Somaliland: tirada dadka laga helay Covid-19 oo korodhay

0

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in xaaladda xannuunka covid-19 ee Somaliland uu kusoo kordhay kiis Cusub oo laga helay Fayraska kaasi oo tiradii la xaqiijiyey ka dhigay lix qof.

Agaasimaga guud oo ka hadlayey warbixinta maalinlaha ah ee xannuunka coronavirus iyo waxa ka soo cusboonaada Somaliland ayaa sheegay in dadka ilaa hadda wasaaraddu xaqiijisay inay yihiin lix qof kuwaas oo mid ka mida  xaaladiisa caafimaad aad u wanagsan tahay oo uu ka bugsaday Fayraska.

Dr Maxamed Cabdi Xergeeye Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland waxa uu sheegay in afar iyo labaatankii saac ee u danbeyey xudduuda dalka laga hubiyay dad gaadhaya 1,000 qof kuwaas oo aan lagu arag wax xumad ah iyo calaamadaha xannuunka.