Real Madrid Oo 80 Milyan Oo Euro Ku Dalban Doonta Luis Suarez Bisha January

0

Shabakada Sports Mole ee laga leeyahay Spain ahna mid u dhow kooxda Real Madrid ayaa shaacisay Shalay  in kooxda ka dhisan caasimada Spain ay aad u xiisay nayso weerar yahanka ree Uruguay iyo kooxda Liverpool Luis Suarez.

1382797592590_lc_galleryImage_Liverpool_s_Luis_Suarez_s-521x300

Sports Mole ayaa xaqiijiyay in kooxda Real Madrid ay ku dalban doonto Suarez 80 milyan oo Euro bisha january si ay ugu buuxiso booska Benzema oo la sheegay in laga yaabo inuu isaga tago kooxda.

Waxaa xusid mudan in Wargayska Daily Star uu shaaciyay shalay in kooxda Real Madrid ay lacagtas ku dalban doonto Suarez iyo Coutinho, balse Sports Mole ayaa beeniyay maanta warkaas isagoo sheegay in kooxda Real ay doonayso lacagtaa inay ku dalbato Luis Suarez oo qura.