SHANTAAS NIN MOOYAANE XUBNIHII KALE EE GOLAYAASHA 5-TAAS DEGMO YAA CID KA ARKAY HORTA?

0

Sida Aan Lawada Soconay Waxaynu Dooranay Golayaal Deegaan Dabayaaqadii Sanadkii 2012 Ama Horaantii Sanadkii 2013 Golayaashaas Oo Kusoo Baxay Doorasho Qof & Cod Ah (One Man One Vote).

Ujeedada Ugu Wayn Ee Laga Lahaa Doorashadaas Ayaa Ahayd Laba Qodob Oo Is Barkan Kuwaasoo Kala Ah
1. In Lahelo Oo Lahirgeliyo Nidaamka Democracy-ga Ee Ay Qaateen Wadamada Hore Umaray Lagana Gudbo System-ka Jahliga Ku Dhisan Ee Qabiilka
2. Qodobka Kale Ayaa Ahaa In Lahelo Golayaal Deegaanka Oo Elected Ah Oo Metela Bulshada Kana Hadla Danahooda Iyagoo Ka Madax Banaan D/sare & Mid Dhexeba Si Loo Ogaado Bulshada Jilicsan Ee Iyagu Aan Gaadhi Karin Xafiis Dowladeed

Sidaas Markay Ahayd Waynu Dooranay Golayaashii Deegaanada Inagoo Weliba Xoog & Xoolaba Dul Dhignay Kuna Soo Saaray Tacab Iyo Tamar Laysku Daray Waxayse Tahay Su,aasha Meesha Taalaa Ma Noqdeen Kuwo (QAAR) Daboolay Baahidii Loo Qabay Ama Ma Fuliyeen Oo Magarteen Waajibkii Saaraa Ama Ma Noqdeen Qaar Bulshada Kusoo Celiyay Abaalkii Loo Galay Haba Yaraadee??

Su,aashaas Hadaan Isku Dayo Jawaabteeda Waxaan Odhan Karaa MAYA MAYA!! Iska Kaa Waxay Kusoo Celiyaan Bulshadee Waxay Noqdeen (Parasite) DULIN Kudul Nool Inta Jilicsan Oo Masaariifsada Dhiiga Maatada Marka Laga Reebo Xubno Kooban Oo Aan 1% Ka Noqonayn Golayaashii Aan Soo Dooranay Ee Ina Metelaayay

Aduunyada Sida Aan Ognahay Masuuliyiinta Marka Xil Loo Dhiibo Elected Or Nominated Mid Kuu Doono Ha Ahaadee Wuxuu Leeyahay Role And Responsibilities Iyo Sidoo Kale Wax Layidhaahd TOR,s Ama Aan Idhaahdo Guidelines Hage & Tilmaame U Ah Una Sheegaya Masuuliyadiisa Oo Uu Ku Shaqeeyo Isagoo Iskagana Ilaalinaya Khaladaadka Uu Gelaayo Sidoo Kale Way La Xisaabtantaa Cida Ay Metelaan Waxaana Jira Isla Xisaabtan & Dabagal & Qiimayn Monitoring & Evaluation Dhinacyo Badan Ah

Hadaba Golayaasha Deegaanada Ee Somaliland Majirtaa Cid La Xisaabtantaa Ama Dabagal Ku Samaysaa? Sidoo Kale Waa Ayo Cida La Xisaabtami Lahayd?

Su,aalood Ta 1aad Ee Hore Ayaan Anigu Isku Deyayaa Inaan Kajawaabo Ama Yara Iftiimiyo Ta 2aad Waxaan Udaynayaa Bulshada & Aqoonyahanka Dalka

Waxaan Leeyahay Oo Muuqata Maya Ma Jirto Cid Laxisaabtantaa Oo Dabagashaa Haba Yaraatee Waana Sababta Keentay Inay Xildhibaanadu Yeelaan Siday Iyagu Doonaan Iyagoo Xitaa Ilaaway Dhaartii Ilaahay Ee Ay Mareen Nin Kastaana Uu Tiisa Gaar Ahaaneed Uqabsaday Waxaana Maanta Aan Aragnaa Oo Aan Qarsoonayn In Rag 7-Sano Kahor Kujiray Aqalo Kooban Oo Kiro Ah Gaadhina Aan Wadan Hanti Kalena Daaba Hadalkeeda Ay Maanta Leeyihiin Toban Toban Fiilo Baabuurtana Sida Dharka Ukala Bedelaan Iswaydii Xagay Ka Keeneen? Meel Kale Kamay Keenine Waa Wixii Inaga Dhexeeyay Oo Ay Iyagu Keligood Qaateen Waana Waraabayaal Inoosoo Dhuuntay

Sidaas Marka Ay Tahay Mala Odhan Karaa Xumaantu Waa Xaga Bulshada? Anigu HAA!! Ayaan Leeyahay Waayo Ilaahay Ayaaba Aayaatkiisa Inoogu Sheegay Inaanu Masuul Xumi U Iman Ama Usoo Dirin Iyagoo Iyagu Xun Mooyaane Waana Camalkeenii Oo Ilaahay Inagu Karbaashayo Ee Aan Ducaysano Oo Dib Isagu Noqono Ayaan Leeyahay Sababta Kale Ee Keentay Dhibtan Ayaa Ah Qaabkii Aynu Ku Keenay Nimankan Oo Ahaa Qaab Qaldan Oo Qabiil Reer Kastaana Kii Ugu Liitay Ayay Keeneen

Ugu Dambayn Waxaan Qabaa In Maanta Bulshadu Ogaatay Halka Wax Ka Qaloocdeen Waxaanan Rajaynayaa Inay Ka Fiirsan Doonaan Doorashada Dambe Ee Deegaanada & Guud Ahaanba

Ugu Dambayn Waxaan Qoraalkaygan Kusoo Af Meerayaa Sida CIWAANKA Aan Ku Muujiyay 5-Masuul Oo Aniga Iiga Dhex Muuqday 5-Ta Gobol Ee Kala Ah
1. Geerigaabo Xildhibaan Ibraahin Axmed Laangadhe
2. Hargeysa Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare)
3. Burco Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi)
4. Berbera Mayor C/shakuur Maxamuud Xasan (Cidin)
5. Gebiley Mayor Maxamed-amin Cumar Cabdi

Run Ahaantii 5-taas Masuul Waxaan Odhan Karaa Waa Masuuliyiin Garanaaya Waxa Loo Soo Doortay Waana Masuuliyiin Uu Dhibaayo Xilka Ay Hayaan Oo Ladareen Ah Dadkii Ay Metelayeen Weliba Waxaan Gaar U Recommend Garaynayaa Labada Xildhibaan Ee Bidhi & Cagayare Ilaahay Miisaanka Xasanaadka Hawgu Daro Ayaan Leeyahay

Waxaan Kaga Baxayaa Qoraalkaygan

Halkii Lagugu Baadhee
Shalay Bahalku Kaa Helay
Adigoon Budh Wayn Sidan
Beritana Hasiii Marin
Keligiii Nin Buuxsaday
Baaqi Howgu Sii Darin
Ninka Kuu Badheedhee
Kaa Binaystay Aqalada
Beel Yaanu Kugu Sirin
Adoo Boodi Kara Madal
Cagta Boodhka Gelin Kara
Bukaan Haysu Qaadane
Ubadheedha Dhaantada
Tuugna Yaanu Kaa Badin
Iyo Booli Quutuhu

—Wabilaahi Towfiiq—

Cabdikhaalaq Cabdilaahi Aw Maxamed (Ina Awal-Bari)
Jamhuuriyada Somaliland Berbera
Tel: +252-65-4448705 & + 252-63-4292705
Email: abdi70526@hotmail.com