Sir Alex Ferguson: Mar Kasta Xal Ayaa Loo Hayaa Ciyaaryahan Kasta Oo Fiican sida Messi.

0

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa aaminsan in kooxdiisa ay aamusin doonta laacibka Barcelona Lionel Messi ciyaarta finalka ee Champions League.Labada kooxood ayaa habeenka sabtida ku kulmi doona Wembley, labo sanno ka dib markii Manchester United laga qaaday koobka Champions League ee ka dhacay Rome.Lakiin tababaraha reer Scotland ayaa aamisan in kooxdiisa ay xal u raadin doonto sidii ay ku celin lahaayeen ciyaaryahankaas reer Argentina ee Messi, kaasoo dhaliyay mid ka mid ah labadii gool ee Champions League looga qaaday 2009-kii.Ciyaartaas ka hor Manchester United waxa ay labo kulan la ciyartay Barcelona 2008-dii, markaasoo ay semi-final ku reebtay kooxda Barcelona, islamarkaana finalka ay rigoodhayaal ku garaaceen kooxda Chelsea.“Barcelona waxaan la ciyaarnay saddex jeer, waxaana mar kasta xal ayaa loo haya ciyaaryahan kasta oo fiican” ayuu yidhi Sir Alex shirkiisii jaraa’id ee shalay.“Waxaan rajeyneynaa inaan xal u helno Messi sabtida. Xitaa waa inaad ogataa inay heystaan ciyaaryahano kale oo fiican, inaga xitaa waxaan heysanaa ciyaaryahano kale oo fiican. Waa sababta kulanka sabtida uu u yahay mid xiiso badan. Waan hubaa in Barcelona ay halis inoo arkaan” ayuu hadalkiisa raaciyay.Barcelona ayaa kulankan loogu arkaa kuwa ugu cadcad Champions League lakiinse Sir Alex Ferguson ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo ciyaartoydiisa.“Anaga waxaas go’aan kuma gaadhno, waxaan ku tiirsanahay sida ay u ciyaaraan ciyaartoydeena.Diyaar ayaan nahay si fiican ayaana u diyaargarownay” ayuu ku koobay hadalkiisa Sir Alex Ferguson.

Mustafe M “kastam”

shaafici_3@hotmail.com