Shaxda Ordogan Ee Shidaalka Soomaaliya iyo Baxnaanintii Cimriga Dheer Ee Reer Galbeedka..Faallo

0

Qorre: Faisal Ahmed Karshe​
Somalia-26-Jan 2020 – Soomaaliya ayaa mar kale u tallaabo u qaadday ​ka faa’iidaysiga kheyraadka shiidaalka, ka dib markii Aqalka Sare ee Baarlamaanka uu ansixiyay bisjii January 6, 2020 Sharciga Batroolka dalka.

inkasta oo uu ahaa sharcigu mid soo raagay, haddana waxaa la saadaalinayaa inuu soo jiidan doono maalgashi shirkado shidaal oo heer caalamiga ah.​
Balse, waxaa ah murug taagan xilli ansaxintii sharciga barlamanku uu ku soo beegmay olole​ doorasho, iyo rabshado argaggixiso oo dalka ka bilaabmeen, waana mid caqabad gelin karta maanka maalgashadayaasha shisheeyaha.​

Haddaba su’aasha muhiimka ka dhigaysa udugga saliidda Soomaaliya laga sheegayaa maxay tahay?​
Tobankii sanadood ee la soo dhaafay, waxaa si xoog leh looga helayey somaliya gaaska dabiiciga ah iyo saliidda inta u dhaxeysa Mozambique iyo Kenya.​
Valueimpression Placeholder​
Warbixin uu qoray wargeys ka soo baxa Houston Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed wuxuu ku yidhi, “Muhiimadeenna maanta waa inaan caddeynaa jiritaanka harooyin kayd iyo xaqiijinta mugga saliidda” (Chron – 12/02/2019).​
Soomaaliya waxay magaalada London ku soo bandhigtay February 7da, 2019 macluumaad laga soo ururiyay sahamintii Spectrum ee “Juba-Lamu Basin, Coriole Basin, and Obbia Basin.” Halkaasna waxaa ka soo ifbaxday in dalku uu ka mid noqon karo mid ka mid ah baraha saliidda ugu muhiimsan ee xeebaha Bariga Afrika.​
Walow dhulka Soomaaliya shidaal laga baadhayey tan iyo sanadihii 1956 aadkii, haddana saliidda dhawaan lagu sheegay xeebaha Soomaaliya waxaa muhiim ka dhigaya ayaa ah baaxadda kaydka iyo waddanka oo ku dhow suuqyada Aasiya (Hindiya iyo Shiinaha), kana fog colaadda Bariga Dhexe.​
Shirweynihii shidaalka qaaradda Afrika ee November 2019 ka qabsoomay magaaladda Cape Town, ee dalka Koonfur Afrika ayuu Wasiirka somalia Cabdiraxmaan Maxamed Axmed ku ballan qaaday in Dowladda Federalka Soomaaliya ay billaabi doonto sanadka 2020 shati bixinta 15 xidhmo.​
War laga soo xigtay wargeyska Financial Times ayaa sheegay, in Shirkadaha Royal Dutch Shell iyo Exxon Mobil ay safka hore ugu jiraan maalgashiga kheyraadka badda Soomaaliya, waxaanse muuqan shirkadda Talyaaniga ENI Energy oo magac weyn ku yeeshay helidda gaaska Mozambique.​
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ENI Energy oo shuraaka kula ah Imaaraadka Carbeed sahaminta aagga badda Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso inay ku sugan tahay xaalad ishaa falateen ah. (wait and see).​
Si kastaba ha ahaatee, kharashyada wax soo saarista oo iyaguna ah kuwa hadba sii kordhaya iyo macaashka laga helaya oo hoos u sii dhacaya ayaa shirkadaha waaweyn ee saliidda iyo gaaska ka hakinaya inay foodda daraan khatarta aan la ogey waxa ka soo bixi doona,. Taasina waxay shirkadaha yaryar hormuud uga dhigtay sahaminta saliidda iyo gaaska gobolka, kuwaas oo ku dhiirran u badheerdhdda khatarta maaliyadeed iyo ka howlgalka dhul aan hore loo tijaabin sahmintiisa.​
Dhinaca kale, waxaa soo kordhaya ifafaale kale oo tilmaamaya in shirkadda Fransiiska laga leeyahay ee TOTAL oo shuraako kula ah “Qatar Petroleum,” baadhista saliidda Kenya iyo Namibia ay daneyneyso saliidda Soomaaliya, waxaase lama filaan noqotay, ka dib markii Madaxweyne Recep Tayib Erdogan uu ku dhawaaq in Muqdisho ku casuuntay sahminta saliida Soomaaliya.​
Suuqa shidaalka adduunku wuxuu soo maray marxalado kala duwan. Shirkadaha shidaalka caalamiga ah waxay 60-yadii xuquuqda hantida “royalties” u siin jireen dalka shidaalka laga helo 1.80 doolar barmiilkii. Arrintaas waxay isbeddeshay ka dib markii 1973kii uu shidaalka adduunku galay khalkhal, taas oo keentay in la kordhiyo xuquuqdaas.​
Haddaba su’aal kale ayaa ah maxay tahay, Maxaa ku kallifay Madaxweyne Erdogan inuu warkiisa warbaahinta u soo mariyo Soomaaliya, isagoo heli kara habab ka habboon?​
Baaqa Madaxweyne Erdogan, wuxuu ahaa mid farriintiisu u baahan in la dhuuxo iyo nuxurkeeda. Yuusuf Gaandi oo ka faallooda siyaasadda “Horn of Africa Geopolitics” ayaa yidhi, “Siyaasaddu ma aha oo keliya inta muuqata ee waxaa loo baahan yahay in la fahmo inta miiska hoostiisa ka socota.”​
Turkiga wuxuu ku soo galay Soomaaliya ujeeddooyin la isku ogaa, hase yeeshee isbeddelka siyaasadda Maraykanka ee ku jahaysnayd dagaalka xagjiriinta Geeska Afrika, ayaa diblomaasiyadda nabadda u gacan banneysay Boqortooyadda Sacuudiga iyo Imaaraadka Carbeed, iyadoo aan loo cayi​min xuduudaha iyo awooda ​ay ciyaari karaan.​
Maanta, waxaa muuqata in Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya ay ka jirto qalalaase u baahan xal degdeg ah.​
Falanqeeyaasha siyaasadda waxay rumeysan yihiin in xalkii Turkiga ee Syria iyo Libya uu beddelay isla-ekaanta cududda, taas oo dalal badan ku qasabtay inay dib uga fiirsadaan ujeeddooyinkoodii siyaasadeed.​
Miyaanay haddaba, afeefta Erdogan u muuqan inay u socoto dalal aan la magac dhebin, balse door ku leh fidnada Soomaaliya, iyadoo loo sii marinayo Ingiriiska oo iskuduwe ka ah mashruuca Geeska Afrika.​
Sidoo kale waxaa muhiim ah, in dalalka gobolka ay u baahan yihiin inay iska kaashadaan, isla markaasna iska caabbiyaan faraggelinta shisheeye ee meel ka dhaca ku ah siyaasadooda gudaha iyo xoriyaddooda qarannimo, ​iyadoo aan la fogaynayn iskaashiga faa’iidada labada dhinac ku dhisan.​
Madaxweyne Erdogan, waxuu hurdada ka kiciyey shirkadaha shiidaalka ee mudada dheer quuddarraynayey kheyraadka Soomaaliya, balse aan maalgashi iyo ku dhiirasho diyaar u ahayn inay sameeyaan xilligan, sababo amni awgood.​