Sir Alex Ferguson Oo Rajo Ka Qabo In Scholes Uu Hal Xilli Ciyaareed Kale La Sii Joogo Manchester

0

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa rajo ka qaba in Paul Scholes uu heshiis cusub u saxeexo kooxda isla markaana la sii joogo xilli ciyareedka dambe. Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa qandaraaskiisa waxa uu ku eeg yahay dhamaadka bisha soo socota, walina heshiis cusub umuu saxeexin Old Trafford isagoo doonaya inuu ka fadhiisto ciyaaraha dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib.Lakiin SAF ayaa u sheegay suxufiyiinta kulanka Blackpool ka hor “Ma u maleynayo inay noqon doonto kulankiisii ugu danbeeyay. Waan ka wada hadalnay, waxaana ku dhiiri geliyey inuu hal sanno oo kale la sii joogo kooxda. Waananu ka sii wada hadli doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka”  Tababaraha Red Devils ayaa sidoo kale beeniyay warar sheegaya in goolhaye Edwin van der Sar la nasin doono kulanka ugu danbeeya Preimer League ee Blackpool, lakiinse waxa uu xaqiijiyay inuu isbedel ku sameyn doono kooxdiisa. Kulankaas ayaa noqon doonta kulankii ugu danbeeyey ee Van der Sar ee horyaalka Ingariiska, waxaana ciyaaryahanka reer Holland uu qeyb ka noqon doonaa ciyaaryahano waayo arag ah oo Axadda ciyaari doona. “Sida iska cad dadku waxay iga filanayaa inaan ciyaartoy nasiyo sidaas ayayna noqon doontaa. Waa inaan ka fekeraa finalka todobaadka danbe” ayuu yiri SAF. “Waa inaan isku dheeli tiraa ciyaartoyda isla markaana aan helaa ciyaartoy diyaar ah kulanka Barcelona” “Waxaa jira ciyaartoy doonaya inay ciyaaraan kulanka Blackpool. Darren Fletcher, Paul Scholes iyo Anderson waa ay ciyaari doonaan. Sidoo kale, Dimitar,Berbatov, Patrice Evra iyo Van der Sar iyagana way ciyaarayaan.” ayuu hadalkiisa ku koobay.

Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com