SOMALIDU MA IN AY SHAN DAL OO BARIGA AFRICA AH YEELATAA WANAAGSAN MISE IN AY DAL KALIYA ISKU NOQOTO ?

0

(waxa aan u arkaa in la gaadhay xiligii soomaalidu hogaaminaysay Bariga Africa in la gaadhay , wadada ay ku imanaysaana maaha tan midnimada ah ee lagu daalay , suurtagalnimadeeduna ay fog tahay ! )… akhriso

Waxa aan qabaa in weydiintan ay doodi ka dhalanayso aan jecelahay in marka aan aragtida aan qabo shaqsiyan dhiibto cidii iga duwani naqdiyi karto oo waxa ay ku burinayso iyo sida ka duwan ee ka wanaagsan ee macquulka ah ee suuragali karta ay inala wadaagto .

Somalidu waa dad ku dhaqan Gobolka Bariga Africa halkaasi oo ilaa intii ay aduunka ku unkanaayeen ay deganaayeen , waligeed inta taariikhda la og yahay ma jirin dawladnimo isir soomaaliyeed ku dhisan oo ay wada yeesheen dadka soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Bariga Africa , walow ay jireen boqortooyooyin hore oo soomaali ka isirnaa oo ay taariikhdu xustay sida boqortooyadii Adal ee Zeilac ilaa Herer ka talin jirtay , sidaasi oo kale waxa jirtay xaga koonfurta boqortooyadii Ajuuraanka , sida ay taariikhdu xusto labaduba waxa ay dagaalo kuwada jireen Ethiopia iyo qawmiyadaheega oo ahaa iyaguna dawlad guun ah.

Xiliyada gumeystuhu yimid dhulka soomaaliyeed guud ahaan ma jirin maamul dawladnimo oo jiray , ha yeeshee dadka soomaaliyeed waxa ay u noolaayeen nidaam dhaqan oo qabail ku dhisan oo xeerarkiisa iyo waxii lagu kala baxayey iyo sida loo garramayo leh , walow ay somalidu isir ahaan ay yihiin dad xasaradeed oo aan iyaguna isku roonayn cid kalena aan u rooneyn oo dagaal u joog ahaa ilaa waligood xaga dhaqankii baadiyaha kaasi oo sababi jiray in la isku dillo xoolo la kala dhaco , ceelasha waraabka iwm oo dhiig badani ku daadan jiray.

Dabayaaqadii qarnigii 18naad ayuu yimid gumeystuhu dhulka soomaalida guud ahaan oo uu ka dhigay 5 qaybood ama 5 dal , oo midba gaar u haysto dal reer yurub ahi , tusaale ahaan Somaliland waxa ay mahmiyad uu danihiisa gacanka cadmeed ka ilaashado ka dhigtay gumeystihii ingiriiska, Djibouti waxa qabsaday gumeystihii faransiiska , Somalia waxa qabsaday gumeystihii Talyaaniga , Gobolka waqooyi Barri ee Kenya ama NFD waxa qabsaday ingiriis oo Kenya haystay , dhulka Somalida Ethiopia oo laba qaybood ah qayb ingiriiska ayaa ku maamulayey oo 1954kii ku wareejiyey Ethiopia waana qaybta Somaliland laga qaaday ee loo yaqaanay ( Hawd and Reserve Area ) halka qaybta kale uu talyaani mar haystay marna ay boqortooyadii Ethiopia ka talin jirtay maamul ahaan u hoos iman jirtay inkasta oo aanay Ethiopia awood muuqata ku lahayn.

Mararka qaar ayaa la yidhaahdaa fikirka midnimo soomaaliyeed waxa lahaa ingiriis , sababtuna waxa ay tahay waxa jirtay xili uu ingiriisku shanta soomaaliyeed marka laga reebo Djibouti uu gacanta ku dhigay oo uu rabey in Djibouti na lagu wareejiyo si uu dawlad ugu dhiso , waxa ay ahayd aragtidii Bervin wasiirka ingiriisku u bandhigay aduunka kale , inkasta oo laga diiday oo dawlado badani ka soo horjeesteen.

Haddana mar labaad ayey xiliyadii gobanimo doonka dhalatay qadiyada ah in soomaali weyn la raadiyo , sida ay qoreyso buugta taariikhdu dadkii u soo joogayna ay wariyaan waxyaabaha dabka usii shiday in la raadiyo shan soomaaliyeed waxa kow ka ahaa markii boqortooyadii ingiriisku dhulka Hawd and Reserve Area la yidhaahdo ee Somaliland ay ku wareejisay dawlada Ethiopia taasi oo sababtay cadho iyo kacdoon aan istaagin oo ah kii dhaliyey gobanimadii ay Somaliland heshay 26 June 1960 kii in aanay macno badan u sameyneyn ilaa ay aragto shantii soomaaliyeed oo xor ah oo calan qudha wada leh , waana sababta ay ku timid midnimadii Somaliland iyo Somalia ee 1 July 1960 kii oo soddon sano oo kaliya jirtay.

Xiligaasi gobanimada oo maanta laga joogo 60 sanadood ayaa wali la isweydiinayaa somalidu ma midnimo ayaa u wanaagsan mise in dawlado kala ahaato , iyada oo ay 29 sanadood kala maqan yihiin labadii kali ahaa ee isku biiray shantii soomaaliyeed oo ahaa Somaliland iyo Somalia , waxa su’aali ka taagan tahay haddaba wali soomaalidu midnimo ayuun bay kaga dhagsan tahay aan suurtagalnimadeedii lahayne ma ka fikirtay soomaalida oo shan dal oo Gobolka Bariga Africa ah yeelata ?

ARAGTIDAYDA FAAIIDADA AY LEEDAHAY IN AANAY SOOMAALIDU MIDNIMO XILIGANI ISKU HAWLIN ;

waxa aan qabaa aragti ah in soomaalida ay uga faaiido badan tahay in ay hal dal isku noqdaan in ay shan dawladood yeeshaan oo ay suuragalba tahay in la arko shantaba soomaali hogaaminaysa oo laga yaabo in isbadelada Gobolka iyo kuwa Geeska Africa ba in ay soo dedejiyaan aragtida aan aaminsanahay ee ah in soomaalidu ay yeelato shan dal oo ay hogaamiso oo Bariga Africa ku yaalla.

Waxa aan u cuskanayaa aragtida aan qabo in xiligani ay jiraan Somaliland iyo Somalia oo iyagu wali aan midnimo iyo kala bax midna ku heshiin xaga sharciga laakiin duruuf ahaan iyo xaqiiqo ahaanba kala ah laba dal oo kala gaar ah oo aan isku dhaweyn , aaney soo muuqana in ay isku soo dhawaadaan , Djibouti oo isna ah dal ay Somalidu hormood ka tahay oo ay hogaamiso walow ay qoomiyado kale ku nool yihiin , Ethiopia iyo Kenya oo ay suuragal tahay in 20 sanadood ee soo socda la arko labadoodaba iyaga oo soomaali hogaaminayso oo ay madax ka yihiin.

FAAIIDADA KU JIRTA IN DADKA SOOMAALIYEED KU FEKERAAN OO U HALGAMAAN IN AY SHAN DAL OO GOBOLKA BARIGA AFRICA AH HOGAAMIYAAN !

Waxa la isweydiin karaa waa maxay faaiidada ku jirtaa in dadka soomaaliyeed yeeshaan shan dal ?  Waa Su’aal wanaagsan inkasta oo aad looga fekero wada noolaansho iyo isdhexgal gobol iyo mid heer caalami ah , haddana sida loogu nool yahay ama xaqiiqadu tahay Gobolka Bariga Africa iyo Geeskaba waxa jira tartano siyaasadeed, nololeed , dhaqameed oo ku dhisan isir iyo qoomiyado oo ka jira Gobolka Bariga Africa , kama fursanayso in soomaalidu kaalinteeda ka ciyaarto.

Sidaasi oo jirta ayaa waxa aynu ka qiyaas qaadanaynaa midkee haddaba suuragal ah in shantii soomaaliyeed hal dal isku noqoto iyo in Somaliland na la aqoonsado labada dal ee Ethiopia iyo Kenya na lala halgamo soomaalida ku nooli sidii ay kaalintooda hogaamineed ee wadamada ay ka tirsan yihiin u qaadan lahaayeen, waxaana la gaadhayba xuligii ay soomaalidu ka talin lahayd Bariga Africa sida aan qabo aragti ahaan maadaama in badan kaalintoodaasi laga riixanayey .

Faaiidooyinka ay leedahay hadii Soomaalida oo shan dal oo Geeska Africa ah hogaamisaa la helo waxa ka mid ah , maadaama oo danaha dawladaha ay ku hoos jirto danaha dadka ku nool dalalku in dano qoomiyadeed iyo is riix-riix jirayaa waa lagama maarmaan markaa waxa la heli karaa ;

3 Dal oo soomaaliyeed oo wada galla ururka jaamacada Carabta

5 dal oo soomaaliyi hogaaminayso oo kawada mid noqda urur goboleedka bariga Africa ee IGAD.

5 dal oo ay soomaali hogaaminayso oo kawada mid noqda ururka midowga Africa ee AU .

5 dal oo ay soomaali hogaaminayso oo xubo ka noqda ururka caalamiga ah ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee UN , waxaa ay xataa markasta heli karaan in mid uga mid ahaato xubnaha joogtada ah .

GEBO-GEBO

Arimaha Somaliland iyo Somalia 29 sanadood waxa ay u xanibnaayeen sidii Soomaaliya dawlad looga dhisi lahaa , Somaliland na ay u garba – duubnayd oo caalamku la sugayey .

Sideedii sanadood ee u dambeeyey waxa la bilaabay wadahadalo lagu kala aragti fog yahay oo dhawaana la iskula qaatay dalka Djibouti in la joogteeyo , haseyeeshee u muuqda qaar aan midho dhali doonin marka aad eegto halka la kala taagan yahay iyo sida loo kala fog yahay.

Xalka waxa aan u arkaa bal in xaga kale laga eego oo marka midnimada loo qiil sameynayo waatan lagu sidkayo in danaha dadka soomaaliyeed ay ku jirto e  , doorkan la yidhaahdo waar bal danaha dadka soomaaliyeed ee bariga Africa waxa ay ku jirtaa soomaalida Gobolka oo shan dawladood hogaamisa , taasi oo lagu sii bilaabi karo in Jamhuuriyada Somaliland aqoonsi caalamiya la siiyo si sadex dal oo soomaaliyeed oo walaalo ah oo madax banaan loo hello , labada dal ee kale ee Gobolkana soomaalida ku nool loogu dhiirigaliyo sidii ay hogaanka wadamadooda u noqon lahaayeen.

Maxamed C Jamac Dhimbiil

+252634429221