Real Madrid Oo Malaayiin Gani Ku Qiimeysay Kaka

0

Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday in xiddigeeda khadka dhexe ee Kaka ay ku qiimeysay £50 million oo gini ah.Kaka kubad qaabeyaha xulka qaranka dalka Brazil iyo kooxda Real Madrid ayaa la sheegay inuu kooxda isaga tagayo, iyadoo xiddiga uu ka niyad jabay kooxda, kaddib markii uu boos joogta ah ka waayay iyo dhaawacyo daashaday ayaa u saamixi waayay inuu kooxda qaab ciyaareedkeeda la qabsado.Toddobaadkii aanu ka soo gudubnay ayaa tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho kulan uu la qaatay mas’uuliyiinta kooxda, iyagoo kawada hadlay mustaqbalka ciyaarayahan kaka.Kooxo ka dhisan qaaradda Yurub ayaa isha ku haya kaka, waxaana kooxahaas ka mid ah Manchester City iyo Chelsea, iyadoo kooxda Manchester City ay sheegeen in kaka uu ka caawin doono koobka kooxaha qaaradda Yurub ee Champions League oo kooxda Manchester City ay ka soo muuqan doonto xagaaga soo socda.Mulkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa shaaca ka qaaday in Kaka uu keeni doono horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League.Ugu danbeyntii, Kaka ayaa xilli adag ku qaatay dalka Spain welina aan la hubin halka mustaqbalkiisa uu sal dhigan doono.

Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com