Shir-guddoonka Baarlamaanka Somalia oo muddeeyay Mooshin ka dhan Saldhigga Milateri ee Berbera

0

Muqdisho-(Berberanews)-Guddoonka Baaralmaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Mooshin laga furayo Saldhigga Milateri ee dalka Imaaraadka Carabta ku yeelaneyso Magaalada Berbera.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa gabagabadii kulankii maanta ka sheegay in Arbacadda soo socota la furi doono mooshinka ku saabsan saldhigga milateri ee Berbera ay ku yeelaneyso Imaaraadka.

Mooshinkan oo dhowaan ay Guddoonka u gudbiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ku saabsan in sharci darro iyo xadgudub madax bannaanida Soomaaliya loo aqoonsado saldhiga ay Imaaraadku dooneyso inay ku yeelato magaalada Berbera iyo heshiiska ay la gashay Somaliland.

Arrinta saldhigga Imaaraadka ayaa muran weyn ka dhalisay gudaha Somaliland iyo dowladda Federaalka.