Somaliland: hal qof oo ka bogsaday Corona Virus

0

Masuuliyiinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa sheegay in hal uu ka bugsaday caabuqa Corona Virus, kaasoo in muddo ah uu hayey.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in ay tiro bukaan ah oo kale shaybaadhkooda hubinta bugsiga u direen shaybaadh dibada ah.

Dr. Xergeeye, ayaa sheegay in aanay kiisas cusub ku soo kordhin tiradii hore loo diwaan-geliyey.

“tirada Kisasku waa lixdii qof, hal qof wuu bugsaday, inta kalena waa dad caafimaad qaba oo aanu si joogto ah ula socono xaaladooda”ayuu yidhi Agaasime Xergeeye oo khamiista maanta bixinayey warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda.

“Waxa karantiil ku jira 15 Qof”ayuu yidhi.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in xarunta wicitaanka covid19 ee Telefoonka 988 ay soo waceen dad ka badan todoba iyo toban kun oo qof.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Somaliland ayaa kamida wadamada Geeska Afrika ee uu xanuunku inkasta oo uu ka dilaacay, haddana tirada kiisasku aadka u yar yihiin.