Somaliland oo ka warbixisay khasaaraha Roobab ka bilaabmay Xalay Digniin cusubna dirtay

0

Hargeysa(Berberanews):- Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo Warbaahinta dawladda la hadlay, ayaa sheegay in Roobab Dabaylo watay oo xalay saqdii dhexe ka bilaabmay inta badan dhulka xeebaha ah ee Somaliland, aanay sababin wax khasaare nafeed ah, kuwaas oo laga sii digay Khamiistii inay Jimcaha bilaabmayaan Roobab Duufaanno wata, isla markaana la saadaaliyey inay socon doonaan illaa 22-ka bishan may ee aynu ku jirno.

Wasiirka Beeruhu waxa uu sheegay inay Roobabkii xalay ka bilaabmay Xeebaha gobolka Sanaag illaa Xeebaha gobolka Selel uu illaa galabta da’ayo. Waxa uu sheegay inay waxyeello gaadhsiiyeen Laashash iyo Qalab kalluumaysi iyo Xoolo deegaannada qaarkood. Waxa uu wasiirka Beeraha Somalialnd axmed muumin seed ka digay Roob Mahiigaan ah oo Dabayl wata oo uu sheegay siday saadaasha Wasaaraddiisu ku hayso inuu caawa abbaaro 12-ka habeennimo ka bilaabmi doono xeebaha gobolka Saaxil, gaar ahaan Berbera iyo nawaaxigeeda, waxaanu ugu baaqay Kalluumaysatada iyo XOolo-dhaqatada inay ka durkaan Badda.

Badhasaabka gobolka Badhan, ayaa Warbaahinta u sheegay in Degmada Laasqoray uu saamaayn ku yeeshay Roobka dabaysha wata ee xalay ka bilaabmay, kaas oo sababay inay Baddu Xoog u kacdo isla markaana qaaddo 12 laash oo kuwa kalluumaysiga ah iyo qalab kalluumaysi, sidoo kale uu ROobka Dabaysha wataa Dumiyey Guryo Aqal-soomaaliyo u badan, Daadadkuna qaadeen Xoolo, halka Xoolo badanna uu Roobka saacadaha badan da’ayaa dardhiyey. Waxaanu Dawladda iyo Hay’adaha caalamiga ah ugu baaqay in Gurmad lala gaadho Dadkaas, isaga oo xusay inay kala xidhmeen isu-socodka degmooyinka Laasqoray iyo Maydh, ka dib markii Jidka isku xidha uu Daadku gooyey.

Hay’adda Ka Diyaar-garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland, Hay’adda Cuntada Beeraha u qaabbilsan Qaramada midoobay ee VAO iyo Maamulka Puntland, ayaa digniino ka soo saaray Roobabka Duufaanta wata Khamiistii, waxaanay Warbixinohooda ku sheegeen in Waqooyiga Badweynta HINDIYA iyo Koonfurta Gacanka Cadmeed ay ka bilaabmi doonaan Roobab Duufaanno wata, iyaga oo BUlshada Xeebaha Somaliand iyo Puntland deggan uga digay, uguna baaqay inay ka fogaadaan dhulka Xeebaha ah Shanta maalmood ee Jimcaha ka bilaabmaya.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal