Real Madrid Oo £150 Milyan Dul Dhigtay Ronaldo Hadii Manchester City Ay Dooneyso

0

 Labada wargeys ee The Sun iyo Daily Mail ayaa shalay  qoray in kooxda Real Madrid ay diyaar u tahay in Cristiano Ronaldo ka iibiso kooxda Manchester City hadii ay la yimaadaam 150 Milyan oo ginni. Kooxda reer Spain ayaa waxa ay ka warqabtaa in City ay tahay kooxda kaliya ee awooda inay bixiso lacagtaasi rikoorka noqon doonta. Inkastoo Manchester City ay beenisay inay doonayaan laacibkii hore ee United Ronaldo, hadana labadan wargeys ee Ingariiska ah ayaa waxa ay sheegayaan in kooxda City ay wadahadalo kula jirto Real Madrid oo ku saabsan arinta Ronaldo.

Lacagta ay dooneyso ayaa noqon doonta mid ka nixinaysa  bilyaneerada iska leh kooxda, lakiin hadii uu warkani run noqdo waxa ay noqon doontaa in Ronaldo uu ku laabto magaalada Manchester balse kooxda City oo ay cadow yihiin United. Marka laga yimaado lacagta lagu kala iibsanayo, sidoo kale Ronaldo ayaa waxa uu doonayaa mushahar ahaan 300 kun oo ginni todobaadkii, iyadoo shan sanno oo heshiis ah laga saxeexayo kaasoo ku kacaya 228 milyan oo ginni. Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa United ka tagay sababtoo ah waxa uu aaminsanaa in kubada Spain ay tahay kubadiisa.

Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com