Somaliland oo si rasmiya Xafiis uga furatay Taiwan

0

Taipei (Berberanews) Safiirka Somaliland u fadhiya  dalka Taiwan Amb. Mohamed Omar Hagi Mohamoud ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland si rasmi xafiis uga furatay magaalada Taipei ee waddanka Taiwan.

Safiirka Somaliland u fadhiya  dalka Taiwan Amb. Mohamed Omar Hagi Mohamoud oo ka hadlay furitaanka xafiiska Somaliland ee dalka Taiwan ayaa yidhi “Maanta ayaan si rasmi ah u furay xafiis wakiilleedka Jamhuuriyadda Somaliland ee Taiwan.

Furista xafiiska waxa i ga la qayb qaatay wasiirka arrimaha Dibadda Taiwan Dr Joseph Wu, shacab weynaha Somaliland waxaan ku wargelinayaa in xafiis rasmi ah oo leh dhawrsanaan oo dhan uu u ga furan yahay dalka Taiwan, wada shaqayn wacan, ALLA Mahad leh”

Halkan ka Daawo