“Sideed madaxweyne ugu noqon kartaa Saylac illeen ciise ma tihide” Wiil ka been sheegay Jinsiyaddiisa oo Norwey sharciga kala noqotay

0

Mahad Abiib Maxamed oo ah muwaadin Somali ah ayeey wali ku socotaa dacwad la xidhiidha inuu ka been sheegay jinsayadiisa  oo aanu Soomaali aheyn yahayna  Jabuutiyaan sida ay sheegeyso Hay’adda Socdaalka Norway ee Utlendingsdirektoratet – UDI  (The Norwegian Directorate of Immigration)

Wargeys dalkaas ka soo baxo  oo lagu magacabo (Dagbldet) ayaa maanta qoray in Abiib  dacwad ay ku socota oo ku saabsan sharciga (passporkisa ) oo  lagala laabtay sababtu waa in uu ka yimid Jabouti oo aanu Soomaaliya ka imaan.

Hay’adda Socdaalka Norway ee Utlendingsdirektoratet – UDI  (The Norwegian Directorate of Immigration) aya ku eedeyneysa Abiib inuu isku dhiibay inu yahay Midgaan. Wuxuuna Wargeysku sheegay  isagoo xiganayey Hay’adda Socdaalka Norway ee Utlendingsdirektoratet – UDI  (The Norwegian Directorate of Immigration) inu  rabay inuu  madaxweyne ka noqdo maamul goboleed  loo sameynayay Saylac.

Baarayaasha  dowladda Norway aya ku heysta Abiib in aanu isagoo  midgaan ah madaxweyne Seylac ka noqon karin

“Sideed madaxweyne ugu noqon kartaa Saylac illeen ciise ma tihide beenta maxaad u sheegaysaa oo qabiil aadan aheyn u sheeganee” ayay maxkamada ka hor sheegeen saraakisha Hay’adda Socdaalka Norway ee Utlendingsdirektoratet – UDI  (The Norwegian Directorate of Immigration)

Dawadda Norway ayaa sameysay  baadhitaano badan oo nooc walba leh iyadoo lagu sameyay xitaa guurkiisa ah ku saabsan oo ah in midgaan aanu guursan karin qabiilada kale sida warbixinta Wargeyska daabacay lagu sheegay.

Abiib Mobile-kiisa waxa laga helay telefonada Wasiirka gaashaandhiga Jabuuti iyo ka caafimaadka, Facebook dadka uu kula sheekeysto waa Jabuuti luuqadda faransiiska ku hadla oo xitaa maxkamadda waxaa la keenay isagoo wiil jabuti jooga ku leh faransiis dambe ha igula hadlin.

Si kastaba jaaliyada  Soomaalida Norway ayaa is bar bar taagay Abiib oo u muujiyey taageero.

Xigasho Radio Dalsan