SENEGAL Oo Galisay Ciidan gudaha Gudaha Dalka GAMBIA SI’ay U taageerto Madaxweynaha La Doortay

0

Hargeisa (berberanews) Ciidamada Senegal ayaa gudaha u galay  Gambia iyaga oo damacsan sidii ay taageero u siin lahaayeen Adama Barrow, oo  loo dhaariyay xilka  galinkii danbe  Khamiistii , kadib markii uu ku guuleystay doorashada  bishii hore.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mr Barrow ayaa lagu dhaariyay Xafiiska safaaradda Gambiya ku leedahay Senegal caasimadeeda , sharcinimadiisana waa mid si caalamiya la iskula wada qaatay.

 

Urur goboleedka  Galbeed ka Africa  ee ECOWAS  ayaa Yahya Jammeh  sii yay fursad uu ku banneeyo xafiiska  illaa Maanta Jimcaha  duhurkii.

 

Ecowas ayaa sidoo kale ugu hanjabay  inuu xoog  kaga saari doono haddii uu u hogaansami waayo.

 

15 ka xubnood ee katirsan  golaha ammaanka ayaa sidoo kale  taageeray  Ecowas , balse waxa

 

 ay  soo jeediyeen in la isku dayo in lagaadho xal siyaasadeed intaan awood la isticmaalin.

Diididda  in Mr Jammeh uu xafiiska ka tago  waxa sidoo kale taageeraya  Golaha baarlamanka  Gambia .