Somaliland oo ka hadashay Diyaarado Dagaal oo duqaymo ka geystay Oodweyne iyo Saylac-Daawo

0

Hargeysa(Berberanews):-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay Diyaarado Dagaal oo Duqaymo ka geystay Toddobaadkii dhammaaday deegaanno ka tirsan Oodweyne iyo Saylac.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Ciir (Faratoon), waxa uu sheegay inaanay illaa hadda jirin cid wax ku noqotay Duqaymaha Diyaaradahaasi geysteen, hase-yeeshee, ay weli baadhitaanno dheeraad ah wadaan sababta ay u fuliyeen Duqaymahaas, waxaanu sheegay inay Diyaaradahaas dagaal si khaldan ugu soo xad-gudbeen Xuduudka Somaliland.

Hadalka Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin-Faratoon kaga jawaabay Su’aalo Sabtidii Maanta Duqaymahaa Diyaaradaha laga weydiiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho habboon:-