Somaliland oo hadashay qaabkii ay ciidanka qaranku rasasta ugu adeegsaday ayaxa

0

Hargeysa, (Berberanews)-Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay qaabka xukuumaddiisu uga hortagay Ayax fara-baas ku haya dallagyadda qaybo ka mid ah dalka.Islamarkaanna wuxuu sheegay in aanay iyagu dadka u fasixin in xabbad lagu riddo Ayaxa.

Wasiirku wuxuu sidda ku sheegay waraysi uu siiyey BBC-da Maanta, waxaannu yidhi isagoo arrimahan ka hadlayaa “Way jirtaa arrintaas, inkastoo caadi aysan ahayn in xabadda la adeegsado, waayo badanaa waxaa la adeegsadaa qiiq, laakiin dadka kolba tabtey ku kaxeyn karaan bay isaga kaxeynayaan bahalkan. Koronkortii uu ka tagay ayaxii sanadki hore ayaa waddankoo dhan heysata, waana la tacaaleynaa. Bari maahee saa dambe waxaan direynaa baabuur aannu saarnay qalabkii lagu buufinayay iyo sidoo kale qalab ay dadku qaadi karayaan, oo aan dooneyno inay ka howl galaan gobollada oo dhan”, ayuu yidhi Axmed Muumin Seed

Sidoo kale, uxuu wasiirku sheegay in magaalada Addis Ababa ay u direen wefti uga qeyb galaya shir looga hadlayo sidii laga yeeli lahaa dhibaatada uu ayaxa ku hayo guud ahaan gobolka.”Howshan waa mid dalka oo dhan heysata, dalka aan jaarka nahay ee Ethiopia xitaa xidhiidh badan baan ka yeelanay, koox baa nooga qeyb galeysa shirka Isniinka looga hadlayo arrintaas, marka waa xaalad dhib badan nagu heysa hadda”, ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Dhinaca kale, Axmed Muumin wuxuu intaas ku daray in iyagu aysan dadka u fasixin in rasaas lagu rido ayaxa, laakiin shacabku ay tallaabadaas iska go’aansadeen, ujeeddada ay ka leeyihiin kaliyana ay tahay inay ku fogeeyaan Ayaxa.

Ayax aad u fara-badan ayaa duullaan ku soo qaaday qaar ka mid ah dalalka ku yaalla Geeska Afrika, wuxuunna ku habsaday dalagyo beero ah iyo dhul daaq u ahaa Xoolo.