Somaliland: Masuulkii u horreeyay ee u geeriyooday Corona Virus

0

Ankara-(Berberanews)-alla hA u naxariistee waxaa geeriyooday Badhasaabkii Gobolka Togdheer Xamse Maxamed oo sida la xaqiijiyay uu haleelay Fayraska Corona.

Xukuumadda Somaliland ayaa marxuumka ku qaaday diyaarad gaar ah, wuxuuna ku dhex geeriyooday Allah ha u naxariisto eh gudaha diyaaradda lagu waday ka hor intii aanay gaadhin dalka Turkiga.

Maydka Marxuum Xamse  ayaa xalay  laga soo dajiyay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Badhasaab Xamse ayaa la sheegay inuu ku dhacay fayruska Coronavirus, iyadoo ka horna aanay kelyahiisu si fiican u shaqaynayn.

Waa masuulkii ugu horeeyay ee xil ka hayay Somaliland ee u geeriyooday xanuunka Coronavirus, ilaahay subxanahu watacalaye  jannatul fardawsa ha geeyo, samir iyo iimaana hA ka siiyo ehladiida.