Somaliland oo dalka ku soo celisay dhallinyaro tahriibaysay

0

Hargeysa-(Berberanews)-Tobanaan Dhalinyaro u dhashay Somaliland oo tahriib laga soo celiyey, ayaa ka soo degay maanta madaarka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa,kuwaasoo ay soo celisay Safaarada Itoobiya oo kaashanaysa Waalidiinta dhalay ubadkaasi.

Ku-xigeenka Safaarada Somaliland ku leedahay Itoobiya Barkhad Maxamuud Kaariye oo la socday dhalinyaradaasi oo ay ka soo dhoofiyeen Magaalada Addis ababa, ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhalinyarada dawladda Somaliland dedaal badan ku bixisay sidii ay dalkooda ugu soo celin lahayd, iyagoo kaashanaysa waalidiinta iyo ehelada Dhalinyaradaasi oo gacan ka siiyey dabagalka dhalinyaradaasi.

Ambasadoor Kaariye, ayaa intaasi raaciyey in ay safaarad ahaan iyagoo dawladda ka wakiil ah dedaal ugu jiraan sidii ay u soo samato-bixin lahaayeen muwaadiniin badan oo ku dhibaataysan Dalalka waqooyiga Afrika iyo meelo kale, waxaanu xusay in ay ku talo jiraan sidii ay dadkaasi uga soo furdaamin lahaayeen “cid kasta oo haysata hadday Jeel tahay iyo haddii ay magafe tahayba waxaanu rajjeynaynaa in aanu dedaal u gelno sidii aanu muwaadiniintaasi u soo celin lahayn”ayuu yidhi Ambasador Barkhad.

Mid kamida Dhalinyarada la soo celiyey oo isna hadlay ayaa sheegay in ay dhibaato badan kala kulmeen tahriibtii ay galeen, kuna faraxsan yihiin dalkooda lagu soo celiyo iyagoo u mahad celiyey Safaarada Dalkeeda ee Itoobiya.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Tobanaan u badan dhalinyaro, ayaa sanad kasta socdaal tahriiba ugu kicitima wadada khatarta badan ee Sudan iyo Liibiya, halkaasoo ay kala kulmaan dhibaatooyin naftooda iyo dhaqaalaha qoysaskoodaba dhaawac weyn loogu geysto.