Somaliland oo digniinka soo saartay Xanuunka dillaaga ah ee Shiinaha ka dilaacay

0

Hargeysa-(Berberanews)-Masuuliyiinta Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa digniin la xidhiidha cudurka Hargabka Shiinaha oo caalamka oo dhan laga qaylinayo, si xawli ahna ku fidaya.

Cudurkan oo bishan horaanteedii si weyn u soo shaac baxay, kuna faafay wadamo badan oo kamida qaaradda Asia iyo Ameerika, ayey xukuumadda Somaliland ku tilmaantay mid u soo gudbi kara dalkeeda, maadaama uu xidhiidh ganacsi ka dhexeeyo, waxaanay sidoo kale sheegeen in madaarada iyo meelaha kale ee dalka laga soo galo ay Wasaaraddu dhigtay kooxo caafimaad oo hubiya dadka soo gelaya dalka.

Sidaasina waxa sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr. Mahdi Cismaan Cabdilaahi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Halkan ka Daawo Muuqaal: