Sawir gacmeed lagu iibsaday in ka badan 1 Milyan oo doolar

0

Sawir gacmeed uu xardhay farshaxamiistaha loo aqoonsaday inuu yahay aabaha xirfadda farshaxanka ee dalka Nigeria ayaa magaalada London loogu iibiyay lacag dhan $1.4m (£1.1m), ka dib markii dadka hadda iibsaday ay goolgle ku raadiyeen saxiixa farshaxamiistahaas.

Ben Enwonwu’s “Christine” ayaa sawirkan xardhay sannadkii 1971-kii xilli uu ku sugnaa magaalada Lagos ee dalka Nigeria.

Xarunta iibsatay farshaxanka waxay sheegtay ‘In markii hore aysan ka war heyn faa’idooyinka farshaxanka ilaa ay Internetka ka raadiyaan saxiixa farshaxamiistahaas’.

Enwonwu wuxuu geeriyooday sannadkii 1994-tii, waxaa uu sidoo kale xardhay sawir gacmeed kale oo la yiraahdo ‘Tutu’ kaas oo sannadkii lasoo dhaafay lagu iibsaday 1.5 Milyan oo doolar.

Enwonwu wuxuu ardey ka ahaa Koleejka Ruskin iyo Iskuulka farshaxanka ee UK sannadihii 1940.

farshaxamiistaha ayaa soo caanbaxay markii loo xilsaaray inuu sawir gacmeedka ka sameeyo boqorodda Ingiriiska xilli ay booqasho ku joogtay Nigeria sannadkii 1956-dii.

xigasho Bbc Somali