Somaliland & Sal-dhigyada Ciidan…Dakada Barbara waxa hal mar ku xidhan kara 5 Markab oo dhinaca u soo galaaya iyo 1 Markab oo dabo dabo ” Dib Dib”. Qaybta 3aad

0

Dakada Barbara:- Dakada Barbara waxay ku taal Koonfurta Gacanka Cadmeed, waxana ay dhacdaa, dhigaha iyo loolka 10.25’7′ Degree North iyo 45.0’29’ Degree East, waxana ay Jabuuti ka xigtaa East 250km, waxana ay ka mid tahay Dakadaha ugu da’da wayn ee ku yaal Geeska Afrika, waxana dhismihii ugu horeeyay ku sameeyay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, se boqolaal sa

Dakada Barbara:- Dakada Barbara waxay ku taal Koonfurta Gacanka Cadmeed, waxana ay dhacdaa, dhigaha iyo loolka 10.25’7’ Degree North iyo 45.0’29’ Degree East, waxana ay Jabuuti ka xigtaa East 250km, waxana ay ka mid tahay Dakadaha ugu da’da wayn ee ku yaal Geeska Afrika, waxana dhismihii ugu horeeyay ku sameeyay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, se boqolaal sano ka hor ayay jirtay Dakada Barbari.
1968 ayuu Midawga Soofiyeeti (USSR) ay dhistay 300M.
1984 ayaa Dawlada Maraykankuna ku dartay 350M, waxana sidaas dhererka Dakadu ku yahay 650M, waxana ay hoos u-qodan tahay 11- 13M.
Lacagta Dawlada Maraykanku galisay balaadhintana ugu samaysay Dakada Barbara waa:- $ 20 Milyan.
Wixii ka dambeeyay 1991, Dakada Barbara waxa maamusha Hayadan Berbera Port Authority, waxana hayadan la unkay 1991, waana hayad Dawlada Somaliland leedahay, waxana ay Qaranka u-qaabil-san tahay maamulka Dakadaha.
Waxay Dakadu leedahay 10 wiish oo wareega oo qaadi-kara 70tn iyo laba kale oo qaadi kara 32tn, waxa kale oo ay leedahay laba bakhaar oo kufadhiya 5,760 sqm, oo qaadi kara 120,000tn, iyo bar-xad furan oo qaadi karta 64,000tn, waxana u wehelisa bar-xad kale oo lagu raseeyo koontiinarada.
Adeegyada Dakada Barbari Qabato:-
1- Navigation aids.
2- Communication stand by 24 hours’ radio operator on channel 16 and AIS.
3- Sufficient number of pilot are available around clock.
4- Police and Port Security on internal and Perimeter, and gangway watch posted around the clock.
5- Trained Firefighting Crew equipped with portable pumps, water pumping Station with pipeline network is available to prevent fire. reach Stacker, tractor heads and trailers are available.
6- Mobile cranes, Forklift, reach stacker, tractor heads and trailers are available.
7- Fresh water Supply.
8- Fuel Supplied by mobile tanker from oil terminal.
9- Port Workshop available for minor repairs to vessel and equipment.
Dakada Barbara waxa si-toosa uga shaqeeya 2,000 kun oo Qof, waxa kale oo si-dad-ban uga shaqeeya 2600 Qof, waxana ay ka mid tahay Hayadaha ugu shaqaalaysiinta badan Somaliland gudaheeda.
Dakada Barbara waxa hal mar ku xidhan kara 5 Markab oo dhinaca u soo galaaya iyo 1 Markab oo dabo dabo ” Dib Dib ” u soo galaaya, waxa kale oo ay leedahay qayb kale oo u gaara Shidaalka, waxa kale oo intaas u dheer qayb yar oo u gaara kaluumaysatada Laashashkooda, waxana weeyi Dakad yar, marka lagu eego hal-beega Aduunka, ee Dakadaha lagu hal-beego.
Fiiro Gaara:- Dakada Barbari waxay sanadkii dajisaa ama rartaa 70,000 koontiinar.
Labdan shirkadood yaa maal-galin badnaa:-
1- Bollore Africa Logistics (BAL), waxana leh Dawlada Faransiiska, 7 sano ayay olole ugu jirtay in ay gacanta ku dhigto Dakada Barbara, waxana madax u ah Dominique Lafont, waxana watay Wasiir Maxamed Biixi Yonis, Lacagta ay galinaysay waxa weeyi $ 677 Milyan.
2- Dubai Port’s World (DP WORLD), waxana leh Dawlada Imaaraadka, waxana watay Marwo Amina Waris Sheekh Maxamed Jirde Iyo Baashe Cawil Xaaji Cumar, Lacagta ay galinaysay waxa weeyi $ 442 Milyan.
Fiiro Gaara:-
1- Bollore Africa Logistics (BAL), waxa ay ka maal-galin badan tahay Dubai Port’s World (DP WORLD) oo ay dheertahay $ 235 Milyan.
Waydiin:- Maxay Dawlada Somaliland Dubai Port’s World (DP WORLD) kaga dooratay Bollore Africa Logistics (BAL) mar hadii ay kala badh ka badan tahay lacagta maal-galinta ah ee ay galinaysaa ?
2- Labada shirkadood sida ku cad qorshahooda, iyagaa dhisaaya jidka isku xidhaaya Magaalada Barbara iyo Magaalada Adis-ababa ee la yidhaa:- Berbera Corridor, jidku dhanka Somaliland waa 241km, dhanka Itoobiyana waa 696, waxana uu dhererka jidku sidaas ku yahay:- 937km, waxana ku baxaya lacag dhan:- $ 1.8 Bilyan.
Waxana wada maal-galinaaya:-
1- World Bank Group.
2- Intergovernmental Authority on Development (IGAD)
3- African Union.
4- United Nations.
5- Islamic Development Bank (IsDB)
6- European Union (EU)
7- African Development Bank (AfDB)
Fiiro Gaara:- Dakadaha Geeska & inta ay u jiraan Adis-ababa.
1- Dakada Suudaan ee Port Sudan, waxay Adis-ababa u jirtaa 1,900km.
2- Dakada Keeniya ee Mambaasa, waxay Adis-ababa u jirtaa 2,067km.
3- Dakada Iritariya ee Casab, waxay Adis-ababa u jirtaa 882km.
4- Dakada Iritariya ee Musawac, waxay Adis-ababa u jirtaa 1,163km.
5- Dakada Somaliland ee Barbara, waxay Adis-ababa u jirtaa 937km.
6- Dakada Jabuuti ee Dooraaleh, waxay Adis-ababa u jirtaa 910km.
Hishiiska Qodobada Is-dul-taaga Mudan:-
Shirkada Hada Maamulaysa Dakada Barbara:-
1- Sida uu dhigaayo Hishiiska Saamilayda ” Shareholders Agreement ” Qodobkiisa 2aad oo ay wada galeen labadan shirkadood ee kala ah:-
1- Berbera Port Authority.
2- Dubai Port’s World (DP WORLD)
Waxa Dakada Barbara maamulaysa Shirkadan:- Berbera Port Operating Company
oo uu abuur-mayo hishiiskaasi.
Fiiro Gaara:- Hishiisyadani waa kuwa udub-dhexaad ah, kuna jira Qodobka 2aad:-
1- Hishiiska Suuqa Xorta ” Free Zone Agreement ” Maan arag.
2- Hishiiska Maamulka Adeega ” Management Services Agreement “Maan arag.
Waxa gacantayda soo galay oo kaliya hishiisyadan:-
1- Hishiiska Is-af-garad ” Memorandum of Understanding ” Waan hayaa.
2- Hishiiska Adeegsiga “Concession Agreement ” Waan hayaa.
3- hishiiska Saamilayda ” Shareholders Agreement ” Waan hayaa.
2- Sidoo kale isala Qodobkaas 2aad, waxaa ku qeexan in heerka canshuurta ee Dakadu la mid noqdo ta Dubaay.
Waydiin:- Heerkaas Cashuureed ma yahay mid bulshadu qaadi karto ?
3- Sidoo kale Qodobka 3aad, waxa uu kala sheegayaa Saamiga labada dhinac ku kala yeelanayaan waxana weeyi, 35% dhanka Somaliland 65% dhanka Imaaraadka.
4- Sidoo kale Qodobka 6aad, waxa uu sheegay in Gudida Maamulaysaa noqonaysaa, 7 Xubnood, oo loo-kala-yeelanaayo 2 Somaliland ah iyo 5 Imaaraadka ah.
5- Sidoo kale Qodobka 11aad, waxa uu cadaynayaa in Madaxa Xafiiska Fulinta ” Chief Executive Officer ” iyo Madaxa Xafiiska Haw-galina ” Chief Operating Officer ” ay ka imanayaan dhanka Dubai Port’s World (DP WORLD).
6- Sidoo kale Qodobka 19aad, waxa uu leeyahay, murankasta oo yimaada waxa lagu fur-daaminayaa 30 Maalmood, iyada oo laga duulaayo Niyad-sami ” Good Faith ” hadii muranku sidaas ku dhamaan waayo, waxa dhex-dhexaadin loola noqonayaa Imaarada Dubaay, iyadoo la raacayo Xeerka u yaal DIFC LCIA.
Fiiro Gaara:-
1- DIFC LCIA, waa shirkad qabata adeega dhex-dhexaadinta, xarunteeduna tahay Imaarada Dubaay, wixii xogta ee intaas ka badan waa kan Webkeedii:- http://www.difc-lcia.org/
2- Qodobkani waa ka ugu halista badan eek u jira.
Xusuusin:- Hishiisyadan oo kale waxa labada dhinac ee wada galayaa, waxay doortaan dhinac 3aad, si ay ugu furdaamistaan wixii murana ee dhex-dooda yimaada, dhinacaas 3aad waxa uu noqonayaa in ay murankooda ku furdaamistaan xeerarka Wadan kale, se hadii sida hishiiskan oo kale wadan yidhaa aynu ku kala baxno xeerarka wadankayga, waxaa halkaas ku jira wax isku muusayn, waxana ay u dhigantaa nin ku yidhi kaalay Gurigayga ayaan gogoshii inoo dhigee igula gar-naqso.
La-soco qaybta ku xigtaa Somaliland & Sal-dhigyada Ciidan, qaybta 4aad oo ah Sal-dhiga Ciidan ee I-su-taga Imaaraadka Carabta .
W/Q Garyaqaan Cabdale Dahir Adan