa waxqabad?. Way kuu ekayd inaad horumarinta danta qoyska noogu sheegin waxqabadkii dalka, waadse nagala xishoon wayday inaad sidaas u dhigto.
Maahmaah Soomaaliyeed baa tidhaahda “ninkii hooyadii dilay aayadii hadh ma geeyo”.Bal waa kee ninka dalkan iyo dadkiisa naf ahaan u jecel ee ka fikiri kara aayatiinka waxa u xun iyo waxa u san?. Xukuumadda sidaynu aragnay u dhaqmaysay ee hantidii ka dhexaysay ummadda dhawr qof meel madaw wax kaga iibinaysa ee tacabkii iyo wax wada qabsigoodiina ka doorbidaysa waxaan faa’ido u lahayn sidee loogu aamini karaa inay saldhig ciidan shisheeye ah dalka la timaado?. Daacad-daradu marbaabay xariifnimo ku jirtaaye bal Rashiidow wuxuu doonaba ha ahaadee mee heshiiskii Imaaaradka lala galay?. Mida kale ma jin baa lala saxeexday maxaa loo arki waayey cidda dhabta ah ee lala galay heshiiskaasi iyo faa’idooyinka aynu dhaafsanay hadiiba ay jiraan?. Waxba sheegida ha ku celcelin wadaa la dayactirayaa. Hadaan lays anbinayn baahideenu waxay ahayd mid siyaasadeed oo diblomaasiyadeed oo aqoonsi doonku kow ka yahay, dhoofkii xooluhuna ka mid yahay ee maxaa inooga qabsoomay?.Xataa iyagoo baahan ayaanay maamuus iyo tixgalin dawladeed midna ku siinin oo kolba madaxwayneyaashaadii fiise baasaboor kale loogu soo saaray ugu dhoofayaan Dubay iyo Abu-Dabi oo hudheelada bagaashlaydu degaan lagu xaraynayaa, taas oo xataa maalintii ugu danbaysay laga qashaafay in sawir lala galo.
Intaynaan sidan u meeqaam-beelin gabayadii Alle Ha u Naxariistee marxuumkii Ina Cigaal soo qabsan jiray waxa ka mid ahaa “rag waxaan ku maamuli ama ku maamuusi, mase inaanu nahay oo tolnimo meerto noo tahay, masalaha nimaan ii dhigayn midig ma saaraayo, ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad-yeesho”.

Arrinta Privatization-ka, xukuumadda Kulmiye waxqabadkeeda waxa ka mid ah waxay ugu yeedho “maalgashi” taas oo markii la eegayna noqotay “maalgurasho”. Maalgashiga waa loo baahan yahay waanu fiican yahay hadii la helayo. Laakiin siyaasadii dawladu waxay noqotay in meelihii dhisnaa ee umadda ka dhexeeyey ee awalba shaqaynayey lagu wareejiyo dhawr taajir oo waxay ku mutaysteen aan la garanaynin, maal ay gashadeenna aanu jirin. Tusaale ahaan warshadihii laydhka Hargeisa iyo Berbera iyo tii kabida-ba oo kale waxa lagu wareejiyey niman tujaar ah oo aad adiguba ogtahay. Hantidaasi waxa gacanta ku hayn-jiray oo dawladdan ku soo simay muwaadiniin imaan qaba oo is-lahaa waxa iman doonta dawlad dadka si cadaalad leh wax ugu qaybisa.Waxase ugu timid mid iyadu dilaal uun qaadanaysa oo wax walba qiimihii bir-libaaxda ku iibinaysa.Waxaan isleeyahay waad ogtahay oo kaama khaldana wadada privatization-ka loo maro sida tender loo tartamo oo la iclaamiyo iyo in siyaasada privatization-ka daalac-naasil lagu sameeyo si wax-wada-lahaanshaha dadku u baaho(fairer distribution of wealth). Hadiise wax waloo ummadda ka dhexeeyey seddex taajir kooto loogu xidho taasi privatization maaha ee waa boob iyo ku tagri-fal hanti umadeed. Markaad daacad u eegto warshaddaha laydhka ee Hargeisa iyo Berbera iyo haamihii shidaalka ma maalbaa la gashaday mise maal yaalay uun baa la bililiqaystay?.

Waxyaabaha ay xukuumadda Kulmiye gaarka u lahayd waxa ka mid ah wadada Ceerigaabo oo lagu fuliyey miisaaniyadda dawladda iyo maalka ummadda laga uriyey.(a Xirsi intiative). Waxa soo raaca xafiisyada dawladda ee ay hay’adaha shisheeya maalgaliyeen dayac-tirkooda. Dawladuna awalba xafiisyo way ku jirtay oo cidlo may fadhiyin, laakiin kuba darso waxqabadka Siilaanyo inkastoo dhisme la qurxiyey aan lagu sheegi karin waxqabad hadii aanay wehelinin in la dhiso aqoonta dadkii ka shaqayn lahaa. Imikaba xafiisyada la qurxiyey dadka ay xukuumadda Kulmiye gaysay qoraxda ayuun bay ka hadhsadaane arrin kale kuma hayaan.
Haddii aan dhinac kale wax kaa tuso ciidamadu iyagoo beelo u kala fadhiya ayuu rag isku keenay oo habeeyuu hubeeyey, darajadoodana diyaariyey oo uu daabacay (Agaasimihii guud ee wasaaradda gaashaandhiga Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Cabdilaahi Guri-barwaaqo “Funi”). Xukuumaddani waa runtaayoo waxaas oo diyaarsan ayey kusoo beegantay xafladii lagu iclaaminayey nidaamkii darajooyinka ciidanka. Laakiin qaybintii waa la wada ogyahay sida micno-darada ah ee ay u kala xulatay cidaha la siinayey, taas oo siyaasada uu Kulmiye ku kordhiyey noqotay in wixii SNM ahaa aan laba xadhig la dhaafinin tobaneeyo qof oo xidigo la siiyey mooyaane, halka qofkasta oo ciidamadii Siyaad Barre ka tirsanaa oo beelaha dhexe u badan wuxuu sheegtayba laba darajo oo dalacsiin ah loogu daray tiisii hore ee xiligii Faqashta .Waad ka maqnayde laba nin oo ka mid ahaa ciidanka oo horena uga tirsanaan jiray ciidankii Faqashta iyagoo aan waligoodba SNM galin balse u qaatay in madaxwayne Axmed Siilaanyo uu SNM-ta u badin doono darajooyinka dabeetana foomamkii laga buuxinayey ee guddida darajooyinka loo gudbinayey ayaa waxay ku qorteen inay 1982-kii ku biireen ururkii SNM. Hase yeeshee labadii nin waxa lagu daray liiskii SNM-ta oo laba xadhig ayaa usoo baxay halka kuwii ay isku lodka ahaayeen ee ciidankii Faqashtu ay gaashaanlayaal heleen. Foomkii danbe ee cabashooyinka ayey labadii nin runta ku sheegeen oo ay yidhaahdeen dad la qadinayo ayaanu anaguna ku qadnaye jabhaddaa kamaanu mid ahayne waxaanu nahay qoladii dalka lagu qabsaday, kolkaasaa gaashaanlayaal la siiyey.Haday waxqabad tahay iyo haday waxyeelo tahayba Siilaanyo ciidanna ma samayn, darajo-na ma samaynin ee qaybintuun buu kusoo beegmay, qaybintiisiina waxay noqotay sidaas aynu kor ku sharaxnay iyo saraakiil la laayo oo ilaa imikadan indhaha laga meermaarinayo sababteeda.
Sidoo kale labada madaar ee Hargeisa iyo Berbera ee dayactirka lagu sameeyey may ahayn lacag ay xukuumaddda Kulmiye soo xaday laakiin wuxuu ahaa qorshe samaysnaa oo xiligii Rayaale soo dhamaaday, oo sida darajada oo kale ayuun buu Siilaanyo kusoo beegmay, waanu fuliyey.
Marag seh waxaan kaaga ahay in numberka Miisaaniyada dawladda in badan la kordhiyey laakiin taas micnaheedu maaha dhaqaalihii wadankaa kobcay balse dawladda uun baa dakhligeedii si ka fiican sidii hore u urursatay, mana qarsoona meelaha kale ee uu korodhkaasi kasoo baxay oo waa cashuur dadka lagu siyaadiyey iyo lacag lasoo daabacay oo iyadoon dakhli dhaba ahayn lagu daray miisaaniyada, taas oo ina dhaxalsiisay inuu qiimo-dhaco shilinkii Somaliland, sicir bararkuna cirka isku shareero, meceeshaduna qaali xad-dhaaf ah noqoto.
Dalkan waxaan 5 malyan oo doolar dhamayn oo Ibraahim Dheere iyo tujaartii kale ee Djibouti laga soo amaahday ayaa dibu-heshiisiin, hub-ka dhigis iyo sal iyo sees u-dhigis dawladeed-ba loogu sameeyey oo waxtarkeedii maanta muuqdo. Waan garan-waayey amaanta aad Siilaanyo la heshay eed kala-masuugtay ragii iyadoo la faro-madhan yahay oo beelo loo kala fadhiyo dadka bogooda burcad isku mariyey eed dalka dhan ee dhisan ka dhaxasheen isagoo midaysan oo camiran dad iyo duunyo-ba.
Hasa yeeshee korodhkasta oo miisaaniyadda lagu sameeyaa muxuu inoogu filan yahay hadii aan lagaga fuudh-yeelayn waxbarashada iyo caafimaadka liita ee caruurteena?. Magaaladda Hargeisa oo kaliya waxa iskuulada hoose sanad walba laga celiyaa oo meel looga waayaa in ka badan 10 kun oo caruur ah. Mana jiro dhismaha dugsi kaliya oo ay xukuumadda Kulmiye kusoo kordhisay kuwii hore u jiray ee ardaydu buux-dhaafisay.

Anigu hadaan dukaan furanayo markaad adigu dibadaha lafahaaga ula caymadaysay , dibaddaa lafteeda ayaan uga soo dhoofay halgankii dalkan aad maanta dadka ka sheeganayso lagu xoraynayey, waana ta iga dhigtay dan-laawe, halka qaar badan oo qayrkay ahaa ay hanta urursi u dhaqaaqeen. Xarunta wargeysyada Haatuf ee xidhani waxaan hawl ahayn kumaan qabin. Laakiin wuxuunbay qayb ka ahayd halgankii dheeraa ee aan xoraynta, dib- u-dhiska iyo wanaajinta dalkayga ugu jiray. Asal ahaanba anigu shiddo kama dhigto qofka shaqsi ahaan igula colooba mihnadayda saxaafadeed ama wax iga sheegaba, laakiin ka dalkan iyo dadkan neceb ama waxyeelo usoo jiida waligiiba heshiis lama noqonin, ugumana dudayo Siilaanyo iyo xukuumaddiisa xarunta Haatuf ee ay xidheen. Siilaanyo waxa madaxtooyada la seexiyey anagoo sidaas uun wax u qorayna, wixii dhaliil istaahilana aan ka baydhayn laakiin ma jiro wax shaqsi nacayb iyo qolo nacayb toona oo iyaga iyo xukuumadihii ka horeeyeyba aanu u haynay.
Intii horumarka dalkan jecel ee daacad u ah Ilaahay ha guuleeyo, malaha wax kale iskaga keeni maynee ducadaa uun yeynaan isku khilaafin.

W/Q Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe

Hargeysa/Somaliland