Somaland oo sii daysay fanaaniin xidhnaa

0

Hargeysa (Berberanews) – Ciidammada booliska Somaliland, ayaa siidaayey laba hablood oo fanaaniin ah, oo muddo laba bilood ka badan ku xidhnaa magaalada Hargeysa.

Labada Hablood ee fannaaniinta ah oo kala ah Xamda Qaali iyo Barwaaqo-qalanjo ayaa ciidammada Booliska ee Somaliland xabsiga u taxaabeen, ka dib markii ay ka soo laabteen magaalada Muqdisho oo ay ku tageen safar Faneed.

Labada Fannaan oo maanta markii la soo daayey la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay u Mahad-celinayaan madaxweynaha Somaliland, ciidammada Booliska oo si wanaagsan ula dhaqmay iyo cid kasta oo arrinkooda ka shaqaysay.

Labada Fannaan ayaa siidayntoodu timid maalin ka dib, markii la shaaciyey heshiis ay Somaliland iyo Soomaaliya ku wada gaadheen dalka Jabuuti, kaasi oo qodobbadiisa ay ka mid yihiin in la ogolaaadi isku socodka shacabka, fanaaniinta ciyaaraha, ganacsiga iyo dhaqanka.