Saldhigga Hoggaaminta Casrigaa Ah

0

Aanku Horeeyo Tilmaantii Hoggaaminta Ee Sokraatis oo ahaa Nin Giriigii Hore u aha Hogaamiye

Abbaraha 500 oo sano dhalashadii Nebi Ciise ka hor hoggaanka sare ee ciidanka Athens (atinis ) waxa lagu magacaabi jirey strategos oo ah eray Giriig ah loola jeedo hoggaamiyaha ciidanka.Afka Ingiriiska waxaA eraygaas lagu turjumay erayga ah General (Jeneraal),kaas oo eray ahaan loola jeedo wax ama qof loo isticimaali karo dhammaan: waxayna ina tusaysaa in jeneraalka ciidanku uu mas,uul ka yahay ciidanka qaybihiisa kala duwan oo dhan.Sida ilaa hadda laga warqabo Sokraatis (Socrates) ayaa ahaa qofkii ugu horreeyey ee dhinaca Yurub ka hadla hoggaaminta b waxaana aaraa”dii ninkaas soo gudbiyey oo laga wariyey laba ka mid ahaa ardadiisii oo kala ahaa Balaato(Plato)iyo Sinofon (Xenophon).

Balaato wuxuu qabey in dadka uu waqtigiisii lakulmay uu Sokraatis ahaa kii ugu caqli badanaa ugu caddaalad badanaa,uguna fiicnaa.Sokraatis oo muddadadii uu ciidanka midka aha ku can- baxay geesinnimo,waxaa dadka garaadkiisa iyo shakhsiyaddiisu aad ay u soo jiidatey uguna xirnaa u aqoonsadeen,kuna magacaabeen Fakere. Ninkan oo ahaa Filosoof, una fakeri jery si aad uga sarraysey dadka waqtigiisii noolaa,wuuxuu qabey in aqoontu tahay wanaag,aqoona wanaagguna tahay in aad taqaan fiicnaanta,aadna garanayso sida loo raadsho ,loona helo duruuf kasta .Wuxuu qabey in xaalad kasta dadku ay raacan,una hoggaansamaan qofka yaqaanna waxa la samaynayo iyo sida loosamaynayo.

Sokraatis wuxuu aad u aamminaa muhiimadda ay aqoontu u leedahay hoggaaminta, mar walbana wuxuu ku qabaan in ay ka tayo fiican yihiin oo ay iyag uga aqoon badan yihiin xaalad gaar ah. Wuxuu qabey in ay lagama maarmaan tahayin jeneralka ciidanka uu ku fiicnaado maaraynta :taas oo keenaysa in ciidanka qalabka iyo saadkaba si habboon loogu qaybiyo,loonagaarsiiyo ,Sinofon oo ha duulaya khibraddiisa shaqo wuxuu tilmaamay in jeneralka ciidanka looga baahan yahay tayooyinka ama xirfadahaan kala ah

· In uu noqdo mid tab iyo xeelado badan,firfircoon,taxaddar badan ad”adag,isla markaana maxkaxbadan maskaxna furan wax maqla.

· In uu noqdo mid naxariis-badane iyo naxariis –laawe labadaba:

· Inuu noqdo mid hadal cad oo xeelado badan,kartina u leh u digista iyo ku kedinta labadaba

· In uu noqdo loofar ma-dherge ah,deeqsi iyo bakhayl labadaba

· In uu noqdo mid xirfad badan u leh difaaca iyo weerarkaba.

Daraasada kala duwan ee ilaa hada la helaayo ee maamul wanaaga iyo horumarku yahay ku tiirsanaanta xulashada shaqaale ku haboon.Aqoon yahay Sokraatis wuxuu sheegay in ganacsatada iyo jeneraallada guuleaysta ay shaqooyinka isku mid ah qabtaan,isaga oo shaqooyinkaas ku tilmaamay:

· In ay shaqada u xulaan qofka ku habboon:

· In ay ciqaabaan xumaanta,ayna abaalmariyaan wanaaga;

· In ayhantaan kalsoonida kuwa ka hooseeya

· In ay soo jiitaan isbahaysi iyo garggaareyaal

· In ay ku mintiddaan wixii ay helaan,

· In ay noqdaan kuwo hawlkar ah una dedaal badan shaqaddooda

Fasiraada aqoon yahannada kala duwani ay siiyeen hoggaaminta marka si guud loo eego waxa ay sitoos ah iyo si dadbanba u muujiyeen tusaalayaashan hoos ku qoran.

1) In ay tahay geeddi- socod.

2) In ay saamayntu ay tiir- dhaxaad u tahay;

3) In ay uu jiro qof wax hoggaamiya (hoggaamiye)iyo kuwo la hogaamiyo (taageerayaal)

4) In uu jiro xiriir isku xiraya hoggaamiyaha iyo taageeraha,kaas oo ah hoggaaminta lafteeda

5) In uu jiro yool la higsanayo oo loo shaqaynayo garitaankiisa.

Qoraalada waxa aan ka soo xigtay qaybaha kala duwan oo aan si qoto dheer u akhriyey sida John Adair 2002 effective strategic leadership

Ralph M stogdiil iyo coventry library

Leee G Bolman and Terrence

Qamuuska Afka Somalia ee Yaasin C .keenadiid

Qalinkii Suleiman Saeed Kabadhe (Danjiree)

International relations (IR)

(occasionally referred to as international studies (IS))

Coventry City Un

E:mail Danjiree20010@gmail.com