SAWIRO-Wasiirka Horumarinta Biyaha Qaranka Oo Ka Warbixiyay Kulan Iyo Soo Dhoweyn Caasimada ku Dhex Maray Wakiilka Jarmalka Iyo Madaxweynaha Somaliland

0

Hargaysa(Berberanews) Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha Qaranka Saleebaan Yuusuf cali Koore Ayaa Ka Xog Waramay Safar uu Maanta Dalka Ku Yimi Wakiilka Jarmalka u qaabilsan Afrika Kaasi oo Kulan Wadajir ah la Yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Wasiirka Biyaha oo ay wehelinayeen wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, wakiilka Somaliland u qaabilsan urur-goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo maareeyaha wakaallada Biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood.

Saleebaan Cali Koore oo Qoraal Soo Dhigay Bartiisa uu ku leeyahay Facebook ayaa sidan ku yidhi

 

” Farxad weyn bay noo tahay ka wasaarad ahaan in aanu maanta dalka ku soo dhaweyno mid ka mida wadamada mashriicda Biyha caasimada gacan weyn ka geystay aanu soo dhaweyno.

Madaxweynaha iyo wakiilka Ra’iisal wasaaraha dalka Jarmalka u qaabilsan waddamada Afrika, ayaa ka wada-hadlay arrimo door ah oo salka ku haya danaha labada waddan iyo mashaariicda horumarineed ee Jarmalku ka wado Somaliland, gaar ahaan Biyo ballaadhinta Caasimadda Somaliland oo ay dawladda Jarmalku kaalin weyn ku leedahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale wakiilka Ra’iisal wasaaraha Jarmalka u qaabilsan waddamada Afrika uga mahadnaqay booqashada uu ku yimi Somaliland, waxana ay si qoto dheer uga doodeen xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya labda dal Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa ku wehelinayey soo dhaweynta uu Madexweynuhu uu kusoo dhaweyey xafiiskiisa wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, wakiilka Somaliland u qaabilsan urur-goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo maareeyaha wakaallada Biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood.

Horumarka qaranku ku talaabsanayo 2019ka ayey ka mid tahy Hiigsiga iyo Himilada.