Redknapp Iyo Parker Oo Ku Kala Guuleystay Macalinka Iyo Laacibka Bisha Ee Premier League.

0

(Berberanews Sports):- Macalinka kooxda Tottenham iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Harry Redknapp iyo Scott Parker ayaa la siiyay abaalmarinta macalinka iyo ciyaaryahanka bisha November ee Premier League.

Tottenham ayaa ciyaartay seddex kulan bishii November, waxaana ay badiyeen seddexdaas kulan, waxaana ay badiyeen sagaal kulan hal kulana barbaro ayay galeen tan iyo markii laga badiyay labadii kulan ee u horeysay xilli ciyaareedka.

Bishii November waxa ay ka badiyeen Fulham iyo West Brom, halka ay sidoo kale garoonkooda ku garaaceen Aston Villa.

Waxa ay haatan ku jiraan kaalinta seddexaad iyagoo labo dhibcood ka danbeeya kooxda kaalinta labaad ee Manchester United, waxaan  gacanta ugu jirta hal kulan oo u baaqday.

mustafe “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports