Somalia oo masuulliyadda dadkii lagu laayay Duqaynta Yemen ku eedaysay Isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo

0

Muqdisho(Berberanews):- Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ka hadashay 42 Ruux oo Soomaali ah oo ku dhintay Duqayn loo geystay Doon ay ku marayeen Dalka Yemen oo ay muddo qaxooti ku ahaayeen, isla markaana ay ku dhaawacmeen illaa Siddeetan Ruux oo kale, waxaana masuuliyadda weerarka Dadkaas lagu laayey ay Soomaaliya ku eedaysay Isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen iyo dawladda dawladda la aqoonsan yahay ee Yemen inay kala xisaabtamayso Dadkaas la xasuuqay.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ee xilkaas siihaya Cabdisalaan Cumar Hadliye oo u warramay caawa Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SOLLA, waxaanu sheegay inay dawladda Soomaaliya Dadkaas dhintay iyo kuwa dhaawacmay ee Qaxootiga ahaa, isla markaana Doonta ugu safrayey dalka Suudaan si ay uga badbaadaan dagaallada Yemen ka socda lagu laayey.

Haddaba, Waraysigaas Wasiir Hadliye siiyey Wakaaladda Wararka Dawladda Soomaaliya oo ay Warbaahinta kale ee Soomaalidu ka soo xigatay iyo qaabka uu arrimahaas uga hadlay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-