Berbera News | Daily News Update

SAWIRO-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Qayb galay Sanad Guurada Xiligii La Aasaasay Ururka RPP

Jabuuti(Berbera )Magaalada Djibouti waxa maanta lagu qabtay xuska sanadguuradii 40-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay xisbiga talada dalkaas haya ee RPP 4-tii March ee sanadkii 1979-kii.

Munaasibada waxa lagu casuumay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga dalka Ethiopia Aisha Mohamed, Wasiirka Maaliyada ee isla dalkaasi Ethiopia Ahmed Shide, Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed islamarkaana ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, iyo masuuliyiin ka kala socday dalalka ay Djibouti deriska iyo saaxiibkaba yihiin.