Ruushka oo ka Baxay Xubinnimadii Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC-da

0

Moscow-(Berberanews)- Madaxweynaha Ruushka Mr. Vladimir Putin, ayaa saxeexay digreeto lagu caddeeyey in dalkiisu ka baxay xubinnimadii Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC (International Criminal Court).

Sida lagu faafiyey telefishanka Al-jazeera oo Maankaab soo xigtay, waxa Madaxweyne Putin tilmaamay in aannu dalkiisu ka sii mid noqon doonin Maxkamadda ICC xarunteedu tahay magaalada Hegue ee waddanka Holland, taasoo ka gar-naqda, isla markaana xukunta dacwadaha khuseeya dambiyada dagaalka, xasuuqa iyo dambiyada ka dhanka ah bani’aadanimada.

Digreetada Madaxweynaha Ruushka, ayaa soo baxday kadib markii Golaha Xuquuqal-insaanka ee Qarammada Midoobay ay ansixiyeen qaraar cambaaraynaya gacan-ku-haynta xukuumadda Moscow ee Gobolka Crimea (Kareemiya) oo oo hore uga tirsanaa dalka Ukraine ee bariga qaaradda Yurub, iyadoo sidoo kale dawladda Raashiya lagu eedeeyey inay degaankaas ka sameeyeen xadgudubyo iyo midab-kala-sooc, gaar ahaan dhibaatooyin fool xun oo lagu hayo qoomiyadaha Tatariska.

Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Ruushka, ayaa sheegay in sababta ay dib uga baxeen Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee ICC-du tahay arrin khusaysay danahooda qaranka, haatanna dalkiisu ka mid ahayn maxkamaddaas, isla markaana aqoonsan doonin jiritaankeeda wixii hadda dambeeya.

Waxa kaloo afhayeenku meesha ka saaray eedaymo Maxkamadda ICC u jeedisay Ruushka oo ka dhan ah maamulka Gobolka Crimea (Kiriimiya), isagoo ku dooday in degaankaasi hadda si rasmi ah ugu biiray dalkiisa, kadib markii dadweynaha ku dhaqan afti ku caddeeyeen inay ka mid yihiin bishii March ee sannadkii 2014.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, ayaa ku eedaysay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC fadhiid aan si buuxda uga madaxbannaanayn dalalka reer galbeedka.

“Maxkamaddu waxa nasiib-darro ku fashilan tahay meel-marinta ujeeddooyinkii loo aasaasay, mana aha mid si run ah u madaxbannaan, manay noqon meel caddaalad lagu ogyahay oo la wada tixgeliyo. Muddo 14 sanno ah oo ay shaqaynaysay waxay go’aan ka gaadhay afar kiis oo qudha, iyadoo haddana lacag ka badan $1 bilyan oo doollar lagu bixiyo kharashaad kala duwan.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka.

Masuulka ugu sarreeya Xuuqal-insaanka Qarammada Midoobay oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaaa dalalka adduunka ugu baaqay in aanay ka bixin Maxkamadda Dambiyada Adduunka ee ICC, isagoo ka difaacay eedaymaha Ruushku u jeediyey ee la xidhiidha in aanay ahayn meel madaxbannaan oo dhex u ah dalalka caalamka.

Maxkamadda ICC waxay hadda waajahaysaa dhibaatooyin adag oo kaga yimmi dalalka xubnaha ka ahaa; kuwaasoo qaarkood bilaabeen inay ka baxaan oo kala noqdaan aqoonsigooda, waxaanay waddamada xilligan ka baxay intooda badan ku yaal qaaradda Afrika, kuwaas oo uu ugu horreeyey Burundi oo xubinnimadiisii kala noqday bishii October ee sannadkan 2016.

Dalalka Koonfur Afrika iyo Gaambiya, ayaa iyaguna caddeeyey inay Maxkamadda ICC ka baxeen, waxayna waddamada Afrikaanku ku eedeeyeen inay u shaqayso si aan caddaalad ahayn, si gaar ahna loogu bartilmaameedsato masuuliyiinta qaaradda Afrika.

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, ayaa dacwado ku oogtay Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Suudaan, waxayna taasi sababtay in Ururka Midawga Afrika ku baaqo in xidhiidhka loo jaro Maxkamaddaas oo la aasaasay sannadkii 1998-kii,  waxana xubno ka ah in ka badan 100 waddan.