Somaliland iyo Imaaraadka: Nuxurka 15 Qodob oo Lagu Iftiimiyey Qaabka Loogu Heshiiyey Saldhiga Millatari

0

Hargeysa (MK)- Mudanayaasha labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada (baarlamaanka), ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey  nuxurka heshiis ay dawladda Imaaraadka Carabta loogu ogolaanayo inay saldhig millatari ka samaysato madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera.

Fadhi wadajir ah oo ay yeesheen labada gole baarlamaan, isla markaana uu shirguddoominayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan shalay, waxa horyimmi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka codsaday mudanayaasha labada gole inay ogolaadaan in dawladda Imaaraadku saldhig millatari ku yeelato madaarka Berbere, iyadoo ay arrintaasna cod gacan taag ah ku ansixiyeen 144 mudane oo ka mid ah guurtida iyo wakiillada.

“Waxaan idiin caddaynayaa in dawladda Imaaraadka Carabtu ay xukuumaddayda waydiisatay inay ka samaysato saldhig millateri magaalada Berbera. Noloshu waxay ku dhisan tahay wax is-dhaafsi iyo dano la wadaago. Sidaa darteed, saldhiggan millateri ee aynu siinayno dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxaan u arkaa in ay innoogu jirto faa’iidooyin iyo masaaliix badan.

Mashruucan waxay ujeeddadiisu tahay in aynu isku-danaysano, waxna is-weydaarsanno dalka Imaaraadka Carabta. Waxaynu bixinaynaa saldhig millateri, qaran ahaanna waxaynu dhaafsanaynaa wax weyn oo inoo dan ah.

Haddii aan is dul-taago qodob ka mid ah mashaariicda la inoo fulinayo waxa ka mid ah dhismaha jidka u dhexeeya Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor) oo dhan 250km. Wuxuu ku kacayaa $250 milyan oo doollar. Marka la eego daraasaddii iyo naqshaddii ay sameeyeen khubaradii dawladaha Midowga Yurub innagu caawiyeen, waxay caddaynaysaa in halkii KM uu ku kacayo hal milyan oo dollar. Mudanayaal, waxaynu baadi-doon ugu jirnay 16 sanno sidii aynu u heli lahayn kharashka ay ku kacayso waddadaa hal-bawlaha u ah nolosheenna. Nasiib-darro abaal iyo amaah toonna ku waynay. Mudanayaal, waxaynu maanta u baahannahay in aynu kasbanno saaxiibbo badan oo aynu iska kaashanno siyaasadda, dhaqaalaha, nabadgelyada, horumarka iyo maalgashiga dalkeenna dihin ee danbarku dushiisa jiifo.  Dhinaca kale, waxaynu u baahannahay in aynu ilaashanno saaxiibadii iyo bah-wadaagtii hore ee aynu lahayn,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxaan ahay hoggaamiyaha ugu da’da weyn, isla markaana ugu waayo-aragnimada ballaadhan madaxda mandaqaddan aynu maanta ku noolnahay. Sidaa darteed, xil iyo waajib weyn oo qdaytinnimo ayaa iga saaran in aan u miidaan-dayo arrimaha saamaynta ku leh guud ahaan gobolka. Haddaba, ma aaminsani in mashruucani dhibaato iyo dhiilo ku soo kordhinayo guud ahaan mandaqaddan, gaar ahaanna geyiga Somaliland. Waxaan leeyahay ragga belada dalkan iyo dadkan u saadinaya waar belo kaa maqan looma yeedho.”

“Waxa hortiina yaal nuxurka heshiiska lagu aasaasayo saldhigga millateri oo ka kooban 15 qodob, kaas oo la saxeexi doono marka aad ansixisaan.”

Nuxurka heshiiska ay ansixiyeen mudanayaasha labada gole ee Guurtida iyo Wakiilladu, waxa uu isagoo faahfaahsan u qornaa sidan;

Nuxurka heshiiska dawladda Imaaraadka Carabta iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee aasaaska Saldhigga Millateri

  1. Heshiiska cidda wada galaysa:
  2. B) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland (Kireeye)
  3. T) Dawladda Imaaraadka Carabta (Kirayste)
  4. Mashruuca Heshiiska

Saldhig millateri oo laga yagleelayo Madaarka Berbera

  1. Ujeeddada heshiiska
  2. B) in la xoojiyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee qotada dheer ee u dhexeeya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. T) in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha la xidhiidha nabadgelyada, horumarka, dhaqaalaha, maalgashiga, ganacsiga iyo is-dhex-galka.
  4. Oggolaansho Saldhig Millateri:

Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku heshiiyeen:

  1. B) in saldhig millateri laga siiyo dalka Imaaraadka Carabta magaalada Berbera.
  2. T) in loo oggolaado in saldhigga ay u isticmaalaan Madaarka Berbera.
  3. J) in loo oggolaado in ay ka samaystaan jihada woqooyiga Madaarka, gaar ahaan dhinaca badda deked dhismaheedu kooban yahay, taas oo u gaar ah ciidammadooda.
  4. X) In loo oggolaado in ay dib-u-dhis iyo casriyeyn ku sameeyaan dhabbaha diyaaradaha iyo guud ahaanba garoonka magaalada Berbera.
  5. Muddada Heshiiska:
  6. B) Muddada heshiiska saldhiggu waa 25 sanno oo ka bilaabmaysa marka ay si rasmi ah u kala saxeexdaan labada dhinac.
  7. T) Muddada heshiiska kadib, dhammaan wixii dhismayaal iyo kaabayaal dhaqaale laga hirgaliyey Madaarka iyo Dekedda waxay noqonaysaa hanti qaran.
  8. Kirada iyo Faa’iidooyinka Saldhigga:
  9. B) Saldhigga millateri xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku bixinaysaa hab kiro ah.
  10. T) Kirada ka waajibta saldhigga muddadan oo waafaqsan nidaamka heshiisyada dabeecaddan oo kale leh, wuxuu dalka Imaaraadku ku siinayaa Jamhuuriyadda Somaliland mashaariic horumarineed.
  11. J) Mashaariicda waxa la soo marinayaa, fulinteedana ka mas’uul ah hay’adda (Abu-dhebi Fund), oo u qaabilsan UAE fulinta mashaariicda horumarineed.
  12. Isticmaalka Saldhigga Millateri:
  13. B) Saldhiggan waxa isticmaali kara oo keliya ciidammada dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
  14. T) Waxa reebban in saldhiggan ay adeegsadaan cid kale oo ka baxsan kiraystaha ku cad faqradda sare.
  15. J) Kiraystaha iyo laga kiraystaha labaduba midna cid kale kama kirayn karo goobta saldhigga millateri loo jaangooyey muddada heshiiskani dhaqan-galka yahay.
  16. X) Labada dhinac waxa ka reebban in goobta saldhigga millateri ay u isticmaalaan ujeeddo ka baxsan ama khilaafsan nuxurka heshiiskani qeexayo.
  17. Mashaariicda Horumarineed:

Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxay hirgelinaysaa mashaariicda hoos ku xusan:-

  1. B) Dhismaha Waddada Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor).
  2. T) Dhismaha madaar cusub oo laga hirgeliyo magaalada Berbera (Civilian and Cargo Airport).
  3. J) Fulinta iyo hirgelinta mashaariic kor loogu qaadayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida (waxbarashada, caafimaadka, tamarta, biyaha) iyo kaabayaasha sida (dhismaha waddooyinka, madaarrada, dekedaha, iwm). Mudnaan gaar ah waxa la siinayaa sidii magaalada Berbera loogu heli lahaa koranto jaban oo laga haqab beelo.
  4. Abuurista Fursado shaqo:
  5. B) Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay mudnaan iyo tixgelin gaar ah siinaysaa muwaaddiniinta da’yarta xirfadlayaasha ah ee u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland fursado ay kaga shaqeeyaan dalkooda, muddada heshiiskani dhaqan-galka yahay.
  6. T) Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay ku dhiirri-gelinaysaa shirkadaha waaweyn ee laga leeyahay dalkooda in ay Somaliland ka sameeyaan mashaariic maalgashi oo abuuri kara fursado shaqo oo gudaha ah.
  7. J) Kiraystuhu wixii uu shaqaale muwaaddiniin ah uga baahdo Saldhigga Millateri wuxuu u marayaa nidaam ku dhisan hufnaan oo ay ka heshiiyeen xuquuqda ka ratibmaysa.
  8. X) Labada dhinac waxay fududaynayaan is-dhexgalka iyo isu-socodka muwaaddiniinta labada dal.
  9. Iskaashiga iyo Adkaynta Amniga:

Labada dhinac waxay wada-shaqayn iyo iskaashi buuxa ka yeelanayaan arrimahan soo socda:

  1. B) Ilaalinta amniga marin-biyoodka Somaliland ee Badda Cas.
  2. T) la-dagaallanka budhcad-badeedda iyo wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida iyo nabadgelyada mandaqadda.
  3. J) Ka-hortagga iyo la-dagaallanka xaalufinta, wasakhaynta iyo sumaynta biyaha badweynta Jamhuuriyadda Somaliland.
  4. X) in la iska-kaashado dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, sida (abaaraha, duufaannada, dhul-gariirka, iwm).
  5. Xuquuqda iyo Waajibaadka Saaran Kiraystaha:
  6. B) Waxa waajib ku ah kiraystaha saldhigga in uu dhawro xuquuqda iyo xorriyadda aasaasiga ah ee muwaaddiniinta Somaliland.
  7. T) Waxa reebban ku xadgudubka daaqa, duur-joogta iyo degaanka ku hareeraysan goobta saldhigga laga yagleelayo.
  8. J) Kiraystaha saldhiggu wuxuu si cad u dammaanad qaadayaa in aannu waxyeello u geysan amniga iyo degenaanshaha guud ahaan mandaqadda, gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.
  9. X) Kiraystaha waxa lagu wareejin doonaa dhammaanba dhismayaasha ka jira Madaarka Berbera gudihiisa, wuxuuna si buuxda uga masuul yahay daryeelkooda iyo dayactirkooda ilaa waqtiga dib loogala wareegayo.
  10. KH) Kiraystuhu isaga ayaa ka masuul ah amniga iyo nabadgelyada saldhigga millateri dhexdiisa
  11. D) Kiraystaha saldhiggu wuxuu xurmaynayaa dhammaanba heshiisyada iyo xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalalka ay saaxiibka iyo bah-wadaagta dhow yihiin.
  12. Xuquuqda Kiraystaha:
  13. B) Kiraystuhu wuxuu u madaxbannaan yahay adeegsiga iyo isticmaalka saldhiggan millateri, si waafaqsan heshiiska labada dhinac.
  14. T) Kiraystuhu wuxuu si buuxda u maamulayaa dhulka uu ku fadhiyo saldhigga millateri, muddada uu dhaqan-galka yahay heshiiska u dhexeeya labada dhinac.
  15. J) Xarunta saldhiggan millateri waxay leedahay xurmo iyo xasaanad diblomaasiyadeed oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xuquuqda ay siiyaan heshiisyada leh dabeecaddan oo kale.
  16. X) Kiraystuhu wuxuu xaq u leeyahay in aan wax macaash iyo cashuur ah toona la saarin wixii uu qalab ciidan iyo dhisme uu la soo dego.

Kh) Qalabka iyo agabka kiraystaha loo siiyey cashuur-dhaafka uma saari karo dibedda ee wuxuu ku isticmaali karaa saldhigga gudihiisa oo keliya.

  1. D) Kiraystuhu hantidiisa ayuu ku maalgashanayaa wixii uu ku kordhiyo dhismaha jira iyo adeegyada aasaasiga ah, sida (nalka, biyaha, internet-ka iyo isgaadhsiinta), kireeyuhuna waa in uu u fududeeyaa.
  2. Maqaadiir (Force Majeure Event):

Kadib marka heshiiskan la saxeexo, haddii ay timaad maqaadiir Eebbe ama masiibooyin aan laga hortegi karin ama la joojin karin, sida; duufaanno ama dhul-gariir, waxna aanay ka qaban karin labada dhinac khasaaraha ka yimaad, haddii dhinac xilkii la gudboonaa fulin kari waayo, cidna mag-dhaw looma raaci karo.

  1. Xallinta Khilaafaadka (Dispute Resolution):
  2. B) Haddii khilaaf ama is-afgaran-waa ku saabsan heshiiskan uu ka dhex dhasho labada dhinac (kiraystaha iyo laga kireeyaha), ama la jebiyo qodobbo ka mid ah heshiiskan, waa in labada dhinacba isku dayaan in ay ku xalliyaan wixii is-qabad ama is afgaranwaa ah, si wanaag iyo saaxiibtinnimo leh, kuna soo afjaraan muddo soddon casho (30) gudahood ah.
  3. T) Haddii labada dhinac ay xallin kari waayaan khilaafka ama is afgaranwaaga yimi muddo soddon casho (30) gudahood, waxa lagu xallinayaa dhexdhexaadin (arbitration), iyadoo la adeegsanayo Xeerarka Caalamiga ah ee London Court of International Arbitration (LCIA), dhagaysiga dacwadduna ka dhici doono magaalada London.
  4. Joojinta Heshiiska iyo waxa ka dhalan kara (Termination and Consequences):
  5. B) Labada dhinac ee heshiiskani ka dhexeeyaa waxa ay xaq u leeyihiin inay ka baxaan heshiiskan, haddii dhinac gudan waayo waajibkiisa, sida heshiisku dhigayo.
  6. T) Labada dhinac waxa ay xaq u leeyihiin inay adeegsadaan Xeerarka Caalamiga ah ee London Court of International Arbitration (LCIA), si ay u helaan wixii magdhow ah ee ay ku dacwoodaan.