Reer Awdal ma xuquuq baa ka maqan mise dheeraad bay raadinayaan?

0

Cumar Axmed Cali.

tabashooyinka  sami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee  Somaliland, waxay ka imanaysaa sedddex  jaho oo kala ah:-  dadka laga tirada badan yahay, dumarka iyo gobolada  aan ku qanacsanayn tirada xubnaha  golaha  wakiilada ay hadda ku haystaan. Waxaan se halkan si kooban isu-dultaagi doonaa haddii Alle idmo tabashada gobolka Awdal.

Gobolka awdal waxa uu ka mid yahay, gobolada uu ka jiro saluuga ugu  badan, marka la eego saamiga uu  hadda ku haysto goloha wakiilada.

Waxa kale oo aynu ognahay in  markasta oo la soo hadal qaado doorashada golaha wakiilada  ay xaraaradda siyaasada ee gobolka awdal cirka isku shareerayso.

Hadaba su’aashu ugu mudani waxay tahay, gobolka awdal ma xaq uu leeyahay baa ka maqan, mise waxa uu doonayaa in  xaq dheeraad ah loogu daro saamiga uu hadda ku haysto  golaha wakiilada?.

Inkasta oo laga yaabo in su’aashaa  jawaabteeda  lagu kala duwanaado, oo ay dadka qaar dhinac  kale ka eegi-karaan, anigu se waxaan si dhiirasho leh u odhanayaa,  gobolka awdal  waxa uu doonayaa in la siiyo sad ka badan inta uu xaqa u leeyahay, waana  midda ay  salka ku hayso tabashada baasan ee ka jirta gobolka awdal.

Waxa  jira halbeegyo ay dunidu  wax ku qaybsato, marka laga hadlayo  saamiga kuraasta xubnaha golaha wakiilada ee uu gobol waliba ka heli karo tirada guud ee uu qaran leeyahay. Waxa  halbeegyadaa ugu caansan oo aynu soo qaadan karnaa, waa ta lagu saleeyo tirada bulsho ee gobol walba ku nool.

 Hadaba iyada oo ay jirto in aan Somaliland  wali laga sameynin tirakoob dad weyne oo dhamaystiran, kaa soo lagu ogaan lahaa tirada dhabta ah ee gobol walba  ku nool, hadana waxa  jira  minqiyaasyo kale oo gundhig u noqon kara is bar-bar-dhig lagu sameeyo, kala badnaanshaha tirada bulsho ee gobol walba ku nool.

Waxaanaynu soo qaadan karnaa diiwaangalinihii iyo doorashooyinkii faraha badnaa ee Somaliland ka soo hirgalay 18-sano ee ugu den-beeyay. Iyada oo gobolka sool iyo sanaag bari mooyaana inta kala ay si fiican uga qabsoomi jireen doorashooyinkaa iyo diiwaan-galinaha aynu soo marnay.

gobolka maanta ugu cabasho badani waa  gobolka awdal, oo marka laga hadlayo arrinta sàami-qaybsiga golaha wakiilada ay meel xaa-saasi ah ka marayso.

Hadaba haddii aan soo qaato tirada kaadhadhka  ka qaadatay  gobolka awdal diiwaan galintii 2008-kii, oo waliba barigaa reer awdal  loogu daray wakhti dheeraad oo ka badan intii markii  hore loo qoondeeyay, waxay  tirada boqolleyda (percentages) reer awdal ka ahaayeen 16.5% oo muujinaysa inta ay ka yihiin bulshada reer Somaliland.

2017-kii dadkii kaadhadhka qaatay waxay reer awdal ka ahaayeen 14.5% tirada boqolleyda (percentages). Haddii average-ka  labadaa tiro lasoo saarana waa 15.5%.

Marka tirada boqolleyda ay haystaan reer awdal lagu dhufto tirada xildhibaanada golaha wakiiladu uu hadda ka kooban yahay, waxay tirada saami ee ay reer awdal  golaha wakiilada ka heli karaan  noqonayaa 15.5%×82= 12.71 xildhibaan. Halka ay imika ka haystaan 13-xildhibaan. Waxaanay arrintaasi farta ku fiiqaysaa in aanay reer awdal wax ka maqani jirin marka laga hadlayo tirada ay hadda ku haystaan goloha wakiilada.

Bulshada ku dhaqan gobolka awdal iyo kuwa ku dhaqan gobolada kaleba baahida ay qabaan, way ka dhumuc weyn tahay, kuraas ay ku fadhiistaan shaqsiyaad kooban,  oo waliba  marka ay ku fadhiistaan dheefta ay ka helaan guryahooda oo qudha ku koobnaandoonto.

Waxa haboon in aynu busho ahaa la nimaado dhabihii ayn ku horumarin la hayn dowladnimadeena iyo dhaqaalaheen. Sidoo kale aynu dhisi la hayn bulsh ilbax ah ooh an iyo himilo xab=mbaarsan. Cumar Axmed Cali; cumaraxmed331@gmail.com.