Somaliland: 7 Nin oo Budhcadbadeed ahaan Jiray oo Xabsiga Laga Sii Daayey, Dalalkoodina Dib Loogu Celiyey

0

Hargeysa (Berberanews)- Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bishii March gudaheedii xabsiga ka sii daysay 7 nin oo budhcad badeed ahaan jiray, kuwaasoo lagu soo xukumay Jamhuuriyadda Seychelles, isla markaana Somaliland loo soo wareejiyey December 2012.

Maxaabiista oo muddadii lagu xukumay oo toban sanno ah ku dhammaysatay xabsiga Hargeysa, waxa Wasaaradda Caddaaladdu war-saxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegtay in dib loogu celiyey Muqdisho iyo Garoowe.

Raggan budhcad-badeeda ahaan jiray saddex ka mid ah waxay ka soo jeedaan Soomaaliya, halka afar kalena maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ay ka so jeedaan.

Haddaba, war-saxaafadeedka wasaaradda Caddaaladdu soo saartay oo uu ku saxeexna Wasiirka Caddaaladdu wuxuu u dhigan yahay sidan;