Saudi Arabia oo qorshaynaya inay saldhig military ka samaystaan dalka Jabuuti

0

Djibouti-(Berberanews)-Dawlada Jabuuti ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay qorshaynaysa in ay ka sameystaan saldhig militari dalkaasi xilli ciidamada Sacuudiga ay weerar ku hayaan dalka deriska ee Yemen.

Wareysi uu siiyay wargeyska laga leeyahay dalka Saudi Carabia Asharq al-Awsat oo laga sii daayay axadii ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf uu soo dhaweeyay hindisaha, isagoo xaqiijiyay in madaxda ciidamada Saudi ay sameeyeen dhowr safar oo baadhitaan ah dalkaasi Jabuuti si ay u soo indha indheeyaan aasaaska xarunta ee halkaasi.

 527d05847581ace84a48

Wadahadalada ayaa dhexmaray madaxda labada dal ee ku saabsan qorshaha iyo heshiiska istiraatiiji ah ee ammaanka oo qabyo ah la diyaariyey , Youssouf ayaa sidaas sheegay isagoo carabka ku adkeeyay in heshiis la saxiixi doonaa sida ugu dhakhsaha badan.

Diblomaasi sare oo Jabuutiyaan ah ayaa sidoo kale xusay in qaar ka mid ah xeebaha loogu talagalay dhismaha saldhigga ciidamada Sacuudiga.

Jabuuti, oo ah quruun yar ayaa inta badan ku tiirsan deeqaha ay ka hesho Saudi Arabia.