Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga UCID oo Wakhtiga uu qabsoomayo La Cayimay

0

Hargeysa-(Berberanews)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa markii u horreysay maanta si rasmiya u cayimay maalinta uu qabsoomay Shirweynaha saddexaad ee Xisbigaasi, ka dib shir iyo wada-tashi ay arrintaa ka yeesheen Hoggaanka Xisbigu.

War-Saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo uu galabta soo saaray ayaa lagu faahfaahiyey wakhtiga uu qabsoomayo Shirweynaha saddexaad ee UCID. Waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:-

“Anagoo tixraacayna xeerka xisbiga UCID Qodobkiisa 10aad farqadiisa 2aad taas oo tilmaamaysa in 5 sanaba mar la qabto shirwaynaha xisbiga .

Waxay maanta shir ay yeesheen hoggaanka xisbigu isku raaceen in la qabto shirweynihii 3-aad ee xisbiga  Cadaalada iyo Daryeelka UCID  taariikhdu markay tahay  07/Dec/2011.

Sidaa daraadeed iyada oo la tixraacayo qodobka 18aad ee xeerka xisbiga waxaa si dhakhso ah loo  magacaabi doona gudidii qaban-qaabada  shirweynaha  inta ka horeysa dhamaadka bisha November.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.