Shirkadda sharciga Bariga Africa oo nooceedu dalka ku cusubyahay oo lagaga dhawaaqay Hotelka Ambassador ee Hargeysa (Sawirro)

0

Hargeysa (Berberanews)- Xafladd-ballaadhan oo lagu daah-furayey  munaasibadda xafladda shirkadda adeeggyada sharciga Bariga Africa “ East Africa Law-firm firm” ayaa lagu qabtay Hotelka-Ambassador ee Hargeysa,munaasibada xafladdaasi oo si quruxbadan looga soo shaqeeyey agaasinkeeda waxaa ka soo qaybgalay  mundantii dalka oo ka kala socday qaybaha kaladuwan ee bulshada sida bahda sharciga  iyo garsoorka,saraakiisha shirkaddan cusub sameeyey “wasaaradda cadaaladda,xeer ilaalinta,maxkamadda ciidamada,Booliska,hay’adaha caalamiga ah,Bahda dhaqanka iyo marti sharafkale oo farabadan.

Furitaankii shirkaasi waxaa ka hadlay isla markaana ka soo qaybgalayaashii shirkaasi u faah-faahiyey ujeedada loo qabtay xafladdan iyo nuxurka ay daarantahayba  Agaasimaha shirkaddaasi Yaryaqaan Shabeel oo kana tirsan ururka qareennada Somaliland waxaanu yidhi “mudanayaal iyo marwooyin dhamaantiinba waanu idin soo dhaweynayaa waxaaana shirkadan cusub ee Easta Africa Law firm sharaf weyn u ah inaad nagala soo qaygashaan daah-furka xafiiska shirkadda”,Mr Shabeel oo xidhiidhinayey barnaamijkaasi intuu socday waxa uu masraxa ku khudbadaha ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha shirkaddaasi Garyaqaan Maxamed Siciid oo horeyna u soo noqday Gudoomiyihii 2-aad ee ururka Lawer-rada Somaliland waxaanu ka warbixiyey sababihii keenay inay shirkaddan aas aasaan iyo waxay bulshadu ka filanayso inay u qabato  “sida uu sheegay xidhiidhiyaha barnaamijkani shirkaddani waa mid ku cusub dalkeena  marka la eego qaabkan ay u samaysan tahay iyo shaqooyinka ay bulshada u qaban doonto” ayuu yidhi Gudoomiye Maxamed Siciid.

DSC06551Dhanka kalana waxa uu sheegay inay shirkaddaasi cusubi xarun u noqon doonto dhamaan hawlaha tabobarrada dhalinyarada sharciga doonay inay bartaan ama ku shaqeeyaan isla markaana lagu siin doono duruusta la xidhiidha arrimaha sharciga iyo waajibaadka looga baahanyahay qofka doonaya inuu shaqeeyo sharciga “shirkadda Easta Africa Law-firm waxay noqon doontaa xaruntii lagu tabobarayey dhalinyarada doonay inay ku shaqeeyaan sharciga waxaanan siindoonnaa duruustii iyo qawaaniintii sharciga ee looga haabnaa inay lahaadaan dadka ku shaqaynaya mihnaddan sharciga” ayuu y idhi.

DSC06716Mr Siciid waxa uu sharaxaad kooban ka bixiyey cidda samaysay shirkaddan iyo waxay ka soo shaqayn jireen markoodiihore waxaanu sheegay inay ku kulmeen shirkaddan aqoonyahano ku xeel dheer arrimaha sharciga isla markaana ahaa shakhsiyaadkii soo aas aasay ururka qareennada Somaliland ee “SOLLA” Somaliland Lawer Association” isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “shirkaddan waxaa aas aasay oo ku midoobay 7 Lawer oo kamid ah kuwii aad horey ugu tiqiineen inay ahaayeen kuwii soo aaas aasay ururka Lawer-rada Somaliland waxaana kamid ah raga halkaa fadhiya ee sida Jaamac Cilmi Xaahi oo ahaa Gudoomiyihii ugu horeeyey ee Lawer-rada,Fawsi iyo qaarkale”

DSC06642Xeer ilaaaliye ku xigeenka Mr Mawliid oo ah nin dhalinyaro ah isla markaan shaqada ku soo galay isbadalkan cusub ee bahda Garsoorka lagu sameeyey tan iyo intuu Aadan Xaaji Cali la wareegay Maxkamaddasare oo madashaasi ka hadlay waxa uu soo dhaweeyey furitanka shirkaddan cusub ee xagga arrimahaadeegga  sharciga ku shaqayndoonta isla markaana ay ka xeer ilaalin ahaan  la shaqaynayaan dhinacooda “annagu ka xeer ilaalin ahaan waanu ku faraxsanahay furitaanka xafiiska shirkaddan Easta Africa Law-make waanan la shaqayndoonaa” ayuu yidhi Mr Mawliid.

DSC06602Cabdiraxmaan Cali Cadami (Cabdiraxmaan dheere) oo ku hadayey afka dadka aqoonta lagu tuhmayo oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay tahay wax lagu farxo isla markaana muujinaysa hormarka ay gaadhay Somaliland in maanta loo xafladeeyo ku dhawaaqidda furitaanka xafiiska shirkaddan cusub waxanu yidhi “farxadweyn bay ii tahay aniga ioy shacabka Somaliland ba ina la furo xafiiska shirkadda adeegga sharciga ee East Africa Law-firm” Mr Cadami waxa uu farta ku fiiqay sida ay bulshadu ugu baahi qabeen inay helaan goob khaas ah oo ay ugu hagaagaan adeeggyada sharciga ee ay u jeellan yihiin “shirkaddani waxay ku soo beegantay wakhtigeedii loo baahnaa waayo dadkii waxay khaati ka taaganyihiin Lawer-wareegaya oo aan xafiisbba lahayn meel ay ugu soo hagaa-gaanna aan lahayn balse maanta hadii la furay shirkaddan cusub  waxaan filayaa inay is  helidoonaan dadkii iyo sharicigii” ayuu yidhi Mr Cadami.

DSC06579Madaxweyne ku xigeenkii hore Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax oo isna kamid ahaa acyaantii shirkaasi ka soo qaybgashay waxa uu sheegay magaca shirkadani inuu yahay mid weyn  oo ballaadhan isla markaana ka tarjumaya higsiga dheer ee shirkaddani leedahay kuna jarao weynhiin saraakiisha dhidibada u taagay inay gaadhidoonaan mustaqalka dhaw isaga oo arrimahaa ka hadlayena waxaa uu yidhi “magacan aad la baxdeen ee bariga Africa waa magac weyn waxaanad samaysateen well-wayn oo aad ilaahay ku baridaan waxaanan idiin rajaynayaa inuu ilaahay idiin soo buuxindoono”  ayuu  yidhi waxaami Mr Tolwaa waxa xusay yooyootanka siyaasadeed ee u dhexeeya axsaabta ku tartamaya doorashooyinka la karinayo ee dabka saarani inaanay ku haboonayn inay maqashiiyaan dhagaha bulshada ay codadka ka doonayaan erayada qaarkood  “inkastoo aanay halkan munaasib ku ahayn haddana waxaan jeclahay inaan eray iyo lababa ka idhaado sida aan quruxda badnayn ee ay warbaahinta isgu adeegsanayaan axsaabta siyaasadeed ee doonaya inay dadka codkooda helaan waxaanan u soo jeedinayaa inay ka waan doobaan dhamaanba waxyaabaha kicinaya colaadaha iyo isnacaybka oo ay nabadda ilaaliyaan” ayuu yidhi Mr Tolwaa.

DSC06612Awbaan Aadan Tarabi oo ku hadlayey afka Abwaaniinta oo halkaa ka hadlay waxa uu si weyn oo dareen farxadeedi ku dheehan yahay ugu soo dhaweeyey furitaanka shirkaddan cusub ee Bariga Africa ee arrimaha adeegga sharciga erayo sacabka loo garaacay oo madasha rucay waxaanu sheegay dadka ugu horeeya ee u soo dacwo tagidoona xafiiska shirkaddaasi inay iyagu “Abwaaniinta” noqonayaan “adeer cidda ugu horeysa ee idiin soo dacwoondoontaa waa annaga oo meell aanu u soo dacwad tagno ayaabanu garan la’ayne waanu soo dhaweynaynaa shirkaddiina cusub” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “ma waxaad aragtay Dawlad dibadaha uga yeedhanaysa ilaa Maraykanka iyo Yurub kuwii na bililiqaystay anagii fanka curinay ee waxan ay ku heesayaan iska lahayna halkanaanu baahi ugu liidanaa”

DSC06624“Booliskiina xafladdan waabay fadhiyaan  oo halkaasaan ku arkayaa waar markaanu idiinka soo dacwoono noo soo qabta oo noo xidha kuwa na bililiqaystay ee waxayagii “fanka” ku shaqo tagay” ayuu yidhi Abwaan Aadan Tarabi.Gudoomiyaha Dalladda ay ku midboobeen ururrrada aan dawliga ahayn ee SONSAF Musfate Sacad Dhimbiil oo madashaasi ka hadlay waxa uu soo dhaweeyey furitaanka xafiiska shirkaddan ku shaqayn doonta adeegga sharciga waxaanu tilmaamay sida loogu baahnaa shirkadan oo kale taasoo fulindoonta adeeggyada sharciga ee ay isu xilsaareen inay bulshada u qaban doonaan “anigoo ku hadlay afka Dalladda ururrada bulshada rayidka ah ee SONSAF waxaanu soo dhaweynaynaa shirkaddan cusub ee adeegga sharciga waxaanan diyaar u anahay inaanu la shaqayndoon” Mr dhimbiil waxa uu sheegay waxa ugu badan ee la bililiqaystay isla  markaana loo baahanyahay in la dhawro inay kamid yihiin fanka iyo arrimihii Saxaafadda oo noqday jaantaa rogan oo cidwaliba siday doonto u adeegsato   “maanta waxaad ogtihiin labada arrimood ee ugu bililiqada badan ee sida sharcii la’aanta ah loo boobay inay yihiin Fankii,Soogaantii iyo Saxaafaddii oo cid waliba siday doonayso ugu shaqaysato” ayuu yidhi Mr Dhimbiil.

DSC06657Gudoomiyaha ururrka Looyarrada Somaliland Mr Axmed Timo oo halkaa ka hadlay waxa uu soo dhaweyeeyey isna shirkaddan cudub waxaanu ku tilmaamay inay ku soo beegantay goortii loo baahnaa  “shirkaddani cusubi waxay ku soo beegantahay goorti loo baahnaa waayo waxaan qabaa inay shacabku baahi badan u qabaan inay helaan halkii ay ugu soo hagaagi lahaayeen sharciga iyo ciddii u qaban lahayd adeegiisaba” ayuu yidhi Mr Timo.waxaa isna halkaa ka hadlay boqorka Magaado Boqor Maxamuud waxaanu si weyn  ugu riyaaqay shirkaddan cusub waxaanu ku boorriyey inay adeegeeeda gaadhsiiyaan Goballada dalka oo dhan halkaasoo si weyn loogu baaahi qabo sharciga iyo adeeggyadiisaba “waxaan soo dhaweynaynaa ka dhaqan ahaan shirkadda cusub waxaanan idinku boorrinayaa inaad adeegeeda gaadhsiisaan Goballada dalka oo dhan waayo si weyn baa loogaga baahan yahay adeeggyadiina sharciga” ayuu yidhi Boqor Magaado.

DSC06659Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga Cabdirashiid Guuleed oo isaguna halkaa ka hadlayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan la shaqaynayaan shirkaddan cusub waxaanu xusay sida saraakiishii ka horeeyeyba u sheegeen inay wada shaqayn dhaw-la yeelan doonaan “waanu soo dhaweynaynaa shirkaddan cusub waayo wakhtigan dadkii baa soo gaadhay xiligii ay sharciga fahmayeen” ayuu yidhi.

DSC06622waxaa isna shirkaasi ka hadlay Suldaanka guud ee beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan waxaanu taageero iyo soo dhaweynba u muujiyey shirkaddan cucub waxaanu sheegay inuu ku taageero baahi badan oo ay ka dhaqan ahaan u qabeen inay helaan xafiis ku haboon wax ka qabashada adeegga dacwadaha kaladuwan ee bulshada ay ka dhexshaqaynayaan “anigu waan ku farxay markii aan arkay magacyada qareennada ku bahoobay shirkaddan adeegga sharciga sababtoo ah waxaa ka dhexmuuqda ragii sharciga lagu bartay anaguna ka dhaqan ahaan waanu soo dhaweyaynayaa waanan la shaqayaynaa waayo waxaabanu raadinaynay cid ku haboon oo cabashooyinka bulshada nagala shaqaysa xagga adeegga sharciga” ayuu yidhi Suldaan Xasan.

DSC06664Suldaanku waxa uu sheegay inay Somaliland manata uun ku tallaabsatay dariiqii hormarka marba haddii la furay xafiiska Shirkadda fulinta adeegyada kaladuwan  sharciga ee Bariga Africa “anigu waxaaban odhan karaa Somaliland maanta uun baabay ku dhaqaaqday dariiqii hormarka” ayuu yidhi,Wasiirka wasaaradda caddaaladda Axmed Xasan Cadarre oo halkaa ka hadlay waxa uu aad u ammaanay isla markaana soo dhaweeyey xafiiskan cusub ee arrimaha adeegga sharciga ee shirkaddanu kaga dhawaaqday maanta xafladdaasi wasiir Cadarre waxa uu sheegay ka wasaarad ahaan inay u baahnaayeen cidd sharciga aqoon u leh sida shirkaddan oo kale oo ay kala shaqeeyaan fulinta adeegga sharciga ee bulshadu u baahan tahay  waxaanu sheegay inay ka wasaarad ahaan la shaqayndoonaan shirkaddan cusub ee fulinaysa adeeggyada sharciga “anagu ka wasaarad ahaan waanu soo dhaweynaynaa shirkaddan cusub iyo adeeggyadeeda xagga sharciga ah ee ay fulinayso” ayuu yidhi Mr Cadarre.

DSC06682Dhanka kalana Wasiirku waxa uu sheegay inay Bulshada Somaliland sideedaba ka samaysan tahay sharcidiidd iyo madax adaygg oo aanay ogoleyn inay sharciga u hogaansamaan taasina ay daliil u tahay dadkan maxkadaha hortaagan ee lookala garqaadayo oo intooda badani ay yihiin  kuwo u doodayaan waxaanay lahayn “waxaan rabaa inaan idiin sheego dadkeenu sidoodaba inay yihiin dad aan sharciga ogoleyn waayo idinkuba ka qareeno ahaan waad aragteen oo maalin kastaba waxaa idiin yimaadda ee aad u kala hgarqaadaysaani waa laba dhinac oo midina xaqiisii uu lahaa u doodayo kan kalana uu yahay nin beenaale ah oo xaq aanu lahay ku doodaya” ayuu yidhi Mr Cadarre.

DSC06645Dhamaadkii xafladdaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Maxkamaddasare Aadan Xaaji Cali Axmed waxaanu si qoto-dheer oo cilmiyeysan uga hadlay shirkaddan cusub ee Bariga Africa iyo   adeeggyada sharciga waxaanu soo dhaweeyey guud ahaan furitaanka xafiiska shirkadaasi iyo adeeggyada kaladuwan ee xagga sharciga ah ee ay bixindoonaan “markahore waxaan soo dhaweynayaa shirkaddan oo ay ku bahoobeen ragg farabada oo aan garanayo oo arrimaha sharcigana aqoon fiican u leh waayo anigu muddo badan baan ku shaqeeyey qareenimo markaa sharciga waan garanayaa” ayuu yidhi Gudoomiye Aadan Xaaji Cali.

DSC06698Geesta kale waxa uu shirkaddan iyo qareennada aas aasayba ku boorriyey inay ka foojignaadaan dariiqii ay mareen shirkado hore oo sidan oo kale loo sameeyey balse guul-darraystay aakhirki markii ay ka baydheen dariiqii ku haboonaa shaqadooda waxaanu halkaa ka tiriyey dhawr shirkadood oo loo dhisay sidan oo kale inay fulinayaan adeeggyada sharciga kuwaasoo ay qaarkood lahaayeen Hablo sharciga bartay “waxaan rabaa inaan is dul taago dhawr qodob oo muhiimad wayn u leh guusha shirkaddiina waayo sidaad ogthiin waxaa horey loo furay dhawr shirkadood oo noocan oo kale ahaa balse aakhrikii guul-daraystay markii la fulin waayey adeeggyadii ay shirkadahaasi u baahnaayeen” ayuu yidhi.

DSC06720“shirkadaha noocan oo kale qaarkood baa caalamka laga aas aasay 200 oo sanadood ka hor waayo waa layska dhaxlaa markaa waa inaad  idinkuna sidaas oo kale maanka ku haysaan inay shirkaddiinu gaadho meel dheer iyo wakhti dheer” ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamaddasare ee Somalialnd Aadan Xaaji Cali Axmed.

DSC06770DSC06778DSC06787DSC06827Gudoomiyaha Maxkamaddasare ahna Gudoomiyaha guddiga cadaaladda Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed waxa uu tilmaamay waxyaabaha burburka u keeni karaya shirkaddani ee loo baahan yahay inay qareennada sameeyey ka foojignaadaan isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadaladiisii kamid ahaa “haduu qareenku sidiihore uun dadka gidaarrada ku waraysto oo aanu xafiiskii shirkaddaba soo marin dee markaa shirkaddii shaqaynmayso waana sidii ku dhacday ee ay ku burbureen shirkadihii hore ee noocan oo kale loo sameeyey markaa waxaan idinku boorrinayaa inaad ka dheeraataan waxyaabaha noocan oo kale ah ee shikaddiina burburinkara aakhirka”

Magacyada xubnaha sameeyey shirkaddan cusub.

Maxamed Siciid Xirsi

2. Fawsi Macallin Yoonis

3. Jaamac Cilmi Xaashi

4. Cabdiraxmaan Ibraahim Caallin

5. Xamse Maxamuud Xasan

6. Xuseen Maxamed Cabdilaahi (Xuseen Shabeel)

7. Aamina Cismaan Xasan

8. Cabdiraxmaan Aadan Cabdilaahi.